Wararkii
Sabtida, Oktober, 20, 2012.
Nin la sheegay inuu ka ganacsan jiray sariiraha, aa lagu dilay xaaafada viya Afmadow ee
magaalada kismaayo, Jubada hoose. Ninkaan waxaa magiciisa lagu koobay Cali[1].
Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay gantaala ka soo
dahcaayay dakadda Kismaayo oo ku dhacaayay dhanka waqooyiga magaalada. Arintaan
ayaa ka dambaysay sida magaalka lagu sheegay dagaal dhexmaray ciidanka Dowaldda
iyo kuwo Shebaab. Waxaa kaloo maqaalkaan uu sheegay in 51 qof lagu xiray
magaalada 24 saac oo la soo dhaafay ayagoo la xiriirinaayay xarekada Shebaabka.
Dagaal saan u wayn hadduu dhici lahaa idaacadaha
caalamiga ah sida BBCda iyo VOAda aa sheegi lahaa.
Hiiraan waxay soo warisay in nin ka tirsan ciidanka Kenya
in lagu rasaaseeyay magaalada Gaarisa, baaritaano ay sameeyeen ciidankana dad
badan lagu qabqabtay[2].
Maqaal ku soo baxay shabakadda Hiiraan aa magacdhabay
sabab sharixi karta sababta bambaanooyinka loogu tuuray xaflad aroos ah oo ka socotay dagmada Hodan ee Gobolka
Banadir.[3]
Qoraaga wuxuu sheegay inay socota musik ay la
cayaaraayeen rag iyo dumar. Arintaan waxay u egtahay falalka ay gaystaan
Shebaabka, sida lagu arkay meelo badan
oo ka tirsan Soomaaliya iyo Afqaanistaan,
ayagoo is dhahaaya waa mid ka hor imaanaysa diinta Islaamka, siday ayaga
u arkaan[4].
Isla warbixintaan waxaa lagu sheegay in 3 bambo lagu
weeraray maqaayad ku taal Heliwaa, Banadir, bacdina 2 qof ay ku dhimatay, 3
kalena ay ku dhaawacmeen, ayadoo la rabay in la dilo askari ka tirsan ciidanka
Soomaaliya[5].
Baaritaano ciidamada ay meesha ka sameeyeen waxaa lagu soo qabqabtay dad looga
shikisanyahay in arimahaan ka dambeeyeen, sida isla maqaalkaas lagu sheegay.
Guud ahaan waxaa muuqata Hiiraan inay soo warisay 5 qof
oo dhimasho ah iyo 10 dhaawac, oo ka kala dhacay Xamar iyo Kismaayo.
Axadd,
21ka Bisha Oktober, 2012.
Axaddii la soo
wariyay in qof lagu dilay magaalada Marka, gobolka Shabeelaha Hoose; dad tobon
gaaraaya aa loo qabtay.[6]
Maanta oo axad miino qaraxday ayaa wax ka soo gaareen
ciidanka ka tirsan kuwa Itoobiya; warar iskhilaafsan aa ka soo baxaaya meesha;
kuwo waxay leeyihiin miino baaris ay ku jireen[7],
kuow kale waxay leeyihiin waa loo dhigay[8],
kuwo kale waxay leeyihiin rasaas ay fureen[9]
bacdi qaraxa dadaana wax ku noqday; kuwo kale waxay leeyihiin, wax rasaas ah ma
furin[10]
Wariye ka tirsan Idaacada Shabelle oo la dhaho Maxamed
Maxamud Tuuryare oo lagu dhaawacay dagmada wadajir, taariikhda markay ahayd 21
oktober, 2012[11].
Isniintii waxaa la soo wariyay in xubno ka tirsan xarakada
Shabaabka inay madaafiic ku tuureen Afmadow, Goboloka Jubada Hoose[12].
