Monday, October 22, 2012

Wararkii Sabtida, Oktober, 20, 2012.

Sabti Oktober 20, 2012.

Nin la sheegay inuu ka ganacsan jiray sariiraha,  aa lagu dilay xaaafada viya Afmadow ee magaalada kismaayo, Jubada hoose. Ninkaan waxaa magiciisa lagu koobay Cali[1]. Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay gantaala ka soo dahcaayay dakadda Kismaayo oo ku dhacaayay dhanka waqooyiga magaalada. Arintaan ayaa ka dambaysay sida magaalka lagu sheegay dagaal dhexmaray ciidanka Dowaldda iyo kuwo Shebaab. Waxaa kaloo maqaalkaan uu sheegay in 51 qof lagu xiray magaalada 24 saac oo la soo dhaafay ayagoo la xiriirinaayo Shebaab.

Hiiraan waxay soo warisay in nin ka tirsan ciidanka Kenya in lagu rasaaseeyay magaalada Gaarisa, baaritaano ay sameeyeen ciidankana dad badan lagu qabqabtay [2].

Maqaal ku soo baxay shabakadda Hiiraan aa magacdhabay sabab sharixi karta sababta bambaanooyinka loogu tuuray xaflad aroos  ah oo ka socotay dagmada Hodan ee Gobolka Banadir[3]. 

Qoraaga wuxuu sheegay inay socota musik ay la cayaaraayeen rag iyo dumar. Arintaan waxay u egtahay falalka ay gaystaan Shebaabka, sida lagu arkay Afgaanistaan,  ayagoo is dhahaaya waa mid ka hor imaanaysa diinta Islaamka, siday ayaga u arkaan, walow Soomalida dhaqan ahaan ciyaaraha noocaan ah ay ka jiri jireen, haddana salafiyada xagjirka ah ayaa u aragta arin ka hor imaanaysa diinta.

Ma cadda meesha diinta uga jirto in la dilo ama la dhaawaco dad ciyaaro wata. Waxaa xusid mudan inuu jiro xadiis sheegaaya in Nabiga NNKHA inuu fiirsaday rag iyo dumar ciyaaraaya, oo xabashi ah,  ayadoo caaisho, xaaskiisa, ay asaga isku qarinaysay. Meeshaas waxaa ka cad diinta inay waxba ka qabin arimahaan laakiin ay tahay dhaqan ka yimid dalal kale.

Xitaa haddii ay tahay dambi, oy tahay in wax laga xumaado, ama la wax laga dhaho ama gacan laga gaysto, ma ka darnoo dilka iyo dhaawaca, tanna mudnoo in la naco, ama laga hadlo ama gacan laga gaysto. Laakiin Shebaabka caado uma aha inay ka hadlaan dambiga ay taageerayaashooda ay galaayaan, laakiin tay dad kale galaayaan, haba yaraatee, waxay ula muuqaataa wax ka soo horjeeda Diinta.

Shabaabka taageerayaashooda kuma dhahaan war waxaas dhaafa damnbiga ah, xumaanta iskama qabtaan.

Si kasta ha noqotee maqaalka waxaa lagu sheegay in 2 qof meesha ku dhimatay, 7 kalena ku dhaawacmeen.

Isla warbixintaan waxaa lagu sheegay in 3 bambo lagu weeraray maqaayad ku taal Heliwaa, Banadir, bacdina 2 qof ay ku dhimatay, 3 kalena ay ku dhaawacmeen, ayadoo la rabay in la dilo askari ka tirsan ciidanka Soomaaliya[4]. Baaritaano ciidamada ay meesha ka sameeyeen waxaa lagu soo qabqabtay dad looga shikisanyahay in arimahaan ka dambeeyeen, sida isla maqaalkaas lagu sheegay.

Guud ahaan waxaa muuqata Hiiraan inay soo warisay 5 qof oo dhimasho ah iyo 10 dhaawac, oo ka kala dhacay Xamar iyo Kismaayo.



[1] http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19626.htm
[2]http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19627.htm
[3] http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta20-19627.htm
[4] Fiiri 3.

 

No comments:

Post a Comment