Wednesday, October 31, 2012

Warbixin kooban oo ku hadlaysa Soomaaliya

Warkii iyo faaqidaadii oo Soomaali ah waa kan.
Idaacad BBCda laanteeda Afka-Soomaaliga waxay maanta soo warisay inuu jiray iska horimaad dhexmaray ciidan ka wada tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, CXDS, ee gobolka Hiiraan, kasoo uu ku dhintay tiliyihii howlgalinta CXDS ee gobolka Hiiraan, mudane Muumin Maxamed Maxamud Ildhigte[1].

Godoomiyaha gobolka Hiiraan, C/Fatax Xassan Afrax waa beeniyay in ciidanka dagaalay ay ka wada tirsanaayeen CXDS, wuxuuna sheegay kuwa lala dagaalay inay ahaayeen burcad.

Wuxuuna sheegay in dadka oo dhan hubaysanyihiin, tanna ya sharxi karto isk hor imaadyada noocaan ah. Ammaan buuxa waxaa la heli karaa marka xuduudaha la xiro, dadkana hubka laga dhigo.

Isla idaacada BBCda Laanteeda Af-Soomaaliga, waxay sheegtay, maanta oo ah 31ka oktober, in bartahamaha magalada Gaarisa lagu dilay hal askari, laguna dhaawacay mid kale; bacdina meesha ay ka dhacday rasaas ay is dhaafsadeen booliska iyo kuwii soo weeraray; bacdina tan ay dhalisay in dadkii meesha joogay ay kala cararaan. Bacdina magaalada xiranto[2].

Wariyaha BBCda ee Garissa oo soo xiganaayay gudoomiyaha Gaarisa Macalin Maxamed aa sheegay in qaraxyadii kooxahaan ay ku badasheen toogasho; waana isla kooxihii magaalada ku dilay labo askari bishii hore, Sebtember.

BBCda laanteeda Af-Soomaaliga maanta, oo ah 31ka oktober, 2012, waxay sheegtay in bam lagu tuuray meel ku taal Kismaayo, Calanlay, ay ku dhaawacmeen 4 qof oo shicib ah. Bacdina waxay waraysatay afhayeenak maamulka ku meel gaarka ah magaalada Kismaayo, C/Nadir Seerar Maax, wuxuuna xaqiijiyay warkii ay idaacada sheegtay.





[1]BBC laanteeda af-Soomaaliga.Taliye lagu dilay magaalada Beledweyne. BBC Soomaali, oktober 31, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121031_beledweyne_taliye_dil.shtml
[2] BBC laanteeda af-Soomaaliga.Barnaamijka subaxnimo,. BBC Soomaali, oktober 31, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012.

A Short Report of Somalia


BBC Somali service, in its website, has reported the death of senior Somali army officer in Baladwayne, Hiiraan, Central Somalia.

The officer died after confrontation between his small unit, as reported by the governor of the region to BBC Somali service today, october 31st, 2012, A/Fatah Hassan Afrah, and thieves who mounted a checkpoint to collect revenues from travelers.
The officer wanted to remove the illegal checkpoint[1].

The late officer made a deadly mistake, he wanted to do something that he lacked the capacity to do so.

BBC reported that the people, who mounted the illegal checkpoints, were also members of Somali national security agencies, even though the governor of the region who spoke to them to day,  denied such claims.

The governor also stated that the people in the region are armed, as a consequence of prolonged civil war which has been going on for two or even more decades. It is for this reason, he said, that it is easy for ordinary people to use deadly force for variety of reasons, including mounting an illegal checkpoint and collecting fees from travelers.

The solution, therefore, the governor suggested, is to collect weapons from people and secure the borders to ensure the general security of the people in the region.

BBC Somali service have also reported, in its morning program, today, October, 31st, 2012,  the death of a soldier and injury of another one in Garissa, Northeastern part of Kenya, mostly inhibited by ethnic Somalis[2].

The event occurred as unknown gunmen opened fire to police officers in the center of the town. Exchange of fire ensued, causing people to flee and close their businesses.

The reporter of the BBC in Garissa said he was informed by Garissa chairman Mr. Moalim Mohamed that the people who were behind these attacks were same people who last month killed two officers. They appear, he told the reporter, to have substituted planting mines with direct attacks against elements of Kenya’s security forces in in the town.

