Wariye madaxbanaan oo Soomaali ah oo daganaan jiray
Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose,Sh/Hoose, aa uga waramaay idaaccada
BBCda laanteeda af-Soomaaliga, idaacadeeda subaxnimo, xaalada magaalada Marka
iyo guud ahaan tan Sh/Hoose ka dib markii xarakada Shabaabka lagala wareegay[1].
Wariyahaan waxaa la dhahaa Xassan Sheekh Nuur. Waa wariye
madax banaan. Waraysigaan wuxuu dhacay sabtidii, oktober27, 2012.
Wariyaha wuxuu sheegay magaalada inay nabad tahay, asagoo
magacdhabay maalmihii la soo dhaafay, walow mararka qaar uu sheegay, inay ka
dhacaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan, laakiin dadka waa iska shaqaystaan, uu ku
daray, ilaa habeenkii xilli dambe.
Wuxuu sheegay dadka markay aadaayaan magaalada Afgooye
ama Xamar inay maraan meelaha ay ka taliyaan xarakada shabaabka ee gobolka,ayna
marin wadada dheer ay xakumaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,CXDS, iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee
Soomaaliya, HMAS, ayagoo ka cabsanaaya dhac.
Warkaan hadduu runyahay dadka waxay doorteen Shabaabka.
Walow Abaanduulaha CXDS sheegay inay Shabaab arintaan lug ku
leeyihiin, bacdamaa ay gashadaan dharka CXDS bacdina shicibka dhacaan, si la iskaga
horkeeno Dowladda iyo Shacibka.
Waxaan udurusaynaa sida Shabaabka looga aarsan karo, oo
ah in laga howgalo meelaha ay ka taliyaan, bacdina loo diido inay si raaxo leh
ku maraan Jamaame ilaa Ceelbuur. Dadka
deegaanka inay is abaabulaan waaye, ay la shaqeeyaan CXDS si dalka oo dhan looga
saaro kooxdaan jid iyo jiho diidka ah.
Wariyaha wuxuu sheegay dadka reer Marka inay siyaasada
banaanka ka yihiin.
Kismaayo
Bambo gacmeed aa lagu tuuray afka hore ee xarunta dagmada
Kismaayo, waxaa la sheegay inay dhaawacday 6 qof oo Soomaali ah, shan ka mid ah
waxay ahaayeen shicib, midna wuxuu ahaa askari ka tirsan kuwa Dolwadda
Soomaaliya, ama kuwa xulufada la ah, Raaskaambooni[2].
Waxaa xusid mudan in idaacada BBCda qaybaheeda kala duwan
ee maanta, oktober 27, 2012, inay sheegin dagaalkii Shalay Dayniile Sheegtay
inuu ka dhacay Afgooye iyo kii ay sheegeen inuu dhexmaray CXDS ee suuqa
bakaaraha shalay. Hadday runtahay in khasaaraha ka dhashay Afgooye inuu ahaa 10
ku dhawaad, BBCda inay sheegto ay ahayd, hadduu warkaan jiro.
Mase kan Kismaayo waxay u sheegeen arimo la xiriira xagga
xuquuqda insaanka, bacdamaa shicib wax ku noqdeen?
Warka
idaacada BBCda labo wax si ka yihiin, Oktober 28, 2012.
Marka hore wuxuu leeyahay askaraa lagu dilay Marka;
cinwaankaan markaad aragtid waxaa ku galaysa ma magaalada markaa askar lagu
dilay, haddana waxaad baranaysaa
markaaad akhrisid ka dib in dagaal ka dhacay banaanka magaalada oo askar ku dhinteen[3].
Haddana wuxuu leeyahay ugu yaraan afar askari aa ku
dhimatay dagaal dhex maray Shebaab iyo CXDS, askartaas oo uu ku jiray taliyihii
guutada shanaad ee CXDS, S/G Maxamed
Farax Ibrahim Gordon.
Laakiin markuu ka hadlaayo inta ka dhimatay ama ka
dhaawacantay Shebaabka wuxuu leeyahay waxaa saas sheegay gudoomiyaha gobolka
Shabeelaha Hoose, ee ma dhihin intaas aa ka dhimatay.