Isla shakabadaan iyo shabakado kale oo badan sida jowhar.com, waxay wariyeen in
ciidanka Dowladda ay meesha baaritaan ka sameeyeen, lama soo warin cid loo qabqabtay
howlahaas.
Isniin,
Kismaayo, 22 Oktober, 2012
Idaacada BBCda waxay baafisay taariikhda markay ahayd
22kii bisha oktober in Shebabaka inay weerareen xarunta magaalada Kismaayo[13].
Ciidamda isbahaysiga ee Howlgalka Midowga Afrika ee
Soomaaliya, HMAS iyo kuwo Dowladda Federaalka Soomaaliya, DF, aa baaritaano ka
sameeyay magaalada lagu qabqabtay dad boqolaal gaaraya, walow in badan oo ka
mid ah la sii daayay, qaarna wali la haayo.
Isla maanta magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay weerar ay
geesteen xarakada shabaabka, ayagoo weeraray xarunta maamulka Baydhabo iyo meel
u dhow oo ay daganyihiin ciidanka ka tirsan kuwo Dowladda Soomaaliya. Warkaan
waxaa soo wariyay idaacado badan, sida BBCda iyo shabakado badna oo Soomaali
ah. Lama xaqiijin khasaaraha meesha ka
dhashay, marka laga soo tago sheegashada labada dhinac[14].
Ninka ugu magacdhaban Jubooyinka Shebaabka, Sheekh
Cabduraxman Xudayfi, ay soo warisay shabakadda taageerta Shebaabka, ee
amiirnuur.com[15],
talaadadii oo taariikdu ahayd 23kii oktober, 2012, inay wadada u galeen ciidan
ka tirsna kuwo Kenya agagaarka Kulbiyow. Xudayga ayaa ku andacooday in
taageerayashiisa gaarsiiyeen kuway weerareen dhimasho, dhaawac iyo burburin
hanti dagaal.
Shabakadda dayniile aa sheegtay, 23kii bisha
oktober, in dadka deegaanka u sheegeen
inuu dagaalka meesha ka dhacay, ayna maqleen yeerka rasaasta[16].
Kulbiyow and Badhaadhe
Isla shabkaddaas waxay soo warisay in dagaal mafaafiic la
isku waydaarsaday inuu ka dhacay deegaano u dhexeeye kulbiyow iyo Badhaadhe,
oon ka fogayn meehsuu shalay ka dhacay dagaalka. Shabakad taageerta Shabaabkana warkaan waa sheegtay,
shabakado badan ma warin warkaan.
Talaado,
23ka bisha Oktober, 2012
Muqdisho, Soomaaliya
Idaacadaha BBCda iyo VOAda ma sheegin dagaalo ah ka
dhacay maanta Soomaaliya; laakiin BBCda qaybteeda duhurnimo waxay sheegtay howlgalo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa
Soomaaliya ee ka howlgala Banadir.
Waxaa kaloo jirta in magaalada laascaanood ay ka dhaceen
qarax ay 4 qof ku dhaawacmeen. Gudoomiyaha gobolka sool wuxuu idaacada BBCda
Soomaaliga u sheegay inay labo qarax ay jireen, midna la furfuray, midkii kalan
uu qarxay ayadoo la furaayo[17].
Arabaco,
24, 2012.
Sida Idaacada BBCda laanteeda
af-Soomaaliga ay sheegtay maanta oo arbaco, oktoberna tahay 24, sanada 2012,
weerar ayaa waxaa qaaday xubno ka tirsan Shabaab waxay ku qaadeen dayuuro
dageenak Kismaayo oo ay daganyihiin ciidan ka socda Kenya, oo qayb ah howlgalka
Midgowga Afrika ee Soomaaliya iyo Xaafada viya Afmadow oo ay daganaayeen ciidan
ka tirsan kuwo Dowladda Soomaaliya. Afhayeen u hadlay Dowladda Soomaaliya oo
loogu yeeray Maxamed Farax in hal bam gacmeed lagu soo tuuray viya afmadow,
laakiin ma sheegin weerarka dayuuro dageenka [18]
Wariyaha idaacada BBCda
wuxuu kaloo sheegay inay sii soctay qabqabsshada dad looga shakisanyahay inay
ka tirsanyihiin Shebaabka oo ka howlgalaayay magaalda Kismaayo.
