Thursday, October 25, 2012

Ciddii ka Dambaysay Dilkii Dr Axmed Xaaji Cabdiraxman Kayse oo la magacdhabay: Shabaab


Dad isxilqaamay ayaa waxay soo saareen warbixin ku saabsan ciddii ka dambaysay dilkii Dr Axmed Xaji Cabdiraxman Keyse. Sheekha waxaa lagu dilay magaalada Boosaaso, 5tii Desember, 2011.

Barigaas taageerayaasha xarakada Shebaabka waxay sheegeen inay wax shaqo ah ku lahayn.

Warbixintaan oo hoos ku lifaaqan oo ay sawiro ku jiraan, waxaa lagu sheegay in xarakada shabaabka ay ka dambaysay dilkii Dr Keyse.
 
Meeshana waxaa ka cad waxay samayn karaan marka waxgaradka iyo laamaha ammaanka dowladd goboleedyada ama Dowaldda dhexe markay iskaashadaan; Soomaalida kale waa inay ku dayataa.

Dowladda Soomaaliya oo leh hayado qaata mushaharaad wali ma jiraan wax warbixin ah ay soo saareen oo ku saabsan dadkii caanka ahaa ee magaalada Xamar lagu dilay; saas oo kale ma jirto wax warbixin ah oo laga soo saaray qaraxyadii waawaynaa ee lagu halaagay dad farobadan oo shacab ah.

Warbixino afka ah waa jireen, oo shalay ugu dambaysay: waxaa la soo qabqabtay dad ka dambeeyay fala dil ah oo loo geestay dad kala duwan oo Somaali ah.
 
Buntland waxaa ka socota howlo loogu damacsanyahay in laga hirgaliyo hanaanka axsaabta badan iyo dooroshooyin heer deegaan, barlamaan iyo madaxwayne; arimahaan waxay kalifeen dadka inay dhankaas u tabaabushaystaan, iskana dhaafaan in xukunka xoog lagu raadiyo, bacdamaa cod lagu heli karo, waxii tabasho ah oo jirana si nabad ah lagu dhameeyo, walow ay wali jiraan eedaymo loo soo jeedinaayo nidaamka Faroole oo ku saabsan caburin iwm.
 
Labadaan maado waxay kaliftay in waayahaan aan la maqlin wax dambiyo ah oo laga galaayo dadka ku dhaqan deeganadaas.
 
 
Barnaamijka dooroshooyinka iyo nidaamka axsaabta badan waa in dardar laga galiyaa bartamaa iyo koonfurta Soomaaliya, si shicibka loogu jiheeyo inay waxay tabanaayaan qaax siyaaso ku raadsadaan iwm; bacdina tan waxay kor u qaadaysaa wadashaqaynta shicibkaiyo Dowladda, bacdina waxay kalifaysaa in laga adkaado Shabaabka, ama lagu khasbo inay ururu siyaasi ah furtaan, oo ay iska dhaafaan damacooda ah inay dadka oo dhan xoog ku xukumaan, bacdina siday diinta ula muuqato dalka ku xukumaan.
 
Waan hambalyaynaynaa dadkii howshaan taarikhiga ah qabtay. Waxaa nasiib darro ah in shabakado badan oo waawayn inay warkaan qorin.



Warsaxaafadeed
Ku: Dhammaan Warbaahinta ka hawl-gala deegaamada Soomaliyeed
Ujeeddo: War-saxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.
Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamkaba u soo bandhigayaan warbixintaan oo ka hadlaysa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Taariikhdu markay ahayd 05/12/2011, salaadii subax kadib ayaa ugu yaraan labo nin oo baastoolado ku hubeysan waxay toogteen Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Allaha u naxariistee, isaga oo ka soo baxay masjidka Xasan Ibni Cali ee xaafadda Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.

Ka dibna raggii falka geystey markiiba waxay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.
Baaritaan xeeldheer ka dib, Ilaahay fadligiis guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxaa u suurta-gashay inay aqoonsadaan kooxdii dilka gaysatay, dabadeed ciidanka booliiska magaalada Boosaaso waxay gacanta ku dhigeen 15 December 2011 gabadhii masuulka ka ahayd gurigii ay deganaayeen labo ka mid ah raggii falka geystey, gabadhaas oo lagu magacaabo: Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Amooreeye), da’deeduna tahay 30 Jir, gabadhu waa xaaska masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee magaalada Boosaaso: Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (khaalid), da’diisuna tahay 20 Jir, wuxuuna

Ruqiya Xassan
ahaa hogaamiyihii tooska ahaa ee kooxdii Sheekha dishay. Ruqiyo waxaa horey uga geeriyooday Masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee Puntland: Cabdifitaax Maxamuud oo ku geeriyooday qarax uu diyaarinayay magaalada Laascaanood sanadkii 2009.