Sidoo kale ma sheegin hubka ay isticmaaleen Dowladda,
meesha uu sheegya hubka ay isticmaaleen Shebaabka, rasaas iyo
baasuukayaal.
Wariyahaan si fiican wax ha u sheego, saasaa u fiican.
Shabakaha Soomalaida oo baafiyay qof la dilay asagoo
tuuraaya bambo gacmeed, Xaafada Towfiiq,
ee dagmada Yaakhsiid[4].
Dayniile.com waxay soo warisay sarkaal ka tirsan
nabadusigga Soomaliya, oo horay uga tirsanaan jiray xarakada Shabaabka, ahaana
taliyihii ciidanka Shebaab ee Ceelasha
Biyaha, in maanta lagu dilay dagmada Dayniile, ee gobolka Banadir. Waxaana dilay rag ka tirsan CXDS, say
Dayniile sheegtay. Sarkaalkaan aa lagu magacaabi jiray Garboojo[5].
Isla maanta dayniile waxay soo warisay in qof rayid ah
lagu dilay magaalada Kismaayo, oo ay dileen ciidanka Raskaambooni, ka dib
markuu ka dhago adaygay inuu amarkooda qaato[6].
Isla dayniile waxay soo warisay in dagaal u ka dhacay
inta u dhaxaysa Afmadow iyo Kismaayo, kasoo u dhaxeeyay Shabaabka iyo ciidamada
isbahaysiga[7].
Isla warkaan waxaa sheegay idaacada BBCda laanteeda Af-Soomaaliga a, maanta oo
taariikhda ahayd 28kii bisha, 2012.
Oktober
29, 2012.
Bardaale, guriga gudoomiyaha dagmada Bardaale oo ay
weerareen dad la rumaysanyahay inay ka tirsanyihiin ciidanka Shabaabka[8].
Dad waxaa jira u
turjuma erayga Ingiriisiga ah ee fighter, dagaalyahan, sax ma aha
arintaas, bacdina ku tilmaama Shebaabka dagaalyahano. Erayga fighter erayga waa dagaale, ee ma aha dagaalyahan, dagaalyahan
wuxuu la midyahay dhaqaaloyahan iwm, waa xirfad la barto. Ma jiraan aqoon ama
tabobar ay dheeryihiin ciidanka Dowladda. Marka sax ma aha in la dhaho
dagaalyahanada Shebaabka.
Waxaa xusid mudan inaan warkana laga baafin idaacada
BBCda iyo VOAda, laamahooda af-Soomaaliga.
Si walba ha noqotee afhayeen u hadlay, siday warisay
Hiiraan, ayaa sheegay in labo askari uga dhimatay dagaalka, meesha saddex kalena ugua dhaawacantay.
Isla Hiirana waxay soo warisay in dad goobjoog ah arkeen
maydka labo askari oo ka tirsan kuwo shabaabka. Waxay kaloo shabakadda sheegtay
inay jireen dhaawacyo kala duwan oo saa
gaaray ciidanka Shabaabka, laakiin ma magacdhabin.
Abwaan Soomaaliyeed oo la dhaho Warsame Shire Cawaale, oo
u shaqaynaayay idaacadda Kulmiye, qaybteeda majaajilada, aa maanta lagu dilay
Dagmada Waaberi, Banadir[9]. Abwaanka wuxuu curiyay sugaan badan.
Dayniile.
Dayniile maanta, 29kii bisha Oktober, 2012, waxay warisay in askari ka tirsan kuwa Dowlada
maant lagu dilay danwadaagta, oo ka
tirsan wadajir, ayna dileen ciidan ka tirsan kuwo Dowladda. Dayniile, waxay soo
warisay, islamaanta, 29ka bisha oktober, 2012,
warar sheegaaya askariga inuu faraha kula jiray falal tuuganimo. Isla maanta shabakadda
Dayniile waxay soo warisay nin loo qabtay dilkii Wariye Tuuryare. Warkaan ma
aha war ay baafiyeen shabakadaha kale ee gudaha iyo dibadda.
Dayniile waa af dheertay, ama warkeeda waxba kama jiraan,
waayo dad kale ma wariyaan wararka ay wariyaan. Marka waa udurusaynaa.