VOAda qaybteeda
Af-Soomaaliga waxay sheegtay in 70 qof dad kor u dhaafaaya in lagu qabqabtay
magaalada Kismaayo, dadkaas oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyhiin ama
xiriir la leeyihiin Shebaabka[19].
Afhayeen u hadlay
malaishiyada Raskaambooni oo u waramay VOAda laanteeda Af-Soomaaliga, wuxuu
sheegay inay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada kismaayo siday sheegtay
BBCda iyo shabakado kale. Warkaan wuxuu ka hor imaanaa warka uu sheegay Maxamed
Farah, afhayeenak ciidamada Dowaladda Ee Jubooyinka.
Wariye lagu dilay
Laascaanood
Wariye magaciisa lagu
sheegay Ahmed Farah Ilsyaas oo u shaqaynaayay Universal TV aa lagu dilay
laascanood taariikhada markay 24kii bisha Oktober, 2012.
Shabakadda hiiraan.com waxay
maanta warisay in xalay bam gacmeed lagu weeraray magaalada kismaayo, sida ka
soo xigatay dad goobjoogayaal ah. Arintaan waxay ka horimaanaysaa warkii
wariyaha idaacada BBCda laanteeda af-soomaaliga ah ee sheegay in labo weerar oo
la adeegsaday gantaalada garabka, boobayaasha lagu weerarary viya afmadow iyo
dayuuro dageenka Kismaayo, waxayna taageeraysaa warkii afhayeenka ciidamada
dowladda Juboobiyka, Maxamed Farax[20].
Khamis
25, 2012
Somalia, October 2012
Idaacada Codka Maraykanka ee af-Soomaaliga, aa sheegtay
in 8 qof ay ku dhinteen ilaa 10 kale ku dhaawacmeen baabuur dad rakaab ah ay
saaranyihiin oo ku safraayay wadada isku xirta
Buurhakaba iyo Walla-wayn.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaaya cidda gaysatay
falkaan; Idaacada VOAda waxay sheegtay inay la xiriirtay dad goobjoog ah oo u
sheegay in rasaasta ay uga soo dhacday dhanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,
CXDS, iyo kuwo AMISOM, ama Howlgalka Midowga Afrika ee
Soomaaliya, HMAS. Laakiin waxaa beeniyay
gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose, C/Fatax C/Dulle Yusuf oo sheegay inay meesha joogin
dad goobjoogayaal ah marka laga reebo, dadkii dagaalamayay, iyo kuwii wax
noqday[21].
VOAda laanteeda Af-Soomaaliga waxaad moodaa inay
rumaysanyhiin in falkaan ay ka dambeeyeen HMAS ama AMISOM iyo CXDS, waayo waxay
ku lifaaqeen maqaalka sawir askari ka tirsan HMAS am AMISOM oo wata qori
boobaayasha culus ah. Arintaan waa mid ka mid ah caddaymaha loo haayo inay
AMISOM ama CXDS ay falkaan ka dambeeyeen.
Arintaan waxaa kaloo sheegay shabakadda dhacdooyinka.com[22]
iyo Somalimemo.net, tan dambe waxay si wayn u taageertaa Shebaabka. Dhacdooyinka waxay sii gaar ah u sheegtay in
baabuurka dadka ku dhinteen inuu banjaray, bacdina labo ciidanka AMISOM, ama
HMAS, ay soo aadeen dhankooda, bacdina labo nin ka carartay, baabuurka, bacdian
ay rasaas ku fureen, bacdina shan qof ay ku dhinteen, saddexna ku dhaawacmeen.
