Kismaayo marka kale waxay waajahaysaa mowjado
siyaasadeed. Wufuud ka socda kuwa
Dowladad Soomaaliya dib looga celiyay magaalada, isbuucii la soo dhaafay.
Waxaa dib u soo noolaaday doodo kulul oo salka ku haaya
qabiil iyo lacag. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Shabab meesha ka soo gali
jireen adduunyo dhan $50 malyan oo doolar sanadkii, lacagtaan oo ka imaanaysay dhuxusha iyo dakadda.
Hadda waxaa magaalada yaalla illaa shan malyan oo kiish
oo dhuxul ah, oo lagu qiyaasay 30 malyan oo doolar
Dowladda Kenya oo waysay lacag ay u rabtay ciidankeeda
badda aa laga yabaa inay rabto inay maamul u samaynta ka qayb qaadato si ay
lacagaaas wax uga hesho, bacdamaa ciidankeeda ay meesha wax ku xureeyeen.
Ciidanak Kenya waxaa la sheegaa in bishii ay ku baxda
lacag lu qiyaasay min rubac malyuun ilaa labo malyan doolarka Maraykanka.
Xalka ma adka; dadka deegaanak waa inay aayahooda ka
tashadaan, bacdina dhistaan ayagoo maraaya wadadii lagu dhsay Dowladda
Soomaaliya.
Tan waxay noqonaysaa ku meel gaar. Aakhirka Soomaalida oo
dhan waa inay ka wada shaqeeyaan sidii nidaam walba oo jira inuu doorasho ku
yimaado shacbi ah, kuna tago, ama ha noqdo mid heer gobol ama mid heer qaran,
inta ka sokaysa, xal ma jiro, waa xaalul mastuur.
In codka shacabka shaqeeyo waa mid xal ah, marka waa in
laga wada shaqeeyaa.
Si tan u dhacdana waa in marka hore dastuurka helaa afti
caam ah; kan hadda jooga ma haysto afti, loomana qaadin, sababo la xiriira
ammaanka. Markay duruufta saamaxdo waa inuu helaa afti, si uu helana waa inuu
noqdaa wax raali laga wadayahay, bacdina waa in la dhisaa maxkamado iyo ciidan
boolis iyo kuwo kale, oo hirgaliya wixii lagu heshiiyay. Xalka waa kaas.
Sidaas darteed, hadda wixii la sameeyo waa ku meel gaar,
ee ma aha wax rasmi ah.
Shaqada nawada sugaysa waa in la dhisaa nidaam rasmi ah,
oo ka turjumaaya rabitaanka shicibka.
Sababta aan hoosta uga xariiqaayo in dadka aayahooda ka
tashadaan waa in la helo dad Soomaaliyeed oo dan wadaag ah oo iska xorayn kara
Shebaabka, leh ciidan qaran iyo siyaasadad midaysan oo ka wayn tan Shabaabka,
markaas waxaa dhacaysa qof walba asagoo difaacaaya xoriyadiisa iyo deegaankiisa
inuu xaqiijiyo xoriyadda dalka.
Jubooyinka waxaa dagan beelo badan oo Soomaaliyeed,
nidaam walba oo loo dhisaayo waa inuu noqdaa miday raali kawada yihiin, si ay u
difaacdaan, markii meeshaan Kenya iyo AMISOM ay ka baxaan.
Waa in aayaha dadka iyo dalka lagawada tashadaa, haddana
waa in la isku tashadaa, marka dowladda dhexe iyo tan gobolada labadaba waa loo
baahanyahay, bacdamaa la rabo qanaaco caam ah, oo sahasha inuu dalkaan ku
naaloodo nabad iyo xuriyo amin farobadan oo soo socota.
No comments:
Post a Comment