Oktober
30, 2012.
Qof dumar ah, oo sida Hiiraan.com, sheegtay, ka tirsanaan
jirtay ururka Shebab, aa maanta lagu dilay xaafadda labo-dhagax, ee Magaalada
Muqdisho[1]. Gabadhaan dhalinyarada ah
oo la dhaho Luul Cali Sabriye, waxaa dilay, sida Hiiraan sheegtay 3 qof
wajiga soo duubtay.
Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in gabadhaan loo
hanjabay dhowr jeer oo hore, bacdina sida muuqata laga dhabeeyay. Marka
arintaan waa mid la baari karo, bacdina gacanta lagu soo dhigi karo kuwii ka
dambeeyay.
Sida muuqata wariyaha wuxuu sheegay sabab baritaan mudan
oo ah in gabadhaan ay dileen Shabaab magaalada Xamar jooga, oo ka xumaa inay
ka tagto. Wa macquul.
Dowladda cusub waa inay u diida Shebaab inay dad ku dilaan meelaha ay ka
taliso. Tan waxaa lagu xaqiijin karaa in xuquuqda askariga meel la saaro,
asagana ama iyadana ay shaqadeeda si
fiican u qabsato. Canshuuro badan in la ururiyo waaye, qurbo joogtana
arintaan waajib aa ka saaran. Ma waxay rabaan in nabadda ku raaxaystaan,
dhibkana loo dhaafo askariga dhufayska ku jira?
Xaflahadaha taageeradana waa in lagu diraa qayb wax
ururin ah, Dowalddana waa inay damaanad qaadaa in lacagtaas lagu sugo amniga
dalka oo dhan.
Waxaa xusid mudan in howgalo balaaran laga fuliyay dagmooyinka Waaberi, Xamar
Jajajb iyo Warta Nabadda, ex-wardhiiglay, kuwasoo dad badan lagu soo qabqabtay.
Sida shabakado badan maanta sheegeen, oo taarikhada tahay 30ka bisha Oktober,
2012.
Sidoo kale Abwaankii shalay lagu dilay Xamar, waxaa la
sheegay in loo hanjabay[10],
marka ayadana waa la baari karaa, oo waxaa la haystaa, meel laga bilaabo. Hadii
la dabo galo, waxaa dhici karta sidii Boosaaso, in la helo kuwa ka dambeeya
dilalka noocaan ah, bacdina bulshada laga qabto, sida Boosaaso looga qabtay.
Idaacada BBCda laanteeda Af-Soomaaliga, barjaamijkeeda
subaxnimo, ee maanta oo ah 30ka bisha Oktober waxay sheegtay in wadaado xagjir
ah inay u hanjabeen Abwaanka ka dib markuu cambaareeyay.
Waa guul u soo hoyatay Shabaabka inay dad ugu hanjabaan
meel ay joogin bacdina ku dilaan. Bal ka warama nin gardaran oo nabad diiday,
haddana falalka noocaas ah ka fulinaaya meeluu joojin, meesha deegaano uu xoog
ku haystana uu nabad ku maraayo wadooyinka duur ka ah? Dadka waxaas u
dulqaatay, ee ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ma mudna miyaa in
dulli loo arko, la yaso, tii aakhirna ay u laabantahay, oo xanuunka badnayd.
Masiirkaasna ma ahanoo mid sugaaya ilmahooda?
Waxaa la joogaa xiligii Dowladda Soomaaliya ay ka sifeen
lahayd kuwaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa kaloo la joogaa xiligii laga howgali lahaa meelaha
ay joogaan, bacdina loo isticmaali lahaa tabaha ay isticmaalaayaan hadda,
jidgalka iwm, godod u qoda.
Waxaa wax lala yaabo ah in Shabab adeegsadaan dagaalka
dhuumaalaysiga ayoogan xaq u lahayn, oo doonaaya in dalkaan xoog ku xukumaan,
meesha dadka ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta
Soomaaliya oy xoog ku haystaan ayagoo wata shisheeye inay tabahaan
isticmaalin, bacdina iska fiirsadaan, ayadoo la falkinaayo muqtasbal madow oo u
baryi doona ayaga iyo kuwa ka farcamaaya.