Dadkiina ay meesha yaaliin ilaa hadda oon wax gurmad ah loo fidin, ka akhriso
warbixinta meeshaan[2]. Waxaa xusid mudan maqaalkaan walow uu shalay ahaa inuu
ka muuqan shabakadda qaybaheeda hore, laaliin aad ogaan kartid oo kaliya
markaad akhrisid arimaha la xiriira dagaaalada Sh/Hoose.
Shabakadaha dayniile.com, jowhar.com, somaliweyn.com
waxay sheegeen inu madfaca ahaa mid habow ah.
Shabakadda wadanka.com waxay sheegtay in taliyaha ururka
labaad ee guutada lixaad, Cabdi Cali Cabdi inuu ka codsaday ciidanka AMISOM am
HMAS inay magdhow ka bixiyaan gaari dad shacab ah u ku dhinteen gaarigaasoo
ciidanka HMAS ama AMISOM ay dardareen, laakiin markii dambe la ogaaday inay kas
ka ahayd dhibaatadii ay u geesteen rakaabka baabuurkaas. Shabakaddaan ma sheegin
meesha warkaan laga daayay[24].
Qof goobjooge ahaa oo la dhaho Xassan Yaxya wuxuu sheegay
in baabuurka oo ahaa caasi ama mini-bus, ama hoomayga baabuurta loo yaqaan,
inuu so soo galay meel dagaal ka socdo, bacdina qarax lala helay.
Maxamed Cabdiraxmaan, qof goobjoogo ah, wuxuu sheegay inuu arkay 4 mayd ah, oo uu ku
jiro qofay qaraabo yihiin.
Guud ahaan warbixinta AFP waxay sheegaysaa in meesha ay
ku dhinteen 6, 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa xusid mudan in Leego, tuulada ugu shishaysa
Sh/hoose, in lagala wareegay xagjiriinta, sida ku cad warbixinta AFP.
Jimce,
Oktober 26th, 2012
Maanta oo taariikhda tahay 26ka bisha oktober, waxaa
shabakado soo wariyeen in dayuuradaha dagaalka oo laga leeyahay wadanka Kenya
inay ku soo dhawaadeen magaalada Baardheere, ee Gobolka Gedo, xilli dadka isku diyaarinaayeen tukashada
salaadda Ciida; qaarna ay joogeen fagaarayaasha magaalada si ay u gutaan
tukashada salaadda Ciidda; meeshana waxaa joogay madax ka tirsan xarakada
Shabaabka[26].
Dad badanaa iska dhaafay inay fagaaraaasha ku tukadaan
salaadda ayagaoo ka cabsanaaya inay duyuuradaha Kenya duqeeyaan meelaha lagu
tukanaayo.
Marka Baardheere laga tago, guud ahaan Soomaaliya maanta
si fiican aa looga ciiday. Mana jirin
wax dagaalo ah oo la tabiyay maanta.
Markaan sadarada kore qoray waxana booqday shabakadda
dayniile.com, oo ah shabakad sida ugu dhakhsiyaha badan u baafiya, walow,
mararka qaarkood ay baafiyaan warar aan jirin, tusaale, waxay isbuucii hore
dhaheen Dowladdaa qabsatay leego, mana dhicin ilaa isbuucaan.
Si walba ha noqotee waxay dhaheen ciidanka xoogga dalka
Soomaaliya, CXDS iyo kuwo Howlgalka Midowga Afrika ee Somaaliya, HMAS ayaa
waxay weerar ku qaadeen ciidan isku urursanaayay banaanka Afgooye, Shabeelaha
Hoose. Waxaa ku dhintay 10 ka kooban kuwii dagaalay[27].
Waxay kaloo ay soo warsheen in ciidanka ka wada tirsan
CXDS inay rasaas isku fureen ayagoo wada jooga Suuqa Bakaaraha [28].