Mohamed Abshir Cartan
18kii December 2011 habeen saq dhexe ayaa ciidanka Booliiska Boosaaso waxay u dheceen guri ku yaala xaafadda Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso, gurigaaas oo xarun u ahaa kooxda amniyaadka ururka Al-shabaab ee magaalada Boosaaso, gurigaas waxaa laga soo qabtay saddex ka mid ah kooxdii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka dambeysay dilkii sheekha, saddexdaas nin oo kala ah:
  1. Maxamed Abshir Cartan, da’diisu tahay 20 Jir, waana Masuulkii xaruntaas.
  2. Axmed Maxamed Cali Cismaan (Mustafe), da’diisu tahay 18 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.
  3. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle), da’diisuna tahay 20 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.

Axmed maxamed cali

Cabdiraxmaan Maxamed Cali
Nasiib darro waxaa goobtii ka fakaday Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) oo cagihiisa ku cararay kana mid ahaa kooxdii fulisay dilka sheekha .
19 December 2011 waxaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka mid ah kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Boosaaso, wadashaqayn adagna ay ka dhexeysay kooxda falka dilka geystay, waxayna kala yihiin:

  1. Cabdiqani Nuur Qorane, da’iisuna tahay 22 Jir.
  2. Cabdirixmaan Maxamed Cali Ibrahim, da’diiisuna tahay 25 Jir.

Maxamed Maxamuud Saacadoole
Bilawgii bishii Janaayo ee 2012 waxaa magaalada Garoowe gacanta lagu dhigay eedaysane: Keyse Axmed Aadan, da’iisuna tahay 26 Jir, Keyse wuxuu ka tirsanyahay kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab wuxuuna xirrir adag la lahaa kooxda falka fulisay.
17, February 2012 waxaa ciidanka booliisku magaalada Boosaaso ku qabteen eedaysane: Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole), da’diisuna tahay 21 Jir, ninkaan oo ahaa madaxa qaybta madax-jabinta, Amniyaadka ururka Al-shabaab ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii fulisay dilkii Dr. Axmed Xaaji.


Kayse Axmed
Waxaa ciidanka booliisku ku guuleystey inuu gacanta ku dhigo Bastooladihii lagu dilay Dr. Axmed Xaaji iyo waxyaalaha qarxa oo farabadan, qalabkaas oo guriga uu ku xabaalnaa uu ciidanka booliiska uu tusay Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole). Guriga qalabkaas lagu hayay wuxuu u dhawaa goobta lagu dilay Sheekha, wuxuuna gabbaad u ahaa qayb ka mida ragga Sheekha diley.
Baaris dheer ka dib dhammaan eedaysanayaasha kor ku xusan waxay qirteen, kuna caddaatay inay xubno firficoon ka yihiin ururka Al-shabaab qaybta Amniyaadka, qayb ka mid ah eedaysanayaasha kor ku xusana waxay qirteen inay ka fuliyeen falkii foosha-xumaa ee lagu dilay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi(Khaalid)
Haddaba, Guddiga madaxa banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji waxay caddaynayaan in kooxdii ka dambeysay dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ay ka wada tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka hawl-gali jirtay magaalada Boosaaso, uuna madax u ahaa Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid).
Waxaa xusid mudan inay jiraan Shan xubnood oo ka tirsan Kooxda falka geystay oo lagu raad-joogo waxayna kala yihiin:


  1. Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.
  2. Mawliid Maxamed Aadan (Gaashaan/Abdiwali) kuxigeenka madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.
  3. Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Boosaaso, isla markaana ahaa madaxa kooxdii dilka gaysatay.
  4. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) ka mida xubnihii gacanta dilka gaystay.
  5. Cismaan Axmed-Qaasim Aw-maxamed (Ayuub) ka mida xubnihii gacanta dilka gaystay.

Xassan Surato
Intaa ka dib guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji waxay si buuxda u caddaynayaan in lagu guuleystay baaritaankii guddigu wadey muddada dheer, isla markaana gacanta lagu hayo qayb ka mida dhagar-qabayaashii geystay dambigaas fooshaxun, kuwa aan weli la qabana si buuxda loo wada aqoonsaday, Ilaahayna waxaa laga rajeynayaa inuu dhaqso u soo gacan-galiyo.
Gabagabadii guddiga madaxa-bannaan ee baarista dilkii sheekhu waxay uga
mahadcelinayaan dowladda Puntland iyo laameheeda amniga sidii ay u soo qabqabteen gacan-kudhiiglayaashii Sheekha dilay, wuxuuna guddigu si gaara uga codsanayaa dowladda Puntland in ay caddaaladda horkeento dambiilayasha la hayo. Si guudna wuxuu guddigu uga codsanayaa Shacabka Puntland Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland iyo hay’adaha caddaaladda ee caalamiga ah inay gacan ka gaystaan qabqabashada dambiilayaasha aan weli la qaban. Waxaa kale oo guddigu u mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee ku caawiyey hawsha baaritaanka iyo wixii la xiriiray.

Akhriso warsaxaafadeedka oo PDF ah
Waxaa diyaariyey:
Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso 23/10/12012

Xigasoho horseedmedia.com


 

No comments:

Post a Comment