Dadyowga ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya,
mar kale, waa inay is abaabulaan,
bacdina jidka u galaan Shabaabka sida nabadda ah uga safraaya min Ceelbuur
iilaa Jamamaame, iska mushaaxaaya Shabeelooyinka iyo Jubooyinka.
Haddii kale hala ogaado, mar kale, dulinimo adduunyo waa ma hurto, waa la idin
yasaayaa,waadna u qalantiin, idinka iyo
ilmaha aad dhali doontiin, haddaad diidiin inaad iska xuraysiin kuwaan nabadda
diiday oo raba Soomaaliyoo dhan inay xoog ku qabsadaan bacdina waxgalka dilaan,
oo dadka indhaha ka tuuraan, bacdina say rabaan ka yeelaan dalka iyo dadka,
maantay maalin tahay ee iska xureeye, oo u hiiliya dantiina iyo danta ummadda
Soomaaliyeed, ama iska aamusa, oo ilmihiina, iyo ilmaha Soomaaliyeed u horseeda
waxaan qaban.
Maal, naf iyo waqti ku taageer dadka xaq u dirirka ah ee
raba in loo daayo in dadka Soomaaliyeed ka tashadaan aayahooda ayagoo xor ah, oo laga daayo in la iskhasbo, ayadoo la
kaashanaayo wixii la heli karo, sida tabaha cusub ee Qaacidah, xagjirnimada,
nabad diidnimada iwm. Go’aan cad waa in laga gaaraa.
Haddii hadda loo isticmaalo Shabaab tabaha ay
isticmaalyaan, xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xulufadana dagaalka tooska ah
wadaan, waa quusanaayaan, bacdi carcarta uu wado Godane iyo inta la jirta,
meesha waa ka baxaysaa, waxay leeyihiin war walaalow ay bilaabaayaan, waa
quusanaayaan, meesha hadda inta la jirta
ay leeyihiin war waa dulli ee indhaha ka tuura, bacdina xoog ku xukuma, waa
dadaan jirine. Damac aa galay markay arkeen dadkaan kale oon rabin geerida,
dulinimada ogol. Dulli, dulli ahaaday.
Xadgudubka
Askarta Dowaladda Soomaaliay
Waxay kaloo Hiiraan.com maanta sheegtay in askari ka
tirsan kuwa Booliska Soomaaliya u soo raacay baabuur kuwa rakaabka ah oo
maraayay meel u dhow KM-4, ama no 4, una socday Siinaay, Wardhiiglay. Bacdi
muran aa dhexmaray askariga iyo nin dhalinyaro ah, bacdina askariga wuxuu
baabuurka ku furay, waa saday Hiiraan u dhigtaye, rasaas, uu ku dhintay kii ay
murmaayeen iyo labo dhalinyaro kale[11].
Hiiraan waxay sheegtay in askar ka tirsan kuwa ciidamda
Soomaaliya inay u gurman, bardu meeshay ka dhawaayeen miyaa? Bacdina dan kama
galin miyaa? Arintaan waa eedayn u baahan in qoraaga Hiiraan inuu caddeeyo.
Dadkaan aqbaly dulinimada oo caruurtoodana rabo inay
waxaad dhaxlaan waxay dhahaan war Dowladda ka daran, waa mooryaan iwm.
Dowladda cusub aa lagu rabaa inay arintaan meesha ka
saarto. Askarigii qof dila, waa in la dilaa. Askarigii wax dhaca, waa in wuxuu
sharciga qabo la marsiiyaa.
Haddii kale, marmarsiiyo ay ka dhiganaayaan waxay
leeyihiin mooryaanta waxaa dhaama ninka afka duuban oo xoogga iyo shisheeyaha
dalkeena ku qabsaday qaar, qaarka kalena raba inuu xoog ku qabsado, bacdina
indhaha naga tuuro, asagoo laynaaya waxgaradka.
Hadday arintaan been tahay, warbaahinta beenta sheegaysa hala
dabo dhigto, oo ciidanka sumcadda ka dilaysa, bacdina sharciga hala marsiiyo
Isla maqaalkaan waxaa lagu magacdhabay in askari waardiye
u ah xildhibaan la dhaho Axmed Kinyaati inuu dilay askari kale oo asna waardiye
u ah; Xildhibaabka wuxuu sheegay inuu gacanta u galinaayo askariga ururada
amaanka dalka.
