Saturday, March 8, 2014

Warar iyo Faalo: News and Analysis

1- Xarakada Shebaabka oo dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan Gedo iyo Bakool laga saaray; waxaa ka saaray ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM, howllaha midowga Afrika ee Soomaaliya.
2- Qofka garwaaqsiga inuu ka tago ma aha, si walboy arinta u xumaato; waayo waxa kalifaaya guusha waa garta; waxaan gar ahayn waa burburraayaan.
2- Golaha wasiirada, ama golaha la cusleeyayaasha, aa maanta isku raacay qorshe canshuur ururin qabanaaya wadanka oo dhan ku saabsan mid toosan iyo mid dadbabn; warka rasmiga ah ee ka soo baxay golaha wasiirada ma sheegin arimaha canshuuraha dakadaha iyo dayuuro dageenada; tusaale dakadda Xamar 85 boqolkiisa hantida ka soo xaroota waxaa qaata Dowladda Federaaalka, bacdina waxay ku bixisaa howlaha federaalka, meesha dakadaha iyo dayuuro dageenada wadanka wixii ka soo baxay ay ku noqdaan isla meelahaas; tan caddaalo ma aha; marka waa in la saxaa; caddaalo aa loo baahanyahay; dadka Xamar ku dhaqana waxaas inay aqbalaan arin fiican ma aha. Dowladda Federaalka dadkay ka dhaxaysaa hala wada biisho waa war fiican; waxa kale wax la fahmi karo ma aha. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa la haray hogaamiyayaal magacooda wax ku helaaya, bacdina aad u malaysid inay dantooda dan ka lahayn, ayagana waxaad malaysaa inay dantooda dan ka lahayn, waa kuwii danta lahaa. Waa maxaa iga galay.
3- Xamar waa caasimaddii wadanka, marka wixii ka soo baxa waa lawada leeyahay, waxa kalena qolo walba ay gaar u tahay taas caddaalad ma aha. Dakadaha iyo dayuuro dageenada oo dhan waa lawada leeyahay, waa war saxa ah.


1- Shebab suffers string of military defeats in the hands Somalia's security forces and Ethiopian army operating under the banner of African Union Mission in Somalia; four districts were lost by Shebab located in Gedo and Bakool regions.
2- Somalia's council of ministers have endorsed new taxation system for Somalia aimed at increasing the revenue of the government to carry out its mandated tasks.

No comments:

Post a Comment