The BBC Somali services have also reported to day the injury of four people in Kismayo, Lower Jubba region. Someone lobbed a hand grenade into members of government army in the town; they missed their target and harmed ordinary people[3].

 

 



[1] BBC Somali Service.Taliye lagu dilay magaalada Beledweyne. BBC Somali, october 31, 2012. WEB. October 30, 2012. http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/10/121031_beledweyne_taliye_dil.shtml
[2] BBC Somali service.Morning program. BBC  Soomaali, october 31, 2012. WEB. October 30, 2012.
[3] BBC Somali service.Morning program. BBC  Somali Service, october 31, 2012. WEB. October 30, 2012War


 


 
 
 

Tuesday, October 30, 2012

Daily briefings of security in Somalia


A female who was previously a member of Shebab, an Al-Qaida linked group, was today killed in Warta Nabadda, peace valley, Mogadishu, after she received several threats before[1].

Somali Police, under intense pressure to assure the security of the town, has carried out house to house searches in various districts of the town to hunt people who were behind number of assassinations[2].

Hiiraan have also reported guards of a Member of Parliament, MP, called Ahmed Kinyati, killing another guard, even though other sites have reported the victim was a civilian[3].

In any case, Jowhar has reported the police were aware of the situation and did not go the house of the MP because of his immunity, but the MP has promised to take the soldier to the police station[4].

Why he did not do that right away to prevent the soldier from running away is not known.

In a sign of justice being performed, Hiiraan has reported Somali military court that has sentenced number of people who were found to be members of Shebab[5]. Hiiraan said this is the first sentence given by the court to the accused ones since the new government was elected by the parliament.

Hiiraan has also reported a Somali Police officer opening fire on a civilian car around KM-4 area, after quarreling with some passengers, thereby killing one and wounding two[6]. The police officer was one of the passengers. The Somali government should investigate these reports and prosecute the officer.

Somali government army and African Union army in Kismayo, Lower Jubba region, have managed to de-mine various planted mines in various in Kismayo, as reported by Hiiraan[7], thereby preventing harm to themselves and to the civilians who live in the town.

I have listened to BBC and VOA Somali services; none of them has mentioned the pieces of information herein reported.



[1] Maxamed Xaaji Xuseen. Kooxo hubeysan oo xalay siyaabo kala duwan laba qof oo uu ku jiro Abwaan ugu dilay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t, 2012.  WEB. October 30, 2012. < <http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19742.htm>.
[2] Hoyga wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober 30, 2012. Shabakad. October 30, 2012. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2894
[3] As Maxamed Xaaji Xuseen.Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Rasaas khasaare geysatay ku furay gaari ay dad rakaab ah la socdeen. Hiiraanonline.com. www.hiiraan.com, oktober 30, 2012. WEB. October,30, 2012.
  Hoyga wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober 30, 2012. WEB. October 30, 2012.
[4]  See number 4
[5] Maxamed Xaaji Xuseen. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday Eedeysanayaal. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19743.htm
[6] As Maxamed Xaaji Xuseen.Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Rasaas khasaare geysatay ku furay gaari ay dad rakaab ah la socdeen. Hiiraanonline.com. www.hiiraan.com, oktober 30, 2012. WEB. October,30, 2012.
  Hoyga wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober 30, 2012. WEB. October 30, 2012.
[7] Xasan Nuur. Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kismaayo oo howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay walxaha Qarxa. Hiiraan online. www.hiiraan.com , october 30, 2012. WEB.October 20, 2012.< http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19745.htm>.

Dhacdooyinkii iyo faaqidaad Soomaaliyada maanta,


Qof dumar ah, oo sida Hiiraan.com, sheegtay, ka tirsanaan jirtay ururka Shebab, aa maanta lagu dilay xaafadda labo-dhagax, ee Magaalada Muqdisho[1]. Gabadhaan dhalinyarada ah  oo la dhaho Luul Cali Sabriye, waxaa dilay, sida Hiiraan sheegtay 3 qof wajiga soo duubtay.

Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in gabadhaan loo hanjabay dhowr jeer oo hore, bacdina sida muuqata laga dhabeeyay. Marka arintaan waa mid baari karo, bacdina gacanta lagu soo dhigi karo kuwii ka dambeeyay.

Sida muuqata wariyaha wuxuu sheegay sabab baritaan mudan oo ah in gabadhaan ay dileen Shabaab magaalada Xamar jooga, oo ka xumaa inay ka soo tagto. Wa macquul.