Warkaan wuxuu sarbeebaa in meesha dilka ka dhacay ay
imaan wax askar ah. Run ma aha, waa imaadeen, laakiin ma gali karaan guriga
xildhibaanka. Xaldhibaankana wuxuu sheegay inuu ururada ammaanka u gacan
galinaayo ninkii wax dilay. Booliskana wuxuu la xiriiray madaxda Dowladda si
arintaas loogu sheego, Hiiraan warkana ma sheegin[12].
Shabakdda Hiiraan.com waxay kaloo maanta soo warisay
xukuno ay riday maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, darajadeeda
koowaad[13].
Sagaal eedaysane aa maxkamadda la horkeenay, afaraa min shano lagu xukumay,
waxayna ka yaraayeen 25 jir, 5 dambi waa
lagu waayay, bacdina waa la iska sii
daayay. Hiiraan waxay sheegtay in xukunkaan ahaa kii ugu horeeyay a
dhaca Dowladda cusub markay dhalatay ka dib.
Sharciga inuu shaqeeyo waa arin fiican, waxaana ka sii
fiican in meel fagaara ah lagu qabto ciqaabka, si kuwo kale uga digtoonaadaan
inay dad dhibaateeyaan.
Ciidamo ka tirsn kuwa Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka
Midow Afrika ee Soomaaliya, HMAS, aa miino wadooyinka la galiyay ka saaray
jidadka dhexmara magaalada kismaayo, siday sheegtay Hiiraan.com[14].
Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in miino la galiyay maqaaxi ku taala
albaabka laga galo xarunta maamulka
Kismaayo, maalmo ka hor dhibaato ay gaysatay.
Idaacadihii VOAda, BBCda laamahooda af-Soomaaliga,
barnaamijyadooda kala gadisan, waan dhagaystay, maanta, oo ah, oktober 30,
2012; ma sheegin dilka gabadha Warta nabadda, askariga rakaabka xabadda ku
furay ee KM-4, miinooyinka laga saaray Kismaayo, xildhibaanka waardiyihiisa wax
dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukun fulisay.
October 31, 2012
Warkii iyo faaqidaadii oo Soomaali ah waa kan.
Idaacad BBCda laanteeda Afka-Soomaaliga waxay maanta soo
warisay inuu jiray iska horimaad dhexmaray ciidan ka wada tirsan ciidanka
xoogga dalka Soomaaliya, CXDS, ee gobolka Hiiraan, kasoo uu ku dhintay
tiliyihii howlgalinta CXDS ee gobolka Hiiraan, mudane Muumin Maxamed Maxamud
Ildhigte[15].
Godoomiyaha gobolka Hiiraan, C/Fatax Xassan Afrax waa
beeniyay in ciidanka dagaalay ay ka wada tirsanaayeen CXDS, wuxuuna sheegay
kuwa lala dagaalay inay ahaayeen burcad.
Wuxuuna sheegay in dadka oo dhan hubaysanyihiin, tanna ya
sharxi karto isk hor imaadyada noocaan ah. Ammaan buuxa waxaa la heli karaa, uu
sheegay, marka xuduudaha la xiro,
dadkana hubka laga dhigo.
Isla idaacada BBCda Laanteeda Af-Soomaaliga, waxay
sheegtay, maanta oo ah 31ka oktober, in bartahamaha magalada Gaarisa lagu dilay
hal askari, laguna dhaawacay mid kale; bacdina meesha ay ka dhacday rasaas ay
is dhaafsadeen booliska iyo kuwii soo weeraray; bacdina tan ay dhalisay in
dadkii meesha joogay ay kala cararaan. Bacdina magaalada xiranto[16].
Wariyaha BBCda ee Garissa oo soo xiganaayay gudoomiyaha
Gaarisa Macalin Maxamed aa sheegay in qaraxyadii kooxahaan ay ku badasheen
toogasho; waana isla kooxihii magaalada ku dilay labo askari bishii hore,
Sebtember.
