Qur’aanku Wuu Xarrimay In Qof Dhagax Lagu Dilo!
Maanta oo taariikhda tahay shabakadaha Soomaalida waxay soo wariyeen in qof dumar ah lagu dilay dhagax, Jamaame, J/Hoose. Diinta ma ogala arintaan. Iiraan oo samayn jirtayna waa iska dhaaftay. Waxay qayb ka tahay falalkooda xagjirnimada ku salaysan.
Burburka umadeed ee dadka iyo dalka soomaaliya ku habsaday wuxuu astaan unoqday, in bulshada dhexdeed ay kasoo ifbaxaan calaamado iyo falal fool xun oo ka tarjamaya marxalada adag ee wadanku marayo. Cudurka burburka symptoms-kiisa ama calaamadihiisa kuwa ugu xun waa kuwa ay ku dhaqmaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam, falalkaas oo ay kamid yihiin, sida; qofka oo dhagax lagu dilo, lug iyo gacan isdhaaf loo jaro amaba dad dhexdiis la’isku qarxiyo.
Astaamahani dhammaantood waxay ku tusayaan ka fogaanshaha diinta iyo jahliga xoogga badan ee haysta kuwa falalkooda gurracan ku tilmaamaya ku dhawaasho diin ama hirgalin shareeco.! Hadaba sidaa owgeed, waxaan qormadan ku eegi doonaa xaqiiqada sooyaalka taariikheed ee Rajmiga/dhagax ku dilka, sida qu’aanku u ceebeeyay falka Rajmiga iyo in Rajmigu yahay falalka dadka sanamyada caabuda ee gaalada ah iyo dadka jabaabirada ah ee xaqa is hortaaga ay ku dhaqmaan, sida; Qaabiil, Wathanigii Aazar Nabi Ibraahiim aabihii, Fircown, Qoladii Shuceyb, Qoladii sedexda Nabi loodiray iyo Qowmukii Asxaabul Kahfi doonayay in ay dhagax ku dilaan.
Sooyaalka taariikheed ee Aadanaha sida qur’aanku inoo sheegay waxaa laga dheehan karaa, in qofkii ugu horeeyay ee ina Aadam ah oo dhagax lagu dilay uu ahaa Haabiil, waxaana ku dilay walaalkii Qaabiil oo Alle ku tilmaamay inuu ahaa ahlu naarka, qur’aankuna qisadan wuxuu uga hadlay sidan;
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ ﴿٢٧﴾ َئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لَأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ ﴿٢٨﴾ إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثْمِي وَإِثْمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ ﴿٢٩﴾ فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٣٠﴾
Alle (SC) isagoo nabigiisa Muxammed ah (NNKH) la hadlaya wuxuu yidhi; “Dadka uga sheekee warkii labadii wiil ee ilmo Aadan si xaq ah, markii ay qurbaan/sadaqo bixiyeen oo midkood laga aqbalay kii kalana lagu diiday. Dabadeedna kii laga aqbalay uu yidhi; Alle kuwa isaga ka cabsada ayuu wax ka aqbalaa (27). Balse hadii aad gacantaad igusoo fidiso si aad ii disho, anigu marnaba gacanteyda kuusoo fidin mayo si’aan kuu dilo, maxaayeelay waxaan ka cabsanayaa Allaha dunida oo dhan rabbiga u ah (28). Waxaan doonayaa inaad dambigeyga iyo kaagaba isku darsato oo aad kuwa naarta galaya ahaato, taasaana abaal u ah kuwa gardarada badan (29). Kadib naftiisa ayaa u qurxisay inuu walaalkii dilo, wuuna dilay, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray (30).
Sida dilka Haabiil u dhacay isagoo kawaramay Ibnu Jariir Al-dabari wuxuu tafsiirkiisa Jaamic Albayaan ku yidhi; Qaabiil markii uu damcay in uu walaalkii dilo, wuxuu garan waayay sidii uu udili lahaa, dabadeedna Sheydaan/Ibliis ayaa shimbir iska soo dhigay, markaas ayuu intuu Sheydaankii shimbir soo qabtay oo laba dhagax dhexdood galiayay ayuu dhagax kale madaxa kaga burburiyay. Sidaa ayuuna Qaabiil kaga dayday Sheydaankii dilka walaalkii Haabiil, oo intuu isaguna dhagax qaatay madaxa kaga bashaaqay walaalkii oo dhacadiid u jiifa, halkaa ayuuna ku naf waayay Haabiil, wuxuuna noqday ruuxii ugu horeeyay sooyaalka taariikhda Bani’aadamka oo dhagax nafta looga qaado.
Intaa wixii ka dambeeyay Rajmigu wuxuu noqday fal lagu garto dadka diin laawayaasha ah oo aan dhowrin xaqa Alle (SC) iyo kan Aadanaha midna toona. Tusaale waxaa u ah arinkan qoladii nabi Nuux (NNKH) loo diray oo caabudi jiray asnaam/taalooyin, waxayna ahaayeen qolo dhagax wax ku dila hadii waxa ay doonayaan aad ku diido. Sidaa owgeed, markii nabi Nuux uu usheegay in ay Alle kaligii caabudaan oo asnaamtan baryadooda iska daaya, maxaad u maleyneysaa in ay ugu jawaabeen…!!?
قَالُواْ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ (١١٦)
Jawaabtoodu waxay noqotay in ay yidhaahdaan; “Nuuxow hadii aadan joojinin wanaaga aad noogu yeedheyso, waxaad ka mid noqon doontaa kuwa dhagaxa lagu dilay” (116). Jumlada ugu dambeysa aayaadan waxay daliil cad u tahay, in qoladani dad hore ay dhagax ku dileen/Rajmiyeen, inta aaney ku handadin nabi Nuux in ay Rajminayaan.
Sidaa si lamid ah, falka Rajmgu inuu fal diinta ka fog yahay waxaa ku tusaya. Markii Alle nabi Muuse fircown usoo diray, waxaa jirtay in Fircown uu ku dhaqmi jiray ciqaab ilaa maanta taariikhda bani’aadamka aan horay loogu arag. Marka laga gudbo sheegashada Ilaahnimo ee Fircown, waxyaabihii ka dhashay diin laawanimadiisa waxaa ka mid ahaa; inuu dadka god galiyo dabadeedna dhagax uu ku dili jiray/Rajmin jiray, inuu ruuxa salbiyo/togo illaa uu ka dhinto, inuu lug iyo gacan isdhaaf ah ka jaro, inuu qofka qaarka dambe u aaso kadibna miinshaar laba qeybood uga kala dhigo iyo ciqaabyo kale oo aad u fool xun. Isagoo Alle ka hadlaya falka Fircown uu doonayay inuu nabi Muuse kusameeyo;
وَإِنِّى عُذۡتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ (٢٠)
Nabi Muuse wuxuu yidhi isagoo Alle kamagan galaya in Fircown uu Rajmiyo; “Waxaan ka magangalay rabbigey iyo rabbigiin in aad dhagax igu dishaan” (20).