Walow arintaan ay tahay howlaha ugu wayn ee horyaala dowladda cusub: inay u diido Shebaab inay dad ku dilaan meelaha ay ka taliso. Tan waxaa lagu xaqiijin kara in xuquuqda askariga meel la saaro, asagana ama iyadana ay shaqadeeda qabsato. Canshuuro badan la ururiy qurbo joogtana wax bixiso waa mid meesha ku jirta.

Xaflahadaha taageeradana waa in lagu diraa qayb wax ururin ah, Dowalddana waa inay damaanad qaadaa in lacagtaas lagu sugaayo amniga dalka oo dhan.

Waxaa xusid mudan in howgalo balaaran  laga fuliyay dagmooyinka Waaberi, Xamar Jajajb iyo Warta Nabadda, ex-wardhiiglay, kuwasoo dad badan lagu soo qabqabtay. Sida shabakado badan maanta sheegeen, oo taarikhada tahay 30ka bisha Oktober, 2012.

Sidoo kale Abwaankii shalay lagu dilay Xamar, waxaa la sheegay in loo hanjabay[2], marka ayadana waa la baari karaa, oo waxaa la haystaa, meel laga bilaabo. Hadii la dabo galo, waxaa dhici karta sidii Boosaaso, in la helo kuwa ka dambeeya dilalka noocaan ah, bacdina bulshada laga qabto, sida Boosaaso ka dhacday, bacdina laga nasto.

Idaacada BBCda laanteeda Af-Soomaaliga, barjaamijkeeda subaxnimo, ee maanta oo ah 30ka bisha Oktober waxay sheegtay in wadaado xagjir ah inay u hanjabeen Abwaanka ka dib markuu cambaareeyay.

Waa guul u soo hoyatay Shabaabka inay dad ugu hanjabaan meel ay joogin bacdina ku dilaan. Bal ka warama nin gardaran oo nabad diiday, haddana falalka noocaas ah ka fulinaaya meeluu joojin, meesha deegaano uu xoog ku haystana uu nabad ku maraayo wadooyinka duur ka ah? Dadka waxaas u dulqaatay, ee ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ma mudna miyaa in dulli loo arko, la yaso, tii aakhirna ay u laabantahay, ayadoo xanuun badan. Masiirkaasna ma ahanoo mid sugaaya ilmahooda?

Waxaa la joogaa xiligii Dowladda Soomaaliya ay ka sifeen lahayd kuwaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo la joogaa xiligii laga howgali lahaa meelaha ay joogaan, bacdina loo isticmaali lahaa tabaha ay isticmaalaan, jidgalka iwm.

Waxaa wax lala yaabo ah in Shabab adeegsadaan dagaalka dhuumaalaysiga ayoogan xaq u lahayn, oo doonaaya in dalkaan xoog ku xukumaan, meesha dadka ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta  Soomaaliya oy xoog ku haystaan ayagoo wata shisheeye inay tabahaan isticmaalin, bacdina iska fiirsadaan, ayadoo la falkinaayo muqtasbal madow oo baryi doona ayaga iyo kuwa ka farcamaaya.

Dadyowga ku dhaqan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, mar kale,  waa inay is abaabulaan, bacdina jidka u galaan Shabaabka sida nabadda ah uga safraaya min Ceelbuur iilaa Jamamaame, iska mushaaxaaya Shabeelooyinka iyo Jubooyinka.

Haddii kale hala ogaado, mar kale,  dulinimo adduunyo waa ma hurto, waa la idin yasaayaa,waadna u qalantiin,  idinka iyo ilmaha aad dhali doontiin, haddaad diidiin inaad iska xuraysiin kuwaan nabadda diiday oo raba Soomaaliyoo dhan inay xoog ku qabsadaan bacdina waxgalka dilaan, oo dadka indhaha ka tuuraan, bacdina say rabaan ka yeelaan dalka iyo dadka, maantay maalin tahay ee iska xureeye, oo u hiiliya dantiina iyo danta ummadda Soomaaliyeed, ama iska aamusa, oo ilmihiina, iyo ilmaha Soomaaliyeed u horseeda waxaan qaban.

Maal, naf iyo waqti ku taageer dadka xaq u dirirka ah ee raba in loo daayo in dadka Soomaaliyeed ka tashadaan aayahooda ayagoo xor  ah, oo laga daayo in la iskhasbo, ayadoo la kaashanaayo wixii la heli karo, sida tabaha cusub ee Qaacidah, xagjirnimada, nabad diidnimada iwm. Go’aan cad waa in la gaaraa.