BBCda laanteeda Af-Soomaaliga maanta, oo ah 31ka oktober,
2012, waxay sheegtay in bam lagu tuuray meel ku taal Kismaayo, Calanlay, ay ku
dhaawacmeen 4 qof oo shicib ah. Bacdina waxay waraysatay afhayeenak maamulka ku
meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo, C/Nadir Seerar Maax, wuxuuna xaqiijiyay
warkii ay idaacada sheegtay.
Nofember
1, 2012
Guri guri aa loo baaray maanta, oo kowda nofember,2012,
magaalada kismaayo; howlahaan waxaa ka qaybqaatay ciidamo badan oo ka howlgala
magaalada. Siday sheegtay idaacada BBCda waxaa la soo qabtay dad gaaraaya 30o
oo looga shakisanyahay inay qayb ka ahaayeen amaan daradii ka jirtay magaalada[17].
Wariyaha BBCda waxaa loo sheegay dadka inay maqlaayeen
qaraxyo. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada, C/Nasir Seeraar
Maax, wuxuu sheegay inay ahaayeen miinooyin la bixiyay, bacdna la qarxiyay.
Inta badan waxaa howlahaan ka khaldan waa marle; waxaa
haboon in la dhiso dad xaafad walba oo la socda dhaqdhaqaaqa kuwa dhibka ka
wada magaalada, bacdina si toos loo beegsado. Shaqadaan ma aha mid mare ah, oo
maanta joogta oo maalin walba la naawilo.
Tan waxay u baahnaanaysaa in la shaqaaleeyo dad howshaan
qabta, ayadoo la isticmaayo canshuuraha laga ururiyo, ama laga ururin doono
magaalada oo dhan, sida jidadka, ganacsiyada, dadkadda, dayuuro dageenak, wax
soo saaarka beeraha, xoolo dhaqatada iwm. Nabaddda waa in la gataa, waa shay
qaali ah.
Nofember 2, 2012
Ciidamo ka tirsan kuwa Howlgalka Midwoga Afrika ee
Soomaaliya, Maliishiyaadka Raaskaambooni iyo kuw Dowladda Federaalka Soomaaliya
aa maalintii labaad howlgal balaraan ka wada Magaalada Kismaayo, Jubada Hoose[18].
Sida ay sheegay idaacada BBCda adeegeeda Soomaalida. Wariyaha idaadacaad wuxuu ku sheegay
barnaamijki iduhurnio n dad gaaraaya ilaa 600 qof lagu qabqabtay magaalada.
Idaacada waxay kaloo soo warisay wafdi heer sare ah oo ka
socda Dowladda Soomaaliya oo booqday meelo badan oo ka mid ah Kismaayo, sida
dakadda iyo madaxtooyada Kismaayo.
Idaacada sidoo kale waxya sheegtay dad shacab oo kala saaray guryahooodii iyo ganacsiyadoodii
oo ku yaalay Ceelgaab. Dadka meesha jooga waxay dhaheen waqti nagu filan nalama
siin. Dowladda waxay tiri waa la siiyay.
Waxaa fiicnaan lahayd in dadkaan meel kale loo helo,
maadaama dalka uu ka jiro dhibaato xagga nolosha ah. Ma aha oo kaliya in la
dhaho baxa.
Warar kale oo waxaa jiray hal shabaq kaliya faafisay[19].
Warar waxaa jiray ay Dayniile kaliya qortay, oon waayay
meel kale oo soo warisay, marka ma sheegin. Laakiin waxaan diiwaan galinaa
markaan caddayn u helo, wararkaas waxaa ka mid ahaa nin lagu dilay Shabeelaha
hoose, oo noqon rabay gudoomiye tuulo iyo bambo lagu tuuray saldhigga Yaakhsiid
ee Gobolka Banadir.
[1]
Wariyaha wuxuu la hadlay idaacadda BBCda adeegeeda Soomaalida, barnaamijkeedii
subaxnimo, sabtidii oktober markay
ahayd, 27kii, 2012.
[2]
Warkaan waxaa laga sii daayay idaacada BBCda adeegeeeda Soomaalida, barnaamijka
duhurnimo, sabtidii, 27kii Oktober, 2012.
