Thursday, October 25, 2012

Somalia, October 2012

Idaacada Codka Maraykanka ee af-Soomaaliga, aa sheegtay in 8 qof ay ku dhinteen ilaa 10 kale ku dhaawacmeen baabuur dad rakaab ah ay saaranyihiin oo ku safraayay wadada isku xirta  Buurhakaba iyo Walla-wayn.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaaya cidda gaysatay falkaan; Idaacada VOAda waxay sheegtay inay la xiriirtay dad goobjoog ah oo u sheegay in rasaasta ay uga soo dhacday dhanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, CXDS,  iyo kuwo  AMISOM, ama Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, HMAS.  Laakiin waxaa beeniyay gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose, C/Fatax  C/Dulle Yusuf oo sheegay inay meesha joogin dad goobjoogayaal ah marka laga reebo, dadkii dagaalamayay, iyo kuwii wax noqday[1].

VOAda laanteeda Af-Soomaaliga waxaad moodaa inay rumaysanyhiin in falkaan ay ka dambeeyeen HMAS ama AMISOM iyo CXDS, waayo waxay ku lifaaqeen maqaalka sawir askari ka tirsan HMAS am AMISOM oo wata qori boobaayasha culus ah. Arintaan waa mid ka mid ah caddaymaha loo haayo inay AMISOM ama CXDS ay falkaan ka dambeeyeen.

Arintaan waxaa kaloo sheegay shabakadda dhacdooyinka.com iyo Somalimemo.net, tan dambe waxay si wayn u taageertaa Shebaabka.  Dhacdooyinka waxay sii gaar ah u sheegtay in baabuurka dadka ku dhinteen inuu banjaray, bacdina labo ciidanka AMISOM, ama HMAS, ay soo aadeen dhankooda, bacdina labo nin ka carartay, baabuurka, bacdian ay rasaas ku fureen, bacdina shan qof ay ku dhinteen, saddexna ku dhaawacmeen. Dadkiina ay meesha yaaliin ilaa hadda oon wax gurmad ah loo fidin, ka akhriso warbixinta meeshaan[2]. Waxaa xusid mudan maqaalkaan walow uu shalay ahaa inuu ka muuqan shabakadda qaybaheeda hore, laaliin aad ogaan kartid oo kaliya markaad akhrisid arimaha la xiriira dagaaalada Sh/Hoose.


Shabakadda raxanreeb ayaa ayadana sheegtay in HMAS ama AMISOM inay ka dambaysay waxayna daliil ka dhigatay inuu sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka shabeelaha hoose, C/fatax Cabdulle Yusuf. Waxaa xusid mudan warkaan inuu khalad yahay, VOAda laanteeda af-soomaaliga waxaa ku cad sida lifaaqa hoos caddaynaayo inay gudoomiye ku xigeenka Sh/Hoose inuu inkiray inay ayaga ka dambeyeen falkaas, wuxuuna ku eedeeyay falkaan inay shabaabka ka dambeeyeen, walow warkiisa uu caddayn, ayna ka muuqatay hubsiimo la'aan[3].

Shabakadaha dayniile.com, jowhar.com, somaliweyn.com waxay sheegeen inu madfaca ahaa mid habow ah.

Shabakadda wadanka.com waxay sheegtay in taliyaha ururka labaad ee guutada lixaad, Cabdi Cali Cabdi inuu ka codsaday ciidanka AMISOM am HMAS inay magdhow ka bixiyaan gaari dad shacab ah u ku dhinteen gaarigaasoo ciidanka HMAS ama AMISOM ay dardareen, laakiin markii dambe la ogaaday inay kas ka ahayd dhibaatadii ay u geesteen rakaabka baabuurkaas. Shabakaddaan ma sheegin meesha warkaan laga daayay[4].

Shirkadda wararka ee AFPda, oo laga leeyahay dalka Faransiiska waxay sheegtay in gaariga caasiga ah uu madfac ku dhacay, laakiin ma sheegin cidda tuurtay iyo in kas aha iyo in kale[5].

Qof goobjooge ahaa oo la dhaho Xassan Yaxya wuxuu sheegay in baabuurka oo ahaa caasi ama mini-bus, ama hoomayga baabuurta loo yaqaan, inuu so soo galay meel dagaal ka socdo, bacdina qarax lala helay.

Maxamed Cabdiraxmaan, qof goobjoogo ah,  wuxuu sheegay inuu arkay 4 mayd ah, oo uu ku jiro qofay qaraabo yihiin.

Guud ahaan warbixinta AFP waxay sheegaysaa in meesha ay ku dhinteen 6, 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa xusid mudan in Leego, tuulada ugu shishaysa Sh/hoose, in lagala wareegay xagjiriinta, sida ku warbixinta AFP.

Two binary concepts to guide my analytical work: centralization of power and popularization of power, that is power holders come and go as wished by the populace.

Centralization is measured by the extent of the state to uphold the rule of of law despite some resistance to the application of law.

Popularization of power is measured I the extent existing leadership owes its existence on people.

Collection of revenues and the use to provide security and the other public goods is one centralization measure.



Marjic, ama loo noqda
[1] http://www.voasomali.com/content/article/1532891.html
[2]http://dhacdooyinka.com/amisom-oo-dad-rayid-ah-xasuuqday-iyo-wararkii-ugu-dambeeyey-ee-dagaaladii-leego/
[3] http://www.raxanreeb.com/2012/10/ciidamada-amisom-oo-dad-rayid-ah-ku-xasuuqay-degganka-leego/ isla warkaan wuxuu ku soo baxay shabakaddaan: http://baidoanews.com/view.php?id=13760;
[4] http://wadanka.com/Somali-News/7695.html
[5] http://www.google.com/hostednews/afp/article/ALeqM5gAljTnNxJVIdHoafE-yhgKpEdr4Q?docId=CNG.e948f75582c629a7eb61956930e63223.121







 

No comments:

Post a Comment