Haddii hadda loo isticmaalo Shabaab tabaha ay isticmaalyaan, xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xulufadana dagaalka tooska ah wadaan, waa quusanaayaan, bacdi carcarta uu wado Godane iyo inta la jirta, meesha waa ka baxaysaa, waxay leeyihiin war walaalow wax halagu wadwado, waa quusanaayaan,  meesha hadda inta la jirta ay leeyihiin war waa dulli ee indhaha ka tuura, bacdina xoog ku xukuma, waa dadaan jirine. Damac aa galay markay arkeen dadkaan kale oon rabin geerida, dulinimada ogol. Dulli, dulli ahaaday.

Waxay kaloo Hiiraan.com maanta sheegtay in askari ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya u soo raacay baabuur kuwa rakaabka ah oo maraayay meel u dhow KM-4, ama no 4, una socday Siinaay, Wardhiiglay. Bacdi muran aa dhexmaray askariga iyo nin dhalinyaro ah, bacdina askariga wuxuu baabuurka ku furay, waa saday Hiiraan u dhigtaye, rasaas, uu ku dhintay kii ay murmaayeen iyo labo dhalinyaro kale.

Hiiraan waxay sheegtay in askar ka tirsan kuwa ciidamda Soomaaliya inay u gurman, bardu meeshay ka dhawaayeen miyaa? Bacdina dan kama galin miyaa? Arintaan waa eedayn u baahan in qoraaga Hiiraan inuu caddeeyo.

Dadkaan aqbaly dulinimada oo caruurtoodana rabo inay waxaad dhaxlaan waxay dhahaan war Dowladda ka daran, waa mooryaan iwm.

Dowladda cusub aa lagu rabaa inay arintaan meesha ka saarto. Askarigii qof dila, waa in la dilaa. Askarigii wax dhaca, waa in wuxuu sharciga qabo la marsiiyaa.

Haddii kale, marmarsiiyo ay ka dhiganaayaan waxay leeyihiin mooryaanta waxaa dhaama ninka afka duuban oo xoogga iyo shisheeyaha dalkeena ku qabsaday qaar, qaarka kalena raba inuu xoog ku qabsado, bacdina indhaha naga tuuro, asagoo laynaaya waxgaradka.

Hadday arintaan been tahay, warbaahinta beenta sheegaysa dabo dhigo, oo ciidanka sumcadda ka dilaysa, bacdina sharciga marsii.

Isla maqaalkaan waxaa lagu magacdhabay in askari waardiye u ah xildhibaan la dhaho Axmed Kinyaati inuu dilay askari kale oo asna waardiye u ah; Xildhibaabka wuxuu sheegay in gacanta uu u galinaayo askariga ururada amaanka dalka.

Warkaan wuxuu sarbeebaa in meesha dilka ka dhacay ay imaan wax askar ah. Run ma aha, waa imaadeen, laakiin ma gali karaan guriga xildhibaanka. Xaldhibaankana wuxuu sheegay inuu ururada ammaanka u gacan galinaayo ninkii wax dilay. Booliskana wuxuu la xiriiray madaxda Dowladda si arintaas loogu sheego. Hiiraan warkaan ma sheegin[3].

Shabakdda Hiiraan.com waxay kaloo maanta soo warisay xukuno ay riday maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, darajadeeda koowaad[4]. Sagaal eedaysane aa maxkamadda la horkeeyna, 4 aa min shano lagu xukumay, waxayna ka yaraayeen 25 jir,  5 dambi waa lagu waayay, bacdina waa la iska sii  daayay. Hiiraan waxay sheegtay in xukunkaan ahaa kii ugu horeeyay a dhaca Dowladda cusub markay dhalatay ka dib.

Waa arin fiican arintaan in kuwa ka wada dhibka Soomaaliya in xukunka la marsiiyo, waxaana ka sii fiican in meel fagaara ah lagu qabto, si kuwo kale uga digtoonaadaan inay dad dhibaateeyaan.