Hal askari aa ku dhintay. Dayniile waxay kaloo warisay in
kooxo aan la garanayn inay xerada qaxootiga xaradheere ay ku dileen nin ka
tirsan askarta Kenya oo markaas shaqo ku jirin. Ninkaan ay Dayniile.com
sheegtay inuu jinsi ahana ahaa Soomaali[29
[1]
Maxamed Xaji Xussen “Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo
dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas”. Hiiraan.com,
oktober 20, 2012. Shabakad. Waxaan
furtay 26kii Oktober, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19626.htm
[2] Maxamed Xaji Xussen, “ Askari ka tirsan
Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta
Gobolka Waqooyi-Bari Kenya” Okotber 20, 2012. Hiiraan.com. Shabakad. Waxaan
furtay taariikhda markay ahayd 26kii bisha Okotber, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19627.htm
[3] Maxamed Xaji Xussen “Weerarro dhimasho iyo
dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada
Muqdisho”. Hiiraan.com. Oktober, 2012. Waxaan furtay taariikhda markay ahayd
26kii bisha Oktober, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19629.htm
[4] Ma
cadda meesha diinta uga jirto in la dilo ama la dhaawaco qofka iska ciyaaraaya.
Waxaa xusid mudan inuu jiro xadiis sheegaaya in Nabiga NNKHA inuu fiirsaday rag
iyo dumar ciyaaraaya, oo xabashi ah,
ayadoo caaisho, xaaskiisa, ay asaga isku qarinaysay, dhar fiican ma
wadan: ka warama hadda haddii xaas dhar fiican aan wadan isku qariso ninkeeda,
bacdina fiirsato ciyaaro, Shebaab maxay samayn lahaayeen? Waxay wadaan dhaqan
diinta lagu soo daray waaye, ama aha
diinta, tan kala garan waayeen, laakiin waa lagu celceliyay, bacdina runaa loo
qaatay. Isdhexgalka ragga iyo dumarka wax dhib ah ma leh, waxaa laga fiirinaa
ujeedka. Haddii guur xalaal ah ku imaanaayo saas, dhib ma laha, waxaa daran in
gaabsi iyo waxaa la naawilo. Laakiin si walba ha noqotee ma aha wax muadan F1.
Saas oo kale ma aha aqoonlayda Shabaabka inay ka aamusaan falkaan foosha xun,
waa inay dhahaan waxaas dhaafa, hadday ka fiirsanayn dantooda siyaasadeed.
Shabaabka dhankaan waxay kala midyihiin Yahuuddii
hore, iskama reebi jirin, uu Ilaahay dhahay, xumaan ay sameeyeen. Ilaahay runuu
sheegay. Abuu Zubayr iyo inta jirta wax
kale aa muuqda. Ma halaayeen, inta ay jiraan dad ogol inay xaqqa u dhintaan,
markii la waayo waa macquul inay helaan say rabaan, inay dalkaan xoog ku
xukumaan.Si kasta ha noqotee maqaalka waxaa lagu sheegay in 2 qof meesha ku
dhimatay, 7 kalena ku dhaawacmeen. Shabakado kale oo Soomaliyeed iyo kuwo
ajnabi ah waxay sheegeen dhaawac gaaraaya 20.
[5]
Fiiri 3.
[6] "Rag
hubaysan oo xalay ku dilay qof rayid ah", Jowhar.com, 21 oktober, 2012, WEB. accessed October, 26th, 2012. < http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2789>
[7] “Maamulka
gobollka Hiiraan oo ka warbixiyay qarax maanta ka dhacay magaalada Baladweyne”
Hiiraan.com, 21 Oktober, WEB. Accessed 26th, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta21-19650.htm
[8] “Qarax
Miino oo askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya ku geeriyoodeen oo ka dhacay
B/weyn” Jowhar.com, 21 Oktober, 2012, WEB, Access 26th, october, 2012, http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2793
[9] Fiiri 3.
[10]
Fiiri 2.