Sidoo kale qoladii Nabi Shuceyb (NNKH) waxay yidhaahdeen; (Shuceyboow in badan waxa aad sheegeyso maba fahamno, ee hadii qolooyinkan kula socda aaney aheyn dhagax baanba kugu dili lahey) Ayada 91.
قَالُواْ يَـٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرً۬ا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَٮٰكَ فِينَا ضَعِيفً۬اۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَـٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٍ۬ (٩١)
Dhalinyartii asxaabul kahfi ee iimaankooda la carartay ee 300 boqo oo sano jiifay markii ay soo baraarugeen waatii ay damceen in magaalada wax ay cunaan kasoo iibsadaan, waxayna ku yidhaahdeen mid iyaga kamid ah iyagoo ladardaarmaya inuu is qariyo si naftooda ay rajmi uga badbaadiyaan waxay ku yidhaahdeen (Hadii dadka magaalada jooga ay gacanta inagu dhigaa dhagax ayey inagu dili ama diintoodey/gaalnimo ayey inoo celin, markaasna waligiin liibaani meysaan) aayada 20.
إِنَّہُمۡ إِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ يَرۡجُمُوكُمۡ أَوۡ يُعِيدُوڪُمۡ فِى مِلَّتِهِمۡ وَلَن تُفۡلِحُوٓاْ إِذًا أَبَدً۬ا (٢٠)
Nabi Ibraahiim (NNKH) markii sida qotoda dheer uu aabihii u waaniyay isagoo ku leh, aabo asnaamtan ha caabudin oo sheydaan harraacin, nasiib darro falceliskii aabihii wuxuu noqday inuu ku yidhaahdol (Wuxuu yidhi; ma ilaahyadeyda/asnaamteyda ayaad naceysaa Ibraahimow? Hadii aadan joojinin falkaas waan ku rajmin/dhagxeyn ama waad iga dheeraaneysaa) aayada 46.
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِى يَـٰٓإِبۡرَٲهِيمُۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِى مَلِيًّ۬ا (٤٦)
Halkanna Alle (SC) wuxuu kaga waramayaa asxaabul qaryah dadkii magaalada Antioch daganaa sida Ibnu kathiir soo arooriayay, ee intii laba nabi loo diray soo eryay ee Alle nabi kale ku sedexeeyay wixii dhexmaray. Iyagoo cadhada ka haysay sedexdan nabi cabirayana ayey dadkii magaalada degenaa ku yidhaahdeen ; (Waanu idin baaseysannay ee hadii aydaan ka reebtoomin waanadiina dhagax baan idinku dili doonaa, xagayagana waxaa idinka soo gaadhi doona cadaab kulul) aayada 18.
قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ۬ (١٨)
Sidaa owgeed ficilka rajmiga/dhagax in wax lagu dilo waa fal diin la’aani keento, qur’aankuna wuxuu ficilkani ku tilmaamayaa mid fool xun sida; zinada, gaalnimda iyo ribada oo kale inuu lamid yahay, Allena uu dadka waxgaradka ah uga digayo in ay ka waantoobaan ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah. Sideedabana ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah waxay umadaha kasoo ifbaxaan marka ay mustawe aad u hooseeya xaga dareenka insaaniyada ah ka gaadhaan, balse marnaba tusaale uma aha diin jaceyl iyo wanaag midna toona.
Akhristaha qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inuu si qoto dheer u fiiriyo aayadan hoos ku xusan. Alle (SC) wuxuu kitaabkiisa qur’aanka ah ku yidhi;
ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِى فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٲحِدٍ۬ مِّنۡہُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٍ۬ۖ (٢)
Micnaha aayadu waa sidan; “Naagta iyo ninka zineysta jeedla midkastoo iyaga kamid 100 jeedal” aayada 2. Aayadu makala soocin qof horay usoo guursaday iyo ruuxii aan guur soomarin toona, balse waxay si toos ah u sheegeysaa falka zinada iyo ciqaabtiisa.
Bal kawarama hadii Alle Suuratu Nuur ku xusay jeedal..!!! Marka waxaa cajiib ah, in Alle (SC) layidhaahdo jeedalkii wuu sheegay balse rajmigii/dhagixii masheegin.! Hadaba miyaan la odhan karin ruuxa aaminsan Rajmigu inuu shareecada kamid yahay, wuxuu Alle (SC) ku tuhmayaa xikmad xumo/la’aan, oo inta dhagixii laga tagay ayaa jeedalkiina lagu xusay qur’aanka..!!! Mida kale dhagaxa iyo jeedalka kee qallafsan/daran ama muhiimsan??? Mas’aladani waa mas’ala khatar ah, ee raga aaminsani haka laabteen.!
Dhinaca kale waxaan aaminsanahay in ujeedada qur’aanku u xusi waayay rajmiga uu yahay, in rajmigu fal fool xun oo insaaniyada ka fog yahay, sidaadarteedna Alle (SC) iskaba dhaaf’e inuu shareeco ka dhigo’e, balse falka noocaasi ah “Rajmiga” iyadoo laceebeynayo ayaa qur’aanka lagusoo arooriyay, sida; zinada. sariqada, ribada iwm.
Sidoo kale, ciqaabta jeedalka intaa loogama hadhine, Alle (SC) fulinteeda wuxuu shardi uga dhigay “Afar Markhaati” oo ku dhaarta in ay arkeen falka galmada oo dhacaya iyo labada xubnood ee taranka ninka iyo naagta oo isugu jira sida fargashigu/faraantigu ugu jiro farta oo kale. Hadaba waxaa layaab ah, in ay jiraan 4 qof oo marwalba diyaar u ah in ay baadi goobaan nin iyo naag galmo sameynaya ay soo dul istagaan…!!! Iyadoo waliba aan wada ognahay, in aaney suura gal aheyn in labo qofi isu galmoodaan inta ruux sedexaadi meelaha kadhowyahay…!!! Balse xikmadda ka dambeysa “Afarta Markhaati” waa in aan la’arkin labo ruux oo wadooyinka isku fuul fuulaya oo akhlaaqda iyo sharafta mujtaca meel uga dhacaya in jeedalka lagu edbiyo iyo in ay kawaantoobaan falalka “Anti Social Behaviour” ka dhaawacaya sharafta ruuxa bani’aadamka ah.