Ciidamo ka tirsn kuwa Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midow Afrika ee Soomaaliya, HMAS, aa miino wadooyinka la galiyay ka saaray jidadka dhexmara magaalada kismaayo, siday sheegtay Hiiraan.com[5]. Isla maqaalkaan waxaa lagu sheegay in miino la galiyay maqaaxi ku taala albaabka laga galo xarunta maamulka  Kismaayo, maalmo ka hor dhibaato ay gaysatay.

Idaacadihii VOAda, BBCda laamahooda af-Soomaaliga, barnaamijyadooda kala gadisan, waan dhagaystay, maanta, oo ah, oktober 30, 2012; ma sheegin dilka gabadha Warta nabadda, askariga rakaabka xabadda ku furay ee KM-4, miinooyinka laga saaray Kismaayo, xildhibaanka waardiyihiisa wax dilay iyo maxkamadda ciidamada oo xukunka fulisay.

 

 

 



[1] Maxamed Xaaji Xuseen. Kooxo hubeysan oo xalay siyaabo kala duwan laba qof oo uu ku jiro Abwaan ugu dilay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t, 2012.  WEB. October 30, 2012. < <http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19742.htm>.
 
[2] Fiiri kow.
[3] Hoyga wararka Somaliyeed. Taliska Booliska oo sheegay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho. Jowhar.com. www.jowhar.com, Oktober 30, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2894
[4] Maxamed Xaaji Xuseen. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday Eedeysanayaal. Hiiraan Online. www.hiiraan.com, October 30t, 2012. Shabakad. Oktober 30, 2012. http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19743.htm
[5] Xasan Nuur. Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kismaayo oo howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay walxaha Qarxa. Hiiraan online. www.hiiraan.com , oktober 30, 2012. Shabakad.Oktober 20, 2012.< http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta30-19745.htm>.
 
 
 

Monday, October 29, 2012

Report of Somalia today, Warbixintii Maanta ee Soomaaliya

Small units of Shebab army have attacked the house of the district commissioner, DC, of Bardalae District, Bay region, southern Somalia[1].

In the ensuing battle, tw0 guards of the DC were killed and three others were wounded, as Hiiran reported.

Eye witnesses also have informed Hiiraan that they saw two dead Shebab soldiers.  A number of others were wounded, as reported by hiiraan, but it did not specify them.

An elder artist named Warsme Shire Awale was killed in Waberi district, Mogadishu. He was working for Kulmiye radio in the comedy section. He has composed many literatures.

Charcoal business in Kismayo has created a sharp difference between local people and the army in the area and the central government in Mogadishu[2].

The local folks, both civilian and military, prefer the charcoal to be exported and further production of the charcoal be stopped.

The central government in Mogadishu, however, wants to stop all export now[3]. The main concern of the central government, it appears, is revenue generated by the export going to Shebab. 

However, money of the shareholders are ordinary people who will lose money if the charcoal is not exported, as confirmed by spokesperson of the business people in Jubba region who spoke to VOA Somali section, on October 29th, 2012. He valued the charcoal around $ 30 million or 5 million bags.



[1] Maxamed Xaji Xussen, “Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale”. WEB. October 29, 2012.  http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta29-19737.html  Accessed 29th of Oktober, 2012  
[2] Globalpost. “Saving Somalia: A matter of charcoal and UN bureaucracy.” http://www.globalpost.com/dispatch/news/regions/africa/somalia/121028/somalia-kismayo-al-shabaab-un-charcoal-embargo. October 29h, 2012. WEB. Accessed 29th, 2012.
[3] Office of the Somali President .“Statement by Somali President on the Charcoal Export at Kismayo Port” . Ocotber 28th, 2012. WEB. Accessed on 29th of October, 2012.
 






Baydhabo

Bardaale, guriga gudoomiyaha dagmada Bardaale oo ay weerareen dad rumaysanyahay inay ka tirsanyihiin ciidanka Shabaabka[1].  Dad waxaa jira u  turjuma erayga Ingiriisiga ah ee fighter, dagaalyahan, sax ma aha ma arintaas, bacdina ku tilmaama Shebaabka. Erayga fighte erayga u dhigma waa dagaale, ee ma aha dagaalyahan, dagaalyah wuxuu la midyahay dhaqaaloyahan iwm, waa xirgad la barto. Ma jiraan aqoon ama tabobar ay dheeryihiin ciidanka Dowladda. Marka sax ma aha in la dhaho dagaalyahanada Shebaabka.

Waxaa xusid mudan inaan warkana laga baafin idaacada BBCda iyo VOAda, laamahooda af-Soomaaliga.

