Yaa ka masuul ah qaraxyada ka dhaca xaafadda Islii ee Nayrobi, iyo guud ahaan wadanka Kenya; Jawaabta rasmiga ah su'aashaan waxay u baahantay baaritaan iyo udurus miyir ku jiro. Wali ma jiraan wax noocaan ah oo laga diyaariyay.
Haddana waxaa jira in xarakada Shabaabka ay sheegtay inay damacsantahay inay qaraxyo ka fuliso wadanka Kenya; dad loo qabqabtayna waa jireen oo la xiriiriyay Shabaabka. Ujeedkana wuxuu ahaa, siday xarakada sheegatay inay ku qanciso wadanka Kenya in