Inta badan axaadiithta Rajmiga waxaa masdar u ah kitaabka Muwadda Imaamu Maalik, dabadeedna Bikhaari iyo Muslimba isaga ayey ictimaadeed si xoog leh oo isagey ku dul dhiseen riwaayaadka ilahooda ay iyagu soo wariyeen, kadib ayey labaduba, Bukhaari iyo Muslimba waxna ku kordhiyeen iyagoo marna sanadka wax kabadalaya, marna siiqada wax kabadalaya marmarna xarfiyan/sidiisa usoo guurinaya. Tusaale ahaan; xadiithkan si xarfi ah ayey Bukhaari iyo muslimba Muwadda igasoo guuriyeen;
ان رجلين اختصما الي النبي حيث زنى ابن احدهما بزوجة الاخر حين كان يعمل اجيرا لديه ، وتقول الرواية ان النبي حكم بجلد الابن مائة جلدة وتغريبه عاما ، وبرجم الزوجة بعد اعترافها
Sidoo kale isla xadiithkan isaguna si xaraf xaraf ah ayaa loosoo minguuriyay;
وهي مجئ اليهود للنبي ليحكم بينهم في رجل وامرأة زنيا وانهم اخفوا عن النبي حد الرجم الموجود في التوراة واحكامها ، وقد كشف لعبتهم عبد الله بن سلام ، وحكم النبي برجم الرجل والمرأة .. وهذه الرواية تتناقض مع القرآن ، لأن الرجم ليس من تشريعات التوراة الحقيقية ، حيث يقول تعالي عن التوراة واحكامها ( وكتبنا عليهم فيها ان النفس بالنفس .. المائدة 45 ) أي لا يجوز قتل النفس الا قصاصا فقط ، وعليه فلا يجوز قتل النفس بغير النفس .
Sidaas si lamid ah, xadiithka 693 ee kitaabka muwadda waxaa uu ka hadlayaa xadiith loo tiirinayo Cumar ibnu Khaddab (RC) oo sii maraya taabicigii Saciid ibnu Museyb inuu isagu ka maqlay xadiith Cumar, balse markii ay caddatay in Saciid uu 2 jir ahaa markii uu Cumar geeriyooday “Dabaqaat Ibnu Sacad” taariikhyahankii weynaana uu sidaa kitaabkiisa ku qoray, ayey dabadeedna Bukhaari iyo Muslimba iyagoo sanadka kasaaraya Siciid isla xadiithkan wariyeen, balse markan Cabdullahi Ibnu Cabaas ayaa qoorta loo galiyay inuu isagu ka maqlay Cumar.
فالمعروف ان المؤرخ محمد بن سعد اعلن في كتابه ( الطبقات الكبري ) في ترجمة سعيد بن المسيب ان ابن المسيب لم يلق عمر بن الخطاب ، حيث مات عمر وابن المسيب كان طفلا في الثانية من عمره ، لذلك قام البخاري و مسلم بتلافي هذا الخطأ ، اذ اسندا الرواية نفسها وروايات اخري اكثر تفصيلا ليس الي سعيد بن المسيب ولكن الي عبد الله بن عباس . و لكن لم يكن في ذلك تجديد او ابتكار .لأن مالك ذكر في بداية حديثه عن الرجم اول رواية وهي الحديث رقم 692 واسندها الي ابن شهاب الي عبيد الله بن عبد الله بن عتبة عن ابن عباس وذكر قول عمر ( الرجم في كتاب الله عز وجل ، حق علي من زني اذا احصن من الرجال والنساء ، اذا قامت عليه البينة او كان الحمل او الاعتراف ) ثم جاء مالك بعدها بحديث رقم 693 وهو الذي يحوي خطبة عمر المزعومه والتي يذكر فيها الجملة القائلة ( الشيخ والشيخة اذا زنيا ..) وجاء البخاري فاستعمل نفس الرواة والاسناد في الحديث رقم 692 للموطأ وذكر صيغته ثم اضاف حديثا اخر مطولا فيه خطبة طويلة لعمر ، بينما قام مسلم بتلخيص الحديثين ( 692 ، 693 ) من الموطأ في حديث واحد . وبنفس الاسناد لابن عباس.ا
Waxaa jira xadiith kale oo runtii aad u liita oo isla kitaabka Muwadda ku yaala 692 Imaamu Maalik xadiithka wuxuu kawarinayaa Ibnu Shihaab Al-zuhri xadiithkuna isaga ma dhaafsiisna, Ibnu Alzuhrina taabici ayuu ahaa, xadiithkuna waa sidan;
( اخبرنا مالك ، اخبرنا ابن شهاب ان رجلا اعترف علي نفسه بالزنا علي عهد رسول الله ( ص) وشهد علي نفسه اربع شهادات ، فأمر به فحد . قال ابن شهاب : فمن اجل ذلك يؤخذ المرء باعترافه علي نفسه . وجاء البخاري بعد مالك بنصف قرن فتلافي الخطأ واصلح الاسناد ، فقال : حدثني الليث حدثني عبد الرحمن بن خالد عن ابن شهاب عن ابن المسيب وابي سلمة ان ابا هريرة قال : اتي رسول الله ( ص) رجل من الناس في المسجد فناداه يا رسول الله اني زنيت ، يريد نفسه ، فأعرض عنه النبي .. الخ الي ان يقول ( فلما شهد على نفسه اربع شهادات دعاه النبي وقال :أبك جنون ؟ قال لا .. الي ان ينتهي الحديث برجم الرجل المجهول .. ثم تتوالي روايات اخري في نفس الموضوع بتفصيلات نعرف ان الرجل المجهول اسمه ماعز .وانه فر من الرجم ولكنهم طاردوه حتى قتلوه .
Kadib Muslimbaa isla xadiithka wariyay, wuxuuna ku kordhiyay inta la ogyahay magaca ninka oo uu ku sheegay Maaciz Ibnu Maalik oo reer Aslam ah iyo sidoo kale inuu ahaa nin dagaalada/ghasawaadka ka hara si uu uzineysto, taasoo keentay in Rasuulku khudbo ku tilmaamo, in raga qaar ay dagaalada ka haraan si ay u zineystaan, hadii buu yidhi rasuulku (SC) la’ii keeno ruux sidaa sameeyay ciqaab adag baan ku ridi doonaa. Hadana isla riwaadan Muslim wuxuu ku kordhiyay illaa uu towbadkeeno, riwaayad kale oo isla Muslim ah baa leh rasuulkaa dambi dhaaf Alle u weydiiyay Maaciz, wuxxuna yidhi towbada Maaciz waxay ku filantahay ummadoo dhan.
ثم يأتي مسلم بعد البخاري فيضيف تفصيلات اخري نعرف منها انه اسمه ماعز بن مالك من قبيلة اسلم وانه كان يتخلف عن الغزو ليزني مما جعل النبي يخطب غاضبا قائلا : فما بال اقوام اذا غزونا يتخلف احدهم عنا له نبيب كنبيب التيس ، علي ان لا اوتي برجل فعل ذلك الا نكلت به) ويقول مسلم انه ما استغفر له . ثم تأتي رواية اخري تجعل النبي يستغفر لماعز وانه قال ان توبة ماعز تكفي أمة بأكملها – وهنا تناقض جزئي بين روايات مختلفة في موضوع محدد .
