Guri guri aa loo baaray maanta, oo kowda nofember,2012,
magaalada kismaayo; howlahaan waxaa ka qaybqaatay ciidamo badan oo ka howlgala
magaalada. Siday sheegtay idaacada BBCda waxaa la soo qabtay dad gaaraaya 30o
oo looga shakisanyahay inay qayb ka ahaayeen amaan daradii ka jirtay magaalada[1].
Wariyaha BBCda waxaa loo sheegay dadka inay maqlaayeen
qaraxyo. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada, C/Nasir Seeraar
Maax, wuxuu sheegay inay ahaayeen miinooyin la bixiyay, bacdna la qarxiyay.
Inta badan waxaa howlahaan ka khaldan waa marle; waxaa
haboon in la dhiso dad xaafad walba oo la socda dhaqdhaqaaqa kuwa dhibka ka
wada magaalada, bacdina si toos loo beegsado. Shaqadaan ma aha mid mare ah, oo
maanta joogta oo maalin walba la naawilo.
Tan waxay u baahnaanaysaa in la shaqaaleeyo dad howshaan
qabta, ayadoo la isticmaayo canshuuraha laga ururiyo, ama laga ururin doono
magaalada oo dhan, sida jidadka, ganacsiyada, dadkadda, dayuuro dageenak, wax
soo saaarka beeraha, xoolo dhaqatada iwm. Nabaddda waa in la gataa, waa shay
qaali ah.
[1]
BBC Somali. Dad lagu xirxiray magaalada Kismaayo. BBC. Nofember 1, 2012. Shabakad. Nofember 1,
2012. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2012/11/121101_kismaayo_hawlgal.shtml
Credit of the picture: viewstz.com
No comments:
Post a Comment