Warkii iyo faaqidaadii oo Soomaali ah waa kan.
Idaacad BBCda laanteeda Afka-Soomaaliga waxay maanta soo warisay inuu jiray iska horimaad dhexmaray ciidan ka wada tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, CXDS, ee gobolka Hiiraan, kasoo uu ku dhintay tiliyihii howlgalinta CXDS ee gobolka Hiiraan, mudane Muumin Maxamed Maxamud Ildhigte[1].
Godoomiyaha gobolka Hiiraan, C/Fatax Xassan Afrax waa beeniyay in ciidanka dagaalay ay ka wada tirsanaayeen CXDS, wuxuuna sheegay kuwa lala dagaalay inay ahaayeen burcad.
Wuxuuna sheegay in dadka oo dhan hubaysanyihiin, tanna ya sharxi karto isk hor imaadyada noocaan ah. Ammaan buuxa waxaa la heli karaa marka xuduudaha la xiro, dadkana hubka laga dhigo.
Isla idaacada BBCda Laanteeda Af-Soomaaliga, waxay sheegtay, maanta oo ah 31ka oktober, in bartahamaha magalada Gaarisa lagu dilay hal askari, laguna dhaawacay mid kale; bacdina meesha ay ka dhacday rasaas ay is dhaafsadeen booliska iyo kuwii soo weeraray; bacdina tan ay dhalisay in dadkii meesha joogay ay kala cararaan. Bacdina magaalada xiranto[2].
Wariyaha BBCda ee Garissa oo soo xiganaayay gudoomiyaha Gaarisa Macalin Maxamed aa sheegay in qaraxyadii kooxahaan ay ku badasheen toogasho; waana isla kooxihii magaalada ku dilay labo askari bishii hore, Sebtember.
BBCda laanteeda Af-Soomaaliga maanta, oo ah 31ka oktober, 2012, waxay sheegtay in bam lagu tuuray meel ku taal Kismaayo, Calanlay, ay ku dhaawacmeen 4 qof oo shicib ah. Bacdina waxay waraysatay afhayeenak maamulka ku meel gaarka ah magaalada Kismaayo, C/Nadir Seerar Maax, wuxuuna xaqiijiyay warkii ay idaacada sheegtay.
[1]BBC laanteeda af-Soomaaliga.Taliye lagu dilay magaalada Beledweyne. BBC Soomaali, oktober 31, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121031_beledweyne_taliye_dil.shtml
[2] BBC laanteeda af-Soomaaliga.Barnaamijka subaxnimo,. BBC Soomaali, oktober 31, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012.
No comments:
Post a Comment