Axaadiithta Rajmiga kooda igula qaabka daran aanna ugu hor arkay markii aan diinta baranayay waxaa uu ahaa, xadiithkii gabadhii Yuhuudiyada aheyd ee xaamilada aheyd ee nabiga u timid si loo Rajmiyo. Xadiithku waa 696 ee kitaabka Muwadda Imaamu maalik, Bukhaarise qiima uma yeelin, balse Muslim ayaa aad u buunbuuniyay, oo intuu xadiithkii maaciz kudab xidhay ayuu riwaayad dheer oo xiiso badan ka dhigay. Markalana riwaayad iyada kaligeed u gooni ah ayuu usameeyay.
في الحديث رقم 696 في موطأ مالك يرويه مالك عن يعقوب بن يزيد عن ابيه عن عبد الله بن ابي مليكة ، ان امرأة اتت الي النبي فأخبرته انها زنت وهي حامل ، فقال لها اذهبي حتي تضعي فلما وضعت اتته فقال لها : اذهبي حتي ترضعيه ، فلما ارضعته اتته فقال لها “: اذهبي ختي تستودعيه فاستودعته ، ثم جاءته فأمر بها فأقيم عليها الحد
Qisadan sida “Horror Movies” oo kale loo dhigay oo kali ah ayaa daliil ugu filan ruuxa muslimka ah ee sunnada nooleynaya inuu diido axaadiithta Rajmiga gabi ahaantooda. Sabab diini ah iyo mid mandiqi ah toona kuma saleysna aqbalitaanka iyo ku adkeysashada waxyaabaha noocan oo kala ah.
Waxaase taa kasii daran, bal kawaran hadii gabi ahaanba xadiithkani ku salaeysan yahay dood fiqhi ah oo laba qolo dhexmartay, marka si qoladii su’aasha laweydiiyay ay uga jawaabaan in naag uur leh la rajmin karo iyo inkale, ayaa xadiithkan gabi ahaantiisaba lagu keenay. Xadiithkani wuxuu xambaarsan yahay ereyo diinta Masiixiga ah sal ku leh, sida in gabadhu ay Rasuulka ku tidhi; waxaan doonayaa inaad i dahirto, iyadoo u jeeda dhagax igu dil. In dil mooyee aan waxkale lagu daahir noqon karinna diinta islaamka sal kuma laha ee waa afkaar Masiixi ah.
Nabi Muxammed Alle (SC) wuxuu ku tilmaamay inuu runlow amaano badan yahay, dadka u tiirinyaya hadaladan rasuulku aanu odhan ee xadiith saxiix ahna ku tilmaamaya, waxay shaki galinayaa amaanada rasuulka (NNKH), kama suura gasho, in Alle (SC) dhagax u waxyoodo suubanaheena, isaguna ereygaa mid khilaafsan uu dadka usheego ama faro. Dadka falalkan ku dhaqaaqay waxaan uga digayaa, in ay ka joogsadaan xad gudubka iyo tacadiyada ay u geysasnayaan dadka, diinta Alle iyo sharafta rasuulka (NNKH). Wixii idinku dhaqaajiyayba, ama jahli ama xumaan kalaba, waxaa idiin furan xaqa dadkii aad disheen oo aad u celisaa dadkoodii iyo inaad Alle (SC) u toobad keentaan mar dambana eydaan ku dhaqaaqin falka Rajmiga inaad dadka ku dishaan dhagax. Ilaahow ma gaarsiiyay adigu markhaati ka noqo.
Ibnu Jariir Addabari, Jaamic Albayaan Fii Tafsiir Alqur’aan.
Tafsiir Ibnu Kathiir.
Muwadda Imamu Maalik.
Dabaqaat Ibnu Sacad.
Saxiix Albukhari.
Saxix Almislim.
Suuradda Maa’ida, laga bilaabo aayada 27-30.
Suuradda Shucaraa aayada 116.
Suuradda Dukhaan aayada 20.
Suuradda Huud aayada 91.
Suuradda Alkahfi aayada 20.
Suuradda Maryama aayada 46.
Suuradda Yaasiin aayada 18.
Suuradda Alnuur aayada 2.
Suuradda Alnaxl aayada 44.
http://www.metransparent.com/old/texts/ahmad_sobhi_mansour_text/ahmed_sobhi_mansour_lapidation_in_hadith_2.htm Ahxmed Subxi Mansuur. Qeybta axaadiithta oo dhan halkan ka eeg.
http://www.gedoonline.com/?p=15021 Alshabaab oo naag dhaxag ku dilaya magaalada Waajid, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka daawo.
http://www.calanka.com/warka/article82.htm Xisbu Alislaam oo nin dhagax ku dilaya magaalada Afgooye, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka eeg.
Xigasho Alshaahid.
Maanta oo taariikhda tahay shabakadaha Soomaalida waxay soo wariyeen in qof dumar ah lagu dilay dhagax, Jamaame, J/Hoose. Diinta ma ogala arintaan. Iiraan oo samayn jirtayna waa iska dhaaftay. Waxay qayb ka tahay falalkooda xagjirnimada ku salaysan.
Burburka umadeed ee dadka iyo dalka soomaaliya ku habsaday wuxuu astaan unoqday, in bulshada dhexdeed ay kasoo ifbaxaan calaamado iyo falal fool xun oo ka tarjamaya marxalada adag ee wadanku marayo. Cudurka burburka symptoms-kiisa ama calaamadihiisa kuwa ugu xun waa kuwa ay ku dhaqmaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam, falalkaas oo ay kamid yihiin, sida; qofka oo dhagax lagu dilo, lug iyo gacan isdhaaf loo jaro amaba dad dhexdiis la’isku qarxiyo.
Astaamahani dhammaantood waxay ku tusayaan ka fogaanshaha diinta iyo jahliga xoogga badan ee haysta kuwa falalkooda gurracan ku tilmaamaya ku dhawaasho diin ama hirgalin shareeco.! Hadaba sidaa owgeed, waxaan qormadan ku eegi doonaa xaqiiqada sooyaalka taariikheed ee Rajmiga/dhagax ku dilka, sida qu’aanku u ceebeeyay falka Rajmiga iyo in Rajmigu yahay falalka dadka sanamyada caabuda ee gaalada ah iyo dadka jabaabirada ah ee xaqa is hortaaga ay ku dhaqmaan, sida; Qaabiil, Wathanigii Aazar Nabi Ibraahiim aabihii, Fircown, Qoladii Shuceyb, Qoladii sedexda Nabi loodiray iyo Qowmukii Asxaabul Kahfi doonayay in ay dhagax ku dilaan.
