Qof dumar ah, oo sida Hiiraan.com, sheegtay, ka tirsanaan
jirtay ururka Shebab, aa maanta lagu dilay xaafadda labo-dhagax, ee Magaalada
Muqdisho[1].
Gabadhaan dhalinyarada ah oo la dhaho
Luul Cali Sabriye, waxaa dilay, sida Hiiraan sheegtay 3 qof wajiga soo duubtay.
Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in gabadhaan loo
hanjabay dhowr jeer oo hore, bacdina sida muuqata laga dhabeeyay. Marka
arintaan waa mid baari karo, bacdina gacanta lagu soo dhigi karo kuwii ka
dambeeyay.
Sida muuqata wariyaha wuxuu sheegay sabab baritaan mudan
oo ah in gabadhaan ay dileen Shabaab magaalada Xamar jooga, oo ka xumaa inay ka
soo tagto. Wa macquul.
Walow arintaan ay tahay howlaha ugu wayn ee horyaala
dowladda cusub: inay u diido Shebaab inay dad ku dilaan meelaha ay ka taliso.
Tan waxaa lagu xaqiijin kara in xuquuqda askariga meel la saaro, asagana ama
iyadana ay shaqadeeda qabsato. Canshuuro badan la ururiy qurbo joogtana wax
bixiso waa mid meesha ku jirta.
Xaflahadaha taageeradana waa in lagu diraa qayb wax
ururin ah, Dowalddana waa inay damaanad qaadaa in lacagtaas lagu sugaayo amniga
dalka oo dhan.
Waxaa xusid mudan in howgalo balaaran laga fuliyay dagmooyinka Waaberi, Xamar
Jajajb iyo Warta Nabadda, ex-wardhiiglay, kuwasoo dad badan lagu soo qabqabtay.
Sida shabakado badan maanta sheegeen, oo taarikhada tahay 30ka bisha Oktober,
2012.
Sidoo kale Abwaankii shalay lagu dilay Xamar, waxaa la
sheegay in loo hanjabay[2],
marka ayadana waa la baari karaa, oo waxaa la haystaa, meel laga bilaabo. Hadii
la dabo galo, waxaa dhici karta sidii Boosaaso, in la helo kuwa ka dambeeya
dilalka noocaan ah, bacdina bulshada laga qabto, sida Boosaaso ka dhacday,
bacdina laga nasto.
Idaacada BBCda laanteeda Af-Soomaaliga, barjaamijkeeda
subaxnimo, ee maanta oo ah 30ka bisha Oktober waxay sheegtay in wadaado xagjir
ah inay u hanjabeen Abwaanka ka dib markuu cambaareeyay.
Waa guul u soo hoyatay Shabaabka inay dad ugu hanjabaan
meel ay joogin bacdina ku dilaan. Bal ka warama nin gardaran oo nabad diiday,
haddana falalka noocaas ah ka fulinaaya meeluu joojin, meesha deegaano uu xoog
ku haystana uu nabad ku maraayo wadooyinka duur ka ah? Dadka waxaas u
dulqaatay, ee ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ma mudna miyaa in
dulli loo arko, la yaso, tii aakhirna ay u laabantahay, ayadoo xanuun badan.
Masiirkaasna ma ahanoo mid sugaaya ilmahooda?
Waxaa la joogaa xiligii Dowladda Soomaaliya ay ka sifeen
lahayd kuwaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa kaloo la joogaa xiligii laga howgali lahaa meelaha
ay joogaan, bacdina loo isticmaali lahaa tabaha ay isticmaalaan, jidgalka iwm.
Waxaa wax lala yaabo ah in Shabab adeegsadaan dagaalka
dhuumaalaysiga ayoogan xaq u lahayn, oo doonaaya in dalkaan xoog ku xukumaan,
meesha dadka ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta
Soomaaliya oy xoog ku haystaan ayagoo wata shisheeye inay tabahaan
isticmaalin, bacdina iska fiirsadaan, ayadoo la falkinaayo muqtasbal madow oo
baryi doona ayaga iyo kuwa ka farcamaaya.
Dadyowga ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya,
mar kale, waa inay is abaabulaan,
bacdina jidka u galaan Shabaabka sida nabadda ah uga safraaya min Ceelbuur
iilaa Jamamaame, iska mushaaxaaya Shabeelooyinka iyo Jubooyinka.
Haddii kale hala ogaado, mar kale, dulinimo adduunyo waa ma hurto, waa la idin
yasaayaa,waadna u qalantiin, idinka iyo
ilmaha aad dhali doontiin, haddaad diidiin inaad iska xuraysiin kuwaan nabadda
diiday oo raba Soomaaliyoo dhan inay xoog ku qabsadaan bacdina waxgalka dilaan,
oo dadka indhaha ka tuuraan, bacdina say rabaan ka yeelaan dalka iyo dadka,
maantay maalin tahay ee iska xureeye, oo u hiiliya dantiina iyo danta ummadda Soomaaliyeed,
ama iska aamusa, oo ilmihiina, iyo ilmaha Soomaaliyeed u horseeda waxaan qaban.
Maal, naf iyo waqti ku taageer dadka xaq u dirirka ah ee
raba in loo daayo in dadka Soomaaliyeed ka tashadaan aayahooda ayagoo xor ah, oo laga daayo in la iskhasbo, ayadoo la kaashanaayo
wixii la heli karo, sida tabaha cusub ee Qaacidah, xagjirnimada, nabad
diidnimada iwm. Go’aan cad waa in la gaaraa.