Si walba ha noqotee afhayeen u hadlay, sday warisay Hiiraan, ayaa sheegay in labo askari uga dhimatay dagaalka, meesha  saddex kalena ugua dhaawacantay.

Isla Hiirana waxay soo warisay in dad goobjoog ah arkeen maydka labo askari oo ka tirsan kuwo shabaabka. Waxay kaloo shabakadda sheegtay inay jireen dhaawacyo kala duwan  oo saa gaaray ciidanka Shabaabka, laakiin ma magacdhabin.

Abwaan Soomaaliyeed oo la dhaho Warsame Shire Cawaale, oo shaqaynaayay idaacadda Kulmiye, qaybteeda majaajilada, aa maanta lagu dilay Dagmada Waaberi, Banadir[2].  Abwaanka wuxuu curiyay sugaan badan.

 

 

 



[1] Maxamed Xaji Xussen, “Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale” Shabakad. Oktober 29, 2012.  http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta29-19737.htm Waxana furtay 29kii Oktober, 2012.
 
[2] Abdullahi Osman Farax "Raafac" “Abwaan Warsame Shire Cawaale oo caawa lagu dilay Muqdisho”. Shabakad. Waxan furtay 29kii Oktober, 2012. http://soomaalidamaanta.com/deg-deg-abwaan-warsame-shire-cawaale-oo-caawa-lagu-dilay-muqdisho/ .  Dayniile maanta, 29kii bisha Oktober, 2012,  waxay warisay in askari ka tirsan kuwa Dowlada maant lagu dilay Dagmada danwadaagta,  oo ka tirsan wadajir, ayna dileen ciidan ka tirsan kuwo Dowladda. Dayniile, waxay soo warisay, islamaanta, 29ka bisha oktober, 2012,  warar sheegaaya askariga inuu faraha kula jiray  falal tuuganimo. Isla maanta shabakadda Dayniile waxay soo warisay nin loo qabtay dilkii Wariye Tuuryare. Warkaan ma aha war ay baafiyeen shabakadaha kale ee gudaha iyo dibadda.

Sunday, October 28, 2012

Reports of Somalia, Akhbaartii Axadda, 28, 2012.


At least four soldiers, including, General Mohamed  Ibrahim Farah, head of Somali army division have been killed in Lower Shabelle region, as reported by BBC Somali Service, in its world today program[1]. 

The battle started when members of Shebab have attacked the convoy while it was travelling towards Mogadishu, Shebab members have also sustained some casualties, as claimed by the chairman of LG.

The dead body of a person accused of lobbing a grenade into police station in Yakhsid district, Mogadishu, was shown today to the media in Mogadishu[2].

A civilian was also reported to have died from gun shots sustained as a result of refusing to stop when armed officers of Raskamboni militia in Kismaayo, Lower Jubba region, LJ, asked him to do so. This report was filled only by Dayniile, as far I can ascertain[3].

A member of Somali National Security Agency, NSSA was killed in Dayniile district, Mogadishu, as reported by Dayniile.com; Garbooje, as he was known, was previously the commander of Shebab army in Elasha Biyaha, Lower Shabelle region, as reported by Dayniile. The site claims he was killed by Somali Security forces[4].

Dayniile and BBC Somali service, in its world and today program, reported a fighting which took place between Afmadow and Kismayo, between Shebab and Somali government army assisted by those of African Union Mission in Somalia, AMISOM. The fighting started when Shebab elements have staged road ambush. No further information was availed.[5]

Eight people have died today in Somalia, including a journalist I reported yesterday, but who died because of the gun shots he sustained earlier, for various reasons, whereas more than that number were wounded.




[1]  “Afar askari oo lagu dilay Marka”.  BBCda laanta Af-Soomaaliga, oktober 28, 2012, Wxaan furtay maanta oo ah 28ka bi http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htmsha Oktober, 2012.
[2] Maxamed Xaji Xussein.“Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan”Hiiraan.com.  Shabakad. Oktober 28, 2012.  http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htm
[3] Tafatiraha Dayniile. “Xoogaga Raaskambooni oo nin rayid ah ku toogtay xaafado ka tirsan Kismaayo, xili ay howlgalo ka wadeen” Dayniile.com, oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore. 
[4] Tafatiraha Dayniile. “Saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga iyo nabad sugida oo lagu kala dilay gobolada Banaadir iyo Sh/hoose” Dayniile.com, oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore. 
[5] Tafatiraha Dayniile. “Kolonyo ay la socdeen ciidamada huwanta oo lagu weeraray wadada isku xirta Kismaayo iyo AfmadowDayniile.com”. oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore. 


