Isniintii la soo dhaafay Gaarissa waxaa lagu dilay saddax
askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Keenya, CDK.Waxay ka mid ahaayeen ciidanka
midowga Afrika ee ka howlgala koonfurta wadanka Soomaaliya, HMAS.
Afhayeenka ciidanka Kenya Gaashaanle Dhexe, G/Dhexe,
Sayras Oguna, wuxuu sheegay, siduu soo wariyay wargayska maalinlaha ee Kenya,
Maalinle Qaran, Daily Nation, in labo askari la joogeen askarta la dilay,
labadaas askari ma furin wax xabado ah si looga hortago khasaaro shicibka soo gaara.
Waxaa naloo sheegay meeshay u cararren kuwii askarta
dilay, buulo masuuri, uu dhahay Oguna, waa bursanay, bacdina waxaan soo qabanay
qalab xagga isgaarsiinta ah. Casarkiina waxaa naloo sheehay inaan howsha
joojino.
Bacdi waxaa dhacay, uu dhahay Oguna, mudaaharaad, bacdina waxaa kala burshay
Booliska ayagoo adeegsanaaya sunta dadka oohinta ka keenta.
Haddana oguna wuxuu sheegay in talaadadii hub lagu soo
weeraray xiro ay ciidanka daganyihiin, laakiin wuxuu sheegay inay rasaas uga
jawaabin.
Warbixinta Sayris Oguna waxay ka hor imaanaysaa warbixino
ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka iyo xittaa war ka soo baxay madaxda Dowladda Keenya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Kowaad, Yusuf
Xaaji iyo Raila Odinga.
Odinga wuxuu cambaareeyay howlgalkii ciidamada Kenya ee
Gaarissa, wuxuuna u balan qaaday inuu
magdhow siinaayo dadkii wax ku noqday musiibadaas, siduu qoray wargayska
halbeeg, Standard, qaybtiisa internetka, ama shabaqyada dhexdooda, ama mareegaha,
taariikhda markay ahayd 24kii bishaan nofember,2012.
Xadgudubyada ciidanka waxay u egtahay inay dhaliyeen isku
soo bixii rabshadaha watay ee ka dhacay Gaarissa.Rasaas la furay ugu yaraan waxay
dhaawacday 8 qof, in ka badan 50na waxaa soo gaaray dhaawacyo kale, garaac ama
darabaad, tusaale ahaan, siday soo warisay BBCda aflka Ingiriisiga ku hadasha
talaadadii, nofember 20keedii, 2012.
Ciidanka wadanka Kenya waxay dad kala soo baxeen masaajid
ku yaala Gaarissa, bacdina waa garaaceen waana xireen; warkaan waxaa sheegay
idaacada BBCda ee af-ingiriisiga ku hadasha isla maalintii arintaan dhacday,
isniin 19kii bisha nofember, 2012.
Dadkaan rasaasta soo gaartay waxaa ka mid ahaa arday wax
ka barata kownti Hay iskuul, oo u dhow xiro ciidan.
Wargaysyada Kenya waxay soo wariyeen in oday dhaqameed
dhaawac ka soo gaaray xabado ay fureen ciidanka Kenya, inuu u dhintay. Waxaa
kaloo gabi ahaanba gubtay ama inta badan gubtay mid ka mid ah suuqyada ugu
waawayn Garissa oy ku yaaleen saddex kun oo dukaan, siduu sheegay Faarac
Macalin, ku xigeenka barlamaanka Keenya, oo u waramaayay VOAda laanteeda
af-Soomaaliga, 23kii bisha nofember, 2012.
Waxay u egtahay warkii uu sheegay Gaashanle Dhexe Sayris
Oguna inuu sax ahayn. Hadday saas tahayna, waxaa adkaanaysa in la rumaysto hadda ka dib.
Waxaa xusid mudan wasaaraddii loo igmaday inay qiimayso dhibkii dhacay bacdina magdhow ka bixiso inay sheegtay inay lacag haysan, ayna u baahantahay in golaha wasiirada ee wadanka Keenya inay lacag siiyaan wasaaradda si ay magdhow u siiso dadkii wax ku noqday wixii ka dhacay Gaarissa.
Isha Bulshonews.comWaxaa xusid mudan wasaaraddii loo igmaday inay qiimayso dhibkii dhacay bacdina magdhow ka bixiso inay sheegtay inay lacag haysan, ayna u baahantahay in golaha wasiirada ee wadanka Keenya inay lacag siiyaan wasaaradda si ay magdhow u siiso dadkii wax ku noqday wixii ka dhacay Gaarissa.
No comments:
Post a Comment