[3] “Afar
askari oo lagu dilay Marka”. BBCda
laanta Af-Soomaaliga, oktober 28, 2012, Wxaan furtay maanta oo ah 28ka bi
http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htmsha Oktober,
2012.
[4] Maxamed
Xaji Xussein.“Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux
toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan”Hiiraan.com. Shabakad. Oktober 28, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htm
[5] Tafatiraha
Dayniile. “Saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga iyo nabad sugida oo lagu
kala dilay gobolada Banaadir iyo Sh/hoose” Dayniile.com, oktober 28, 2012. Waxaan furtay isla taariikhdaan hore.
[6] Tafatiraha
Dayniile. “Xoogaga Raaskambooni oo nin rayid ah ku toogtay xaafado ka tirsan
Kismaayo, xili ay howlgalo ka wadeen” Dayniile.com, oktober 28, 2012. Waxaan furtay isla taariikhdaan hore.
[7] Tafatiraha
Dayniile. “Kolonyo ay la socdeen ciidamada huwanta oo lagu weeraray wadada isku
xirta Kismaayo iyo AfmadowDayniile.com”. oktober 28, 2012. Waxaan furtay isla taariikhdaan hore.
[8] Maxamed
Xaji Xussen, “Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday
guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale” Shabakad. Oktober 29,
2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta29-19737.htm
Waxana furtay 29kii Oktober, 2012.
[9] Abdullahi
Osman Farax "Raafac" “Abwaan Warsame Shire Cawaale oo caawa lagu
dilay Muqdisho”. Shabakad. Waxan furtay 29kii Oktober, 2012. http://soomaalidamaanta.com/deg-deg-abwaan-warsame-shire-cawaale-oo-caawa-lagu-dilay-muqdisho/
.
[10] Maxamed
Xaaji Xuseen. Kooxo hubeysan oo xalay siyaabo kala duwan laba qof oo uu ku jiro
Abwaan ugu dilay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir. Hiiraan Online.
www.hiiraan.com, October 30t, 2012. WEB.
October 30, 2012. <
<http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19742.htm>.
[11] As
Maxamed Xaaji Xuseen.Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Rasaas khasaare
geysatay ku furay gaari ay dad rakaab ah la socdeen. Hiiraanonline.com.
www.hiiraan.com, oktober 30, 2012. WEB. October,30, 2012.
[12] Hoyga
wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka
dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober
30, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2894
[13] ]
Maxamed Xaaji Xuseen. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee
Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday Eedeysanayaal. Hiiraan Online.
www.hiiraan.com, October 30t, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19743.htm
[14] Xasan
Nuur. Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kismaayo oo
howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay walxaha Qarxa. Hiiraan online.
www.hiiraan.com , oktober 30, 2012. Shabakad.Oktober 20, 2012.<
http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19745.htm>.
[15] BBC
laanteeda af-Soomaaliga.Taliye lagu dilay magaalada Beledweyne. BBC Soomaali,
oktober 31, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012.
http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121031_beledweyne_taliye_dil.shtml
[16] BBC
laanteeda af-Soomaaliga.Barnaamijka subaxnimo,. BBC Soomaali, oktober 31, 2012.
Shabakad. Oktober 30, 2012.
[17] BBC
Somali. Dad lagu xirxiray magaalada Kismaayo.
BBC. Nofember 1, 2012. Shabakad. Nofember 1, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2012/11/121101_kismaayo_hawlgal.shtml
[18] ]
BBC Somali. Barnaamijka Duhurnimo. BBC Somali adeegga, Nofember 2, 2012. Shabaq. Nofember 2, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/
[19] Warar
waxaa jiray ay Dayniile kaliya qortay, oon waayay meel kale oo soo warisay,
marka ma sheegin. Laakiin waxaan diiwaan galinaa markaan caddayn u helo,
wararkaas waxaa ka mid ahaa nin lagu dilay Shabeelaha hoose, oo noqon rabay
gudoomiye tuulo iyo bambo lagu tuuray saldhigga Yaakhsiid ee Gobolka Banadir.
Credit of the picture: viewstz.com
No comments:
Post a Comment