Muqdisho Soomaaliya, Talaado, 23ka bisha Oktober
Idaacadaha BBCda iyo VOAda ma sheegin dagaalo ah ka dhacay maanta Soomaaliya; laakiin BBCda qaybteeda duhurnimo waxay sheegtay howlgalo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ee ka howlgala Banadir.
Afhayeenka booliska Soomaaliyeed, madaxa waaxda baarista dambiyada, S/G Cabdulahi Xassan Bariise, wuxuu sheegay in 18 qof oo ku eedaysan dil iyo 11 ka tirsan Shebab in la soo qabqabtay, loona gudbinaayo maxkamad.
Isla maanta maxkamad ku taal Buntland waxay dil toogasha ah ku xukuntay muwaadin Yamani ah oo ku eedaysnaa in dalka keenay hub farobadan[1]
Inta badan lama sheego marka la xukumo kuwo ka tirsan Shebaabka ee lagu soo qabqabto inay dad dileen ama dhaawaceen. Laakiin waxaa ku dhuma fursad lagu cabsin galin lahaa kuwa damacsan inay falalka noocaan ah fuliyaan.
[1 ]http://www.mareeg.com/fidsan.php?Nin-Yemeni-Ah-Oo-Hub-Soo-Geliyey-Puntland-Oo-Dil-Lagu-Xukumay&sid=26258&tirsan=2
Waxaa kaloo jirta in magaalada laascaanood ay ka dhaceen qarax ay 4 qof ku dhaawacmeen[2]; Gudoomiyaha gobolka sool wuxuu idaacada BBCda Soomaaliga u sheegay inay labo qarax ay jireen, midna la furfuray, midkii kalan uu qarxay ayadoo la furaayo.
[2] http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121023_qaraxyo_laascaanood.shtml
Dagaal waxaa jiray maanta la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxaysa kulbiyow iyo badhaadhe; waxaa kaloo la soo sheegay in saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda inay xaqjiijiteen inuu weerarkaas dhacay, siday sheegtay jowhar.com. Saraakiishaan cidday ay yihiin iyo sida ay ku xaqiijyeen lama sheegin. Idaacadaha BBcda iyo VOAda labadaba ma sheegin weerarkaan ka dhacay Jubada Hoose.

No comments:
Post a Comment