Micnaha Ereyga Rajmiga iyo Taariikhdiisa
Ereyga Rajmigu asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa luqada afka Carabiga, waxaana loola jeedaa, in dhagax wax lagu dilo. Ereygani wuxuu afka Soomaaliga ku yahay; qofka oo dhagax nafta looga qaado. Inkastoo qaamuuska afka Carabigu ereyga Rajmi macnoyaal kale kasii farcamaan, hadana midka guud ee ugu horeeya waa sida aan kor ku xusay. Ruuxiisa doonaya tafaasiil dheeraad ah haka eego qaamuuska afka Carabiga, maadaama halkan ujeedkeygu aanu aheyn dood xaga luqadda ah inaan sii wado intan ka badan.Sooyaalka taariikheed ee Aadanaha sida qur’aanku inoo sheegay waxaa laga dheehan karaa, in qofkii ugu horeeyay ee ina Aadam ah oo dhagax lagu dilay uu ahaa Haabiil, waxaana ku dilay walaalkii Qaabiil oo Alle ku tilmaamay inuu ahaa ahlu naarka, qur’aankuna qisadan wuxuu uga hadlay sidan;
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ ﴿٢٧﴾ َئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لَأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ ﴿٢٨﴾ إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثْمِي وَإِثْمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ ﴿٢٩﴾ فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَهُ فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٣٠﴾
Alle (SC) isagoo nabigiisa Muxammed ah (NNKH) la hadlaya wuxuu yidhi; “Dadka uga sheekee warkii labadii wiil ee ilmo Aadan si xaq ah, markii ay qurbaan/sadaqo bixiyeen oo midkood laga aqbalay kii kalana lagu diiday. Dabadeedna kii laga aqbalay uu yidhi; Alle kuwa isaga ka cabsada ayuu wax ka aqbalaa (27). Balse hadii aad gacantaad igusoo fidiso si aad ii disho, anigu marnaba gacanteyda kuusoo fidin mayo si’aan kuu dilo, maxaayeelay waxaan ka cabsanayaa Allaha dunida oo dhan rabbiga u ah (28). Waxaan doonayaa inaad dambigeyga iyo kaagaba isku darsato oo aad kuwa naarta galaya ahaato, taasaana abaal u ah kuwa gardarada badan (29). Kadib naftiisa ayaa u qurxisay inuu walaalkii dilo, wuuna dilay, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray (30).
Sida dilka Haabiil u dhacay isagoo kawaramay Ibnu Jariir Al-dabari wuxuu tafsiirkiisa Jaamic Albayaan ku yidhi; Qaabiil markii uu damcay in uu walaalkii dilo, wuxuu garan waayay sidii uu udili lahaa, dabadeedna Sheydaan/Ibliis ayaa shimbir iska soo dhigay, markaas ayuu intuu Sheydaankii shimbir soo qabtay oo laba dhagax dhexdood galiayay ayuu dhagax kale madaxa kaga burburiyay. Sidaa ayuuna Qaabiil kaga dayday Sheydaankii dilka walaalkii Haabiil, oo intuu isaguna dhagax qaatay madaxa kaga bashaaqay walaalkii oo dhacadiid u jiifa, halkaa ayuuna ku naf waayay Haabiil, wuxuuna noqday ruuxii ugu horeeyay sooyaalka taariikhda Bani’aadamka oo dhagax nafta looga qaado.
Intaa wixii ka dambeeyay Rajmigu wuxuu noqday fal lagu garto dadka diin laawayaasha ah oo aan dhowrin xaqa Alle (SC) iyo kan Aadanaha midna toona. Tusaale waxaa u ah arinkan qoladii nabi Nuux (NNKH) loo diray oo caabudi jiray asnaam/taalooyin, waxayna ahaayeen qolo dhagax wax ku dila hadii waxa ay doonayaan aad ku diido. Sidaa owgeed, markii nabi Nuux uu usheegay in ay Alle kaligii caabudaan oo asnaamtan baryadooda iska daaya, maxaad u maleyneysaa in ay ugu jawaabeen…!!?
قَالُواْ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ (١١٦)
Jawaabtoodu waxay noqotay in ay yidhaahdaan; “Nuuxow hadii aadan joojinin wanaaga aad noogu yeedheyso, waxaad ka mid noqon doontaa kuwa dhagaxa lagu dilay” (116). Jumlada ugu dambeysa aayaadan waxay daliil cad u tahay, in qoladani dad hore ay dhagax ku dileen/Rajmiyeen, inta aaney ku handadin nabi Nuux in ay Rajminayaan.
Sidaa si lamid ah, falka Rajmgu inuu fal diinta ka fog yahay waxaa ku tusaya. Markii Alle nabi Muuse fircown usoo diray, waxaa jirtay in Fircown uu ku dhaqmi jiray ciqaab ilaa maanta taariikhda bani’aadamka aan horay loogu arag. Marka laga gudbo sheegashada Ilaahnimo ee Fircown, waxyaabihii ka dhashay diin laawanimadiisa waxaa ka mid ahaa; inuu dadka god galiyo dabadeedna dhagax uu ku dili jiray/Rajmin jiray, inuu ruuxa salbiyo/togo illaa uu ka dhinto, inuu lug iyo gacan isdhaaf ah ka jaro, inuu qofka qaarka dambe u aaso kadibna miinshaar laba qeybood uga kala dhigo iyo ciqaabyo kale oo aad u fool xun. Isagoo Alle ka hadlaya falka Fircown uu doonayay inuu nabi Muuse kusameeyo;
وَإِنِّى عُذۡتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ (٢٠)
Nabi Muuse wuxuu yidhi isagoo Alle kamagan galaya in Fircown uu Rajmiyo; “Waxaan ka magangalay rabbigey iyo rabbigiin in aad dhagax igu dishaan” (20).
Sidoo kale qoladii Nabi Shuceyb (NNKH) waxay yidhaahdeen; (Shuceyboow in badan waxa aad sheegeyso maba fahamno, ee hadii qolooyinkan kula socda aaney aheyn dhagax baanba kugu dili lahey) Ayada 91.
قَالُواْ يَـٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرً۬ا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَٮٰكَ فِينَا ضَعِيفً۬اۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَـٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٍ۬ (٩١)
Dhalinyartii asxaabul kahfi ee iimaankooda la carartay ee 300 boqo oo sano jiifay markii ay soo baraarugeen waatii ay damceen in magaalada wax ay cunaan kasoo iibsadaan, waxayna ku yidhaahdeen mid iyaga kamid ah iyagoo ladardaarmaya inuu is qariyo si naftooda ay rajmi uga badbaadiyaan waxay ku yidhaahdeen (Hadii dadka magaalada jooga ay gacanta inagu dhigaa dhagax ayey inagu dili ama diintoodey/gaalnimo ayey inoo celin, markaasna waligiin liibaani meysaan) aayada 20.