[11] “Wariye
ka tirsan Idaacada Shabelle oo caawa lagu dhaawacay degmada Wadajir” Jowhar.com, 21 oktober, 2012. WEB. Accessed
26th, 2012.< http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2795>
[12] [8] “Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay Madaafiic
ku weeraray Saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Deegaanka
Afmadow ee Gobolka J/Hoose” Somaliweyn.com,
21 oktober, 2012. WEB. Accessed on 26th, 2012. <http://www.somaliweyn.com/pages/news/Oct_2012/22Oct4.html>.
[13] “Weerar lagu qaaday xarunta Kismaayo” BBC Somali Service, oktober, 22, 2012. Waxaan
furtay 26th, 2012. Shabakad.< http://www.bbc.co.uk/somali/war/2012/10/121022_kismaayo.shtml
>.
[14] “Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay
ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay”. Dayniile.com, oktober 22, 2012.
Shabakad. Waxaan furtay 26kii Oktober 2012. U fiirso: dayniile.com cinwaan gaar
ah ma siin maqaalkaan, marka tirxraax ma leh, marka laga soo tago cinwaanka
shabakadda oo ah sidaan: http://www.dayniile.com/.
Warkaan wuxuu ka baxay idaacadaha maqalka ee BBCda laanteeda Af-Soomaaliga, taariikhada markay ahayd 22kii bisha oktober,
2012. Waxaana lagu waraystay gudoomiyaha dagmada Baydhabo.
[15] “Sheekh
Xudeyfa: “ 3 Askari oo Kenyaati ah ayaan dilnay, 2 gaarina waan gubnay”. http://www.amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=7821:sheekh-xudeyfa--3-askari-oo-kenyaati-ah-ayaan-dilnay-2-gaarina-waan-gubnay&catid=48:wararka.
Amiirnuur.com, oktober 22, 2012. Waxaan furtay 26kii, bisha oktober, 2012.
[16] Warkaan wuxuu ku soo baxay shabakadda
dayniile.com, taariikhda markay ahayd 22kii bisha Oktober, 2012. Cinwaanka
wuxuu ahaa “Ciidamo Kenyan ah oo galabta lagu weeraray wadada isku xirta
degaanada Badhaadhe iyo Kulbiyow”. Dayniile.com. Waxaan furtay 26kii bisha
Oktober, 2012.
[17]“Qaraxyo
ka dhacay Laas-caanood”. BBC laanteeda af-soomaaliga, october 23, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121023_qaraxyo_laascaanood.shtml
[18] http://www.bbc.co.uk/somali/
idaacadda duhurnimo, daqiiqada 6aad wixii ka dambeeya.
[25] http://www.google.com/hostednews/afp/article/ALeqM5gAljTnNxJVIdHoafE-yhgKpEdr4Q?docId=CNG.e948f75582c629a7eb61956930e63223.121
[26] Maxamed
Xaji Xussen. "Diyaarado dagaal oo
dadka ku nool Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku qasbay inaysan Tukan Maanta
Salaaddii Ciiddul Adxa" Hiiraan.com. Shabakad. Waxaan furtay Oktober
26kii, 2012. Shabakad. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta26-19697.htm
[27] Tafatiraha
Webka Dayniile."Ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia oo galabta isku
rasaaseeyey gudaha Suuqa Bakaaraha" Dayniile.com. WEB. Accessed October
26kii, 2012.
[28] Tafatiraha
Webka Dayniile."Ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia oo galabta isku
rasaaseeyey gudaha Suuqa Bakaaraha"
Dayniile.com. Shabakad.Waxaan furtay Oktober 26kii, 2012.
[29] Tafatiraha
Webka Dayniile Dayniile.com. "Kooxo hubeysan oo askari Kenyan ah ku
toogtay xerada Qaxootiga Soomaalida Xagardheer". Shabakad.Waxaan furtay Oktober 26kii, 2012.
No comments:
Post a Comment