Sunday, November 18, 2012

Aayo ka Talinta, Tartanka Beelaha iyo Kismaayo


Labo isbuuc ka hor, waxaa magaalada Kismaayo laga soo celiyay wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, HMAS ama AMISOM.

Afhayeenka mamaulka ku meel gaarka ah ee gobolka, Cabdinasir Seeraar wuxuu u sheegay VOAda qaybteeda Soomaaliga inaan horay loola soo socodsiin; Saas oo kale Wasiirka dalxiiska ee Kenyana, wuxuu sheegay isla sababtaas in wafdiga loo soo celiyay, asagoo u waramaayay BBCda laanteeda Af-Soomaaliga.

Dowladda iyo dadka ku dhaqan Jubooyinka waxay isku raacsanyihiin in dadka meeshaas ku dhaqan loo dhaafo inay aayahooda ka tashadaan. Madaxwaynaha Soomaaliya markuu xafiiska joogay 61 maalmood, shir jaraaid uu qabtay uu arintaan ku magacdhabay. Waxay ahayd inuu horay uga sii hadlo arintaan, shirarka jaraaidkana joogteeyo, si suuqa looga saaro kuwa xansheegga ah.

Dad meesha ku dhaan qaarkood go’aan ay ka gaareen qaabdhismeedka maamul goboleed ka dhalan raba Jubooyinka iyo Gedo. Dadkaas waxaa ka mid ah ciidanak Dowladda Federaalia ah Jubooyinka, afhayeenkooda oo la dhaho Maxamed Faarah; Mudanahaan wuxuu u sheegay VOAda laanteeda Soomaaliga in samaynta Jubbaland ay tahay siyaasadooda rismiga ah, waa siduu u dhigay, mar laga waraysanaayay arimaha dhuxusha gobolka.

Saas oo kale Cabdinaasir Seeraar 10kii bishan nofember wuxuu sheegay VOAda laanteeda Af-Soomaaliga,  in maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo inuu si fiican uga socdo Kismaayo, wuxuuna sheegay inay meesha joogaan wafdi ka socda IGAD, urur dowladeed kulmiya dowlado badan oo ku yaala Bariga Afrika, oy Soomaaliya ku jirto.

Sida muuqata arintaan waxay dhalisay xasaasiyad badan, in wafdigii Dowladda Soomaaliya la diido, kii IGADna loo daayo inuu ka shaqeeyo maamul u samaynta gobolada, walow Madaxwaynaha Soomaaliya arinta IGAD uu wax dhib ah u arkin, bal uu arkay inay ka caawinaayaan dadka deegaanka xagga farsamada, walow la ogyahay in Kenya faraha kula jirto, walina kula jirto, maamul u samaynta Jubooyinka, Dowladda Soomaaliyana loo diiday, inay qayb ka ahaato aayo ka talinta shicibka Jubooyinka.

Waxaa xusid mudan in gobol ka mid ah goboladaas uu wali maqanyahay, Jubada Dhexe; saas oo kalena dagmooyin ka tirsan Jubada Hoose yo Gedo ay wali ku jiraan gacmaha Shabaabka, sida Baardheere iyo Jammaame.

Beesha Daaroodka xoogooda waxay taageersanyihiin Jubbaland state in la dhiso, maamul ka hirgala Jubbooyinka iyo Gedo; Dowladda Buntland iyo ururada bulshada deegaanadaas labadaba waa  taageereen Jubbaland.

Ma adka in la fahmo sababta beesha Daaroodka ay u taageersanyihiin Jubbaland state: mamaulkaan wuxuu xoojinaa maqaamka beesha Daarood ee Jubooyinka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya; waxaa jiraaya labo dawladood oo ay beesha Darood ku awood roontahay.

Si arintaan aad u garowsatid, bal ka soo qaad in la isku daro Shabeelaha Hoos iyo Jubooyinka; haddii ay tan dhacdo, waxaa xoogaysanaaya maqaamka beesha Digil iyo Mirifile,  Dir, Hawiye iyo xitaa kan beesha Shanaad, kan beesha Daroodna waa yaraanaa, ama Jubada dhexe ku dar Bay iyo Bakool.
Si kale haddaan u dhigno, qaab dhismeedka waa arin u taala inay go'aan ka gaaraan dhammaan beelaha ay khusayso, haddii kale caddaalad ma aha. Hogaanka siyaasadeedna waa sidaas, ma aha inuu Xamar ka yimaado, waa inuu deegaanka ka yimaadaa. Xusuuso arintaan, qaabdhismeedka iyo hogaanak labada waxay u yaaliin dadka deegaanka, ma laha arintaan dadka ka baxsan deegaanka, ama ha ahaato Nayroobi ama Xamar.
 
Shabakdaha qaarkood waxay soo wariyeen in shirar ay ka socdaan Xamar lagu doonaayo in maamul looga dhiso gobolada la rabo in lagu daro Jubbaland, sida Jubada Dhexe.

Warar laga helay wekileek, waxay caddaynaayaan inay Kenya taageersantahay Jubbaland. IGADna ay ku qaraabanayso. Ujeedka waxaa la leeyahay waa inay darbi ka samaysato dagaalada ka socda wadanka Soomaaliya.

Meesha waxaa kaloo taala lacag tiro badan, 50 malyuun oo doolar aa lagu qiyaasay in Shebaab ka soo gali jirtay Jubooyinka, Dakadda iyo Dhuxusha; Kenya iyo jilaayaal kaleba waxaa u muuqata arintaan.

Xalka ma adka, u daa daka meesha ku dhaqan go’aan haka gaareen qaabdhismeedkooda iyo hogaankooda siyaasadeed. Ma aha in Kenya qaabdhismeedka go’aansato, Xamarna ma aha in maamul soo magacowdo. Labadaba waxaa leh dadka meesha ku dhaqan.

Muddda dhow waxay raaci karaan wadadii lagu soo dhisay Dowladda dhexe ee Soomaaliya; muddada fogna waxay raaci karaan nidaamka doorashada, si ay go'aan uga gaaraan masiirkooda.

No comments:

Post a Comment