إِنَّہُمۡ إِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ يَرۡجُمُوكُمۡ أَوۡ يُعِيدُوڪُمۡ فِى مِلَّتِهِمۡ وَلَن تُفۡلِحُوٓاْ إِذًا أَبَدً۬ا (٢٠)
Nabi Ibraahiim (NNKH) markii sida qotoda dheer uu aabihii u waaniyay isagoo ku leh, aabo asnaamtan ha caabudin oo sheydaan harraacin, nasiib darro falceliskii aabihii wuxuu noqday inuu ku yidhaahdol (Wuxuu yidhi; ma ilaahyadeyda/asnaamteyda ayaad naceysaa Ibraahimow? Hadii aadan joojinin falkaas waan ku rajmin/dhagxeyn ama waad iga dheeraaneysaa) aayada 46.
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِى يَـٰٓإِبۡرَٲهِيمُۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِى مَلِيًّ۬ا (٤٦)
Halkanna Alle (SC) wuxuu kaga waramayaa asxaabul qaryah dadkii magaalada Antioch daganaa sida Ibnu kathiir soo arooriayay, ee intii laba nabi loo diray soo eryay ee Alle nabi kale ku sedexeeyay wixii dhexmaray. Iyagoo cadhada ka haysay sedexdan nabi cabirayana ayey dadkii magaalada degenaa ku yidhaahdeen ; (Waanu idin baaseysannay ee hadii aydaan ka reebtoomin waanadiina dhagax baan idinku dili doonaa, xagayagana waxaa idinka soo gaadhi doona cadaab kulul) aayada 18.
قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ۬ (١٨)
Sidaa owgeed ficilka rajmiga/dhagax in wax lagu dilo waa fal diin la’aani keento, qur’aankuna wuxuu ficilkani ku tilmaamayaa mid fool xun sida; zinada, gaalnimda iyo ribada oo kale inuu lamid yahay, Allena uu dadka waxgaradka ah uga digayo in ay ka waantoobaan ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah. Sideedabana ficilada foosha xun ee noocan oo kale ah waxay umadaha kasoo ifbaxaan marka ay mustawe aad u hooseeya xaga dareenka insaaniyada ah ka gaadhaan, balse marnaba tusaale uma aha diin jaceyl iyo wanaag midna toona.
Ciqaabta Zinadu waa Jeedal
Mar hadii waxa qur’aanku ka yidhi Rajmiga aan cadeeyay iyo in Alle (SC) falka noocaan ah uu ku ceebeeyay kitaabkiisa sida loo cambaareeyay shirkiga, dilka xaq darrada ah, ribada iyo zinada oo kale. Sidaa owgeed, su’aasha mudan inaan isweydiinno ayaa ah, qur’aanku muxuu ka yidhi ciqaabta ruuxa zineysta?Akhristaha qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inuu si qoto dheer u fiiriyo aayadan hoos ku xusan. Alle (SC) wuxuu kitaabkiisa qur’aanka ah ku yidhi;
ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِى فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٲحِدٍ۬ مِّنۡہُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٍ۬ۖ (٢)
Micnaha aayadu waa sidan; “Naagta iyo ninka zineysta jeedla midkastoo iyaga kamid 100 jeedal” aayada 2. Aayadu makala soocin qof horay usoo guursaday iyo ruuxii aan guur soomarin toona, balse waxay si toos ah u sheegeysaa falka zinada iyo ciqaabtiisa.
Bal kawarama hadii Alle Suuratu Nuur ku xusay jeedal..!!! Marka waxaa cajiib ah, in Alle (SC) layidhaahdo jeedalkii wuu sheegay balse rajmigii/dhagixii masheegin.! Hadaba miyaan la odhan karin ruuxa aaminsan Rajmigu inuu shareecada kamid yahay, wuxuu Alle (SC) ku tuhmayaa xikmad xumo/la’aan, oo inta dhagixii laga tagay ayaa jeedalkiina lagu xusay qur’aanka..!!! Mida kale dhagaxa iyo jeedalka kee qallafsan/daran ama muhiimsan??? Mas’aladani waa mas’ala khatar ah, ee raga aaminsani haka laabteen.!
Dhinaca kale waxaan aaminsanahay in ujeedada qur’aanku u xusi waayay rajmiga uu yahay, in rajmigu fal fool xun oo insaaniyada ka fog yahay, sidaadarteedna Alle (SC) iskaba dhaaf’e inuu shareeco ka dhigo’e, balse falka noocaasi ah “Rajmiga” iyadoo laceebeynayo ayaa qur’aanka lagusoo arooriyay, sida; zinada. sariqada, ribada iwm.
Sidoo kale, ciqaabta jeedalka intaa loogama hadhine, Alle (SC) fulinteeda wuxuu shardi uga dhigay “Afar Markhaati” oo ku dhaarta in ay arkeen falka galmada oo dhacaya iyo labada xubnood ee taranka ninka iyo naagta oo isugu jira sida fargashigu/faraantigu ugu jiro farta oo kale. Hadaba waxaa layaab ah, in ay jiraan 4 qof oo marwalba diyaar u ah in ay baadi goobaan nin iyo naag galmo sameynaya ay soo dul istagaan…!!! Iyadoo waliba aan wada ognahay, in aaney suura gal aheyn in labo qofi isu galmoodaan inta ruux sedexaadi meelaha kadhowyahay…!!! Balse xikmadda ka dambeysa “Afarta Markhaati” waa in aan la’arkin labo ruux oo wadooyinka isku fuul fuulaya oo akhlaaqda iyo sharafta mujtaca meel uga dhacaya in jeedalka lagu edbiyo iyo in ay kawaantoobaan falalka “Anti Social Behaviour” ka dhaawacaya sharafta ruuxa bani’aadamka ah.