Warka idaacada BBCda labo wax si ka yihiin.  
Marka hore wuxuu leeyahay askaraa lagu dilay Marka, cinwaanka, waxaa ku galaysa ma magaalada marka aa askar lagu dilay,  haddana waxaad baranaysaa markaaad akhrisid ka dib in askarta ay ku dhintaan dagaal ka dhacay banaanka magaalada[1].

Haddana wuxuu leeyahay ugu yaraan afar askari aa ku dhimatay dagaal dhex maray Shebaab iyo ciidanka Dowaladda Soomaaliya, askartaas oo uu ku jiray taliyihii guutada shanaad ee ciidanak xoogga dalka Soomaaliya, S/G Maxamed Farax Ibrahim Gordon.

Laakiin markuu ka hadlaayo inta ka dhimatay ama ka dhaawacantay Shebaabka wuxuu leeyahay waxaa saas sheegay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, ee ma dhihin intaas aa ka dhimatay.  
Sidoo kale ma sheegin hubka ay isticmaaleen Dowladda, meesha uu sheegya hubka ay isticmaaleen Shebaabka, rasaas iyo baasuukayaal. 

Wariyahaan si fiican wax ha u sheego, saasaa fiican.

Idaacada dunida iyo maanta, waxay heshay warbixin uu soo diray Ibrahim Maxamed Adan, wariyaha BBCda ee Muqdisho.Wuxuu sheegay in ciidanak Dowladda loo galay meel u dhow Ceel wareegow, ama ceel caafimaad, oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kaloo maanta ku shiray Garoowe, barlamaanka Buntland, si uu ansixiyo miisaaniyadda sanadka soo socda.

Shabakaha Soomalaida oo baafiyay qof la dilay asagoo tuuraaya bambo gacmeed,  Xaafada Towfiiq, ee dagmada Yaakhsiid[2].

Dayniile.com waxay soo warisay sarkaal ka tirsan nabadusigga Soomaliya, oo horay uga tirsanaan jiray xarakada Shabaabka, ahaana taliyihii  ciidanka Shebaab ee Ceelasha Biyaha[3], in maanta lagu dilay dagmada Dayniile, ee gobolka Banadir.  Waxaana dilay ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, say Dayniile sheegtay. Sarkaalkaan aa lagu magacaabi jiray Garboojo.
Isla maanta dayniile waxay soo warisay in qof rayid ah lagu dilay magaalada Kismaayo, oo ay dileen ciidanka Raskaambooni, ka dib markuu ka dhago adaygay inuu amarkooda qaato[4].

Isla dayniile waxay soo warisay in dagaal u ka dhacay inta u dhaxaysa Afmadow iyo Kismaayo, kasoo u dhaxeeyay Shabaabka iyo ciidamad huwanta ah[5]. Isla warkaan waxaa sheegay idaacada BBCda laanteeda Af-Soomaaliga ah, maanta oo taariikhda ahayd 28kii bisha, 2012.



[1]  “Afar askari oo lagu dilay Marka”.  BBCda laanta Af-Soomaaliga, oktober 28, 2012, Wxaan furtay maanta oo ah 28ka bi http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htmsha Oktober, 2012.
[2] Maxamed Xaji Xussein.“Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan”Hiiraan.com.  Shabakad. Oktober 28, 2012.  http://www.hiiraan.com/news/2012/Oct/wararka_maanta28-19716.htm
 
[3] Tafatiraha Dayniile. “Saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga iyo nabad sugida oo lagu kala dilay gobolada Banaadir iyo Sh/hoose” Dayniile.com, oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore.  
[4] Tafatiraha Dayniile. “Xoogaga Raaskambooni oo nin rayid ah ku toogtay xaafado ka tirsan Kismaayo, xili ay howlgalo ka wadeen” Dayniile.com, oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore. 
[5] Tafatiraha Dayniile. “Kolonyo ay la socdeen ciidamada huwanta oo lagu weeraray wadada isku xirta Kismaayo iyo AfmadowDayniile.com”. oktober 28, 2012.  Waxaan furtay isla taariikhdaan hore.