Haddii hadda loo isticmaalo Shabaab tabaha ay
isticmaalyaan, xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xulufadana dagaalka tooska ah wadaan,
waa quusanaayaan, bacdi carcarta uu wado Godane iyo inta la jirta, meesha waa
ka baxaysaa, waxay leeyihiin war walaalow wax halagu wadwado, waa quusanaayaan,
meesha hadda inta la jirta ay leeyihiin
war waa dulli ee indhaha ka tuura, bacdina xoog ku xukuma, waa dadaan jirine. Damac
aa galay markay arkeen dadkaan kale oon rabin geerida, dulinimada ogol. Dulli,
dulli ahaaday.
Waxay kaloo Hiiraan.com maanta sheegtay in askari ka
tirsan kuwa Booliska Soomaaliya u soo raacay baabuur kuwa rakaabka ah oo
maraayay meel u dhow KM-4, ama no 4, una socday Siinaay, Wardhiiglay. Bacdi
muran aa dhexmaray askariga iyo nin dhalinyaro ah, bacdina askariga wuxuu
baabuurka ku furay, waa saday Hiiraan u dhigtaye, rasaas, uu ku dhintay kii ay
murmaayeen iyo labo dhalinyaro kale.
Hiiraan waxay sheegtay in askar ka tirsan kuwa ciidamda
Soomaaliya inay u gurman, bardu meeshay ka dhawaayeen miyaa? Bacdina dan kama
galin miyaa? Arintaan waa eedayn u baahan in qoraaga Hiiraan inuu caddeeyo.
Dadkaan aqbaly dulinimada oo caruurtoodana rabo inay
waxaad dhaxlaan waxay dhahaan war Dowladda ka daran, waa mooryaan iwm.
Dowladda cusub aa lagu rabaa inay arintaan meesha ka
saarto. Askarigii qof dila, waa in la dilaa. Askarigii wax dhaca, waa in wuxuu
sharciga qabo la marsiiyaa.
Haddii kale, marmarsiiyo ay ka dhiganaayaan waxay leeyihiin
mooryaanta waxaa dhaama ninka afka duuban oo xoogga iyo shisheeyaha dalkeena ku
qabsaday qaar, qaarka kalena raba inuu xoog ku qabsado, bacdina indhaha naga
tuuro, asagoo laynaaya waxgaradka.
Hadday arintaan been tahay, warbaahinta beenta sheegaysa
dabo dhigo, oo ciidanka sumcadda ka dilaysa, bacdina sharciga marsii.
Isla maqaalkaan waxaa lagu magacdhabay in askari waardiye
u ah xildhibaan la dhaho Axmed Kinyaati inuu dilay askari kale oo asna waardiye
u ah; Xildhibaabka wuxuu sheegay in gacanta uu u galinaayo askariga ururada
amaanka dalka.
Warkaan wuxuu sarbeebaa in meesha dilka ka dhacay ay imaan
wax askar ah. Run ma aha, waa imaadeen, laakiin ma gali karaan guriga
xildhibaanka. Xaldhibaankana wuxuu sheegay inuu ururada ammaanka u gacan
galinaayo ninkii wax dilay. Booliskana wuxuu la xiriiray madaxda Dowladda si
arintaas loogu sheego. Hiiraan warkaan ma sheegin[3].
Shabakdda Hiiraan.com waxay kaloo maanta soo warisay
xukuno ay riday maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, darajadeeda
koowaad[4].
Sagaal eedaysane aa maxkamadda la horkeeyna, 4 aa min shano lagu xukumay,
waxayna ka yaraayeen 25 jir, 5 dambi waa
lagu waayay, bacdina waa la iska sii
daayay. Hiiraan waxay sheegtay in xukunkaan ahaa kii ugu horeeyay a
dhaca Dowladda cusub markay dhalatay ka dib.
Waa arin fiican arintaan in kuwa ka wada dhibka Soomaaliya
in xukunka la marsiiyo, waxaana ka sii fiican in meel fagaara ah lagu qabto, si
kuwo kale uga digtoonaadaan inay dad dhibaateeyaan.
Ciidamo ka tirsn kuwa Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka
Midow Afrika ee Soomaaliya, HMAS, aa miino wadooyinka la galiyay ka saaray
jidadka dhexmara magaalada kismaayo, siday sheegtay Hiiraan.com[5].
Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in miino la galiyay maqaaxi ku taala
albaabka laga galo xarunta maamulka
Kismaayo, maalmo ka hor dhibaato ay gaysatay.
Idaacadihii VOAda, BBCda laamahooda af-Soomaaliga,
barnaamijyadooda kala gadisan, waan dhagaystay, maanta, oo ah, oktober 30,
2012; ma sheegin dilka gabadha Warta nabadda, askariga rakaabka xabadda ku
furay ee KM-4, miinooyinka laga saaray Kismaayo, xildhibaanka waardiyihiisa wax
dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukunka fulisay.
[1]
Maxamed Xaaji Xuseen. Kooxo hubeysan oo
xalay siyaabo kala duwan laba qof oo uu ku jiro Abwaan ugu dilay Degmooyin ka
tirsan Gobolka Banaadir. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t,
2012. WEB. October 30, 2012. < <http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19742.htm>.
[2]
Fiiri kow.
[3] Hoyga
wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka
dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober 30, 2012. Shabakad.
Oktober 30, 2012. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2894
[4] Maxamed
Xaaji Xuseen. Maxkamadda Darajada Koowaad
ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday
Eedeysanayaal. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t, 2012. Shabakad.
Oktober 30, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19743.htm
[5]
Xasan Nuur. Ciidamada Dowladda Soomaaliya
iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kismaayo oo howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay
walxaha Qarxa. Hiiraan online. www.hiiraan.com , oktober 30, 2012.
Shabakad.Oktober 20, 2012.< http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19745.htm>.
No comments:
Post a Comment