Xaqiiqada Dhabta ah ee Axaadiithta Kusoo Aroortay Rajmiga
Marka hore Rajmigu wuxuu tusaale cad u yahay ka dheeraashaha diinta’e, ficilkan foosha xun tusaale uma aha diin ku dhawaasho ama shareeco jaceyl sida dadka qaar u dhigeen.! Mida kale, maalmahan waxaa soobaxay dad sunnada rasuulka, sharafta iyo sumcada Islaamka ku duminaya iyagoo “Halku dhagga Sunnada” isku qarinaya, jahli ha ugeeyo ama cadaawad haku xambaartee. Sidaa owgeed anigoo labada masdar ee tashriica Islaamka Al-qur’an Wassunna ka imanaya aaminsanna, ayaan waxaan halkan ka cadeynayaa in axaadiithta kusoo aroortay mas’alada Rajmiga in ay dhammaantood mowduuc/been abuur yihiin sanadkooduna mustawe ahaan uu aad u liito diintana foolxumo iyo dhaawac u geysanayaan.Inta badan axaadiithta Rajmiga waxaa masdar u ah kitaabka Muwadda Imaamu Maalik, dabadeedna Bikhaari iyo Muslimba isaga ayey ictimaadeed si xoog leh oo isagey ku dul dhiseen riwaayaadka ilahooda ay iyagu soo wariyeen, kadib ayey labaduba, Bukhaari iyo Muslimba waxna ku kordhiyeen iyagoo marna sanadka wax kabadalaya, marna siiqada wax kabadalaya marmarna xarfiyan/sidiisa usoo guurinaya. Tusaale ahaan; xadiithkan si xarfi ah ayey Bukhaari iyo muslimba Muwadda igasoo guuriyeen;
ان رجلين اختصما الي النبي حيث زنى ابن احدهما بزوجة الاخر حين كان يعمل اجيرا لديه ، وتقول الرواية ان النبي حكم بجلد الابن مائة جلدة وتغريبه عاما ، وبرجم الزوجة بعد اعترافها
Sidoo kale isla xadiithkan isaguna si xaraf xaraf ah ayaa loosoo minguuriyay;
وهي مجئ اليهود للنبي ليحكم بينهم في رجل وامرأة زنيا وانهم اخفوا عن النبي حد الرجم الموجود في التوراة واحكامها ، وقد كشف لعبتهم عبد الله بن سلام ، وحكم النبي برجم الرجل والمرأة .. وهذه الرواية تتناقض مع القرآن ، لأن الرجم ليس من تشريعات التوراة الحقيقية ، حيث يقول تعالي عن التوراة واحكامها ( وكتبنا عليهم فيها ان النفس بالنفس .. المائدة 45 ) أي لا يجوز قتل النفس الا قصاصا فقط ، وعليه فلا يجوز قتل النفس بغير النفس .
Sidaas si lamid ah, xadiithka 693 ee kitaabka muwadda waxaa uu ka hadlayaa xadiith loo tiirinayo Cumar ibnu Khaddab (RC) oo sii maraya taabicigii Saciid ibnu Museyb inuu isagu ka maqlay xadiith Cumar, balse markii ay caddatay in Saciid uu 2 jir ahaa markii uu Cumar geeriyooday “Dabaqaat Ibnu Sacad” taariikhyahankii weynaana uu sidaa kitaabkiisa ku qoray, ayey dabadeedna Bukhaari iyo Muslimba iyagoo sanadka kasaaraya Siciid isla xadiithkan wariyeen, balse markan Cabdullahi Ibnu Cabaas ayaa qoorta loo galiyay inuu isagu ka maqlay Cumar.
فالمعروف ان المؤرخ محمد بن سعد اعلن في كتابه ( الطبقات الكبري ) في ترجمة سعيد بن المسيب ان ابن المسيب لم يلق عمر بن الخطاب ، حيث مات عمر وابن المسيب كان طفلا في الثانية من عمره ، لذلك قام البخاري و مسلم بتلافي هذا الخطأ ، اذ اسندا الرواية نفسها وروايات اخري اكثر تفصيلا ليس الي سعيد بن المسيب ولكن الي عبد الله بن عباس . و لكن لم يكن في ذلك تجديد او ابتكار .لأن مالك ذكر في بداية حديثه عن الرجم اول رواية وهي الحديث رقم 692 واسندها الي ابن شهاب الي عبيد الله بن عبد الله بن عتبة عن ابن عباس وذكر قول عمر ( الرجم في كتاب الله عز وجل ، حق علي من زني اذا احصن من الرجال والنساء ، اذا قامت عليه البينة او كان الحمل او الاعتراف ) ثم جاء مالك بعدها بحديث رقم 693 وهو الذي يحوي خطبة عمر المزعومه والتي يذكر فيها الجملة القائلة ( الشيخ والشيخة اذا زنيا ..) وجاء البخاري فاستعمل نفس الرواة والاسناد في الحديث رقم 692 للموطأ وذكر صيغته ثم اضاف حديثا اخر مطولا فيه خطبة طويلة لعمر ، بينما قام مسلم بتلخيص الحديثين ( 692 ، 693 ) من الموطأ في حديث واحد . وبنفس الاسناد لابن عباس.ا
Waxaa jira xadiith kale oo runtii aad u liita oo isla kitaabka Muwadda ku yaala 692 Imaamu Maalik xadiithka wuxuu kawarinayaa Ibnu Shihaab Al-zuhri xadiithkuna isaga ma dhaafsiisna, Ibnu Alzuhrina taabici ayuu ahaa, xadiithkuna waa sidan;
( اخبرنا مالك ، اخبرنا ابن شهاب ان رجلا اعترف علي نفسه بالزنا علي عهد رسول الله ( ص) وشهد علي نفسه اربع شهادات ، فأمر به فحد . قال ابن شهاب : فمن اجل ذلك يؤخذ المرء باعترافه علي نفسه . وجاء البخاري بعد مالك بنصف قرن فتلافي الخطأ واصلح الاسناد ، فقال : حدثني الليث حدثني عبد الرحمن بن خالد عن ابن شهاب عن ابن المسيب وابي سلمة ان ابا هريرة قال : اتي رسول الله ( ص) رجل من الناس في المسجد فناداه يا رسول الله اني زنيت ، يريد نفسه ، فأعرض عنه النبي .. الخ الي ان يقول ( فلما شهد على نفسه اربع شهادات دعاه النبي وقال :أبك جنون ؟ قال لا .. الي ان ينتهي الحديث برجم الرجل المجهول .. ثم تتوالي روايات اخري في نفس الموضوع بتفصيلات نعرف ان الرجل المجهول اسمه ماعز .وانه فر من الرجم ولكنهم طاردوه حتى قتلوه .
Kadib Muslimbaa isla xadiithka wariyay, wuxuuna ku kordhiyay inta la ogyahay magaca ninka oo uu ku sheegay Maaciz Ibnu Maalik oo reer Aslam ah iyo sidoo kale inuu ahaa nin dagaalada/ghasawaadka ka hara si uu uzineysto, taasoo keentay in Rasuulku khudbo ku tilmaamo, in raga qaar ay dagaalada ka haraan si ay u zineystaan, hadii buu yidhi rasuulku (SC) la’ii keeno ruux sidaa sameeyay ciqaab adag baan ku ridi doonaa. Hadana isla riwaadan Muslim wuxuu ku kordhiyay illaa uu towbadkeeno, riwaayad kale oo isla Muslim ah baa leh rasuulkaa dambi dhaaf Alle u weydiiyay Maaciz, wuxxuna yidhi towbada Maaciz waxay ku filantahay ummadoo dhan.
ثم يأتي مسلم بعد البخاري فيضيف تفصيلات اخري نعرف منها انه اسمه ماعز بن مالك من قبيلة اسلم وانه كان يتخلف عن الغزو ليزني مما جعل النبي يخطب غاضبا قائلا : فما بال اقوام اذا غزونا يتخلف احدهم عنا له نبيب كنبيب التيس ، علي ان لا اوتي برجل فعل ذلك الا نكلت به) ويقول مسلم انه ما استغفر له . ثم تأتي رواية اخري تجعل النبي يستغفر لماعز وانه قال ان توبة ماعز تكفي أمة بأكملها – وهنا تناقض جزئي بين روايات مختلفة في موضوع محدد .
Axaadiithta Rajmiga kooda igula qaabka daran aanna ugu hor arkay markii aan diinta baranayay waxaa uu ahaa, xadiithkii gabadhii Yuhuudiyada aheyd ee xaamilada aheyd ee nabiga u timid si loo Rajmiyo. Xadiithku waa 696 ee kitaabka Muwadda Imaamu maalik, Bukhaarise qiima uma yeelin, balse Muslim ayaa aad u buunbuuniyay, oo intuu xadiithkii maaciz kudab xidhay ayuu riwaayad dheer oo xiiso badan ka dhigay. Markalana riwaayad iyada kaligeed u gooni ah ayuu usameeyay.
في الحديث رقم 696 في موطأ مالك يرويه مالك عن يعقوب بن يزيد عن ابيه عن عبد الله بن ابي مليكة ، ان امرأة اتت الي النبي فأخبرته انها زنت وهي حامل ، فقال لها اذهبي حتي تضعي فلما وضعت اتته فقال لها : اذهبي حتي ترضعيه ، فلما ارضعته اتته فقال لها “: اذهبي ختي تستودعيه فاستودعته ، ثم جاءته فأمر بها فأقيم عليها الحد
Qisadan sida “Horror Movies” oo kale loo dhigay oo kali ah ayaa daliil ugu filan ruuxa muslimka ah ee sunnada nooleynaya inuu diido axaadiithta Rajmiga gabi ahaantooda. Sabab diini ah iyo mid mandiqi ah toona kuma saleysna aqbalitaanka iyo ku adkeysashada waxyaabaha noocan oo kala ah.
Waxaase taa kasii daran, bal kawaran hadii gabi ahaanba xadiithkani ku salaeysan yahay dood fiqhi ah oo laba qolo dhexmartay, marka si qoladii su’aasha laweydiiyay ay uga jawaabaan in naag uur leh la rajmin karo iyo inkale, ayaa xadiithkan gabi ahaantiisaba lagu keenay. Xadiithkani wuxuu xambaarsan yahay ereyo diinta Masiixiga ah sal ku leh, sida in gabadhu ay Rasuulka ku tidhi; waxaan doonayaa inaad i dahirto, iyadoo u jeeda dhagax igu dil. In dil mooyee aan waxkale lagu daahir noqon karinna diinta islaamka sal kuma laha ee waa afkaar Masiixi ah.
Gabogabo
Nabi Muxammed (NNKH) Alle ayaa soo diray, wuxuuna usoo dhiibay kitaabka qur’aanka ah si uu dadka ugu cadeeyo wixii iyaga/dadka loosoo dajiyay. Isagoo Alle (SC) arrinkan ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaannu kugu soo dajinaya Muxammadow kitaabkii si aad dadka ugu cadeyso waxa iyaga loosoo dajiyay, waxaa suura gal ah in ay fakaraane” (Suurada Alnaxl aayada 44). Hadaba waxaa layaab ah, in iyadoo Alle uu ka dhigay ciqaabta zinada jeedal, hadana layidhaahdo rasuulkaa dhaqax ka dhigay….!!! Taasi ma sharaxaad baa mise waa been abuur? Dadbaa jira Alle iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya! Bal kawaran hadii jeedal sheeg lagu yidhaahdo oo aad Rajmi tidhaahdo? Labadani wax micno ah oo ka dhexeeyaa jira?Nabi Muxammed Alle (SC) wuxuu ku tilmaamay inuu runlow amaano badan yahay, dadka u tiirinyaya hadaladan rasuulku aanu odhan ee xadiith saxiix ahna ku tilmaamaya, waxay shaki galinayaa amaanada rasuulka (NNKH), kama suura gasho, in Alle (SC) dhagax u waxyoodo suubanaheena, isaguna ereygaa mid khilaafsan uu dadka usheego ama faro. Dadka falalkan ku dhaqaaqay waxaan uga digayaa, in ay ka joogsadaan xad gudubka iyo tacadiyada ay u geysasnayaan dadka, diinta Alle iyo sharafta rasuulka (NNKH). Wixii idinku dhaqaajiyayba, ama jahli ama xumaan kalaba, waxaa idiin furan xaqa dadkii aad disheen oo aad u celisaa dadkoodii iyo inaad Alle (SC) u toobad keentaan mar dambana eydaan ku dhaqaaqin falka Rajmiga inaad dadka ku dishaan dhagax. Ilaahow ma gaarsiiyay adigu markhaati ka noqo.
Tixraac
Murtada Al-zabidi (1965) Taj Alcarus Min Jawahir Alqamus Alcarabi, 2nd edittion, Kuwait.Ibnu Jariir Addabari, Jaamic Albayaan Fii Tafsiir Alqur’aan.
Tafsiir Ibnu Kathiir.
Muwadda Imamu Maalik.
Dabaqaat Ibnu Sacad.
Saxiix Albukhari.
Saxix Almislim.
Suuradda Maa’ida, laga bilaabo aayada 27-30.
Suuradda Shucaraa aayada 116.
Suuradda Dukhaan aayada 20.
Suuradda Huud aayada 91.
Suuradda Alkahfi aayada 20.
Suuradda Maryama aayada 46.
Suuradda Yaasiin aayada 18.
Suuradda Alnuur aayada 2.
Suuradda Alnaxl aayada 44.
http://www.metransparent.com/old/texts/ahmad_sobhi_mansour_text/ahmed_sobhi_mansour_lapidation_in_hadith_2.htm Ahxmed Subxi Mansuur. Qeybta axaadiithta oo dhan halkan ka eeg.
http://www.gedoonline.com/?p=15021 Alshabaab oo naag dhaxag ku dilaya magaalada Waajid, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka daawo.
http://www.calanka.com/warka/article82.htm Xisbu Alislaam oo nin dhagax ku dilaya magaalada Afgooye, halkan sawirada iyo qoraalkaba ka eeg.
Xigasho Alshaahid.
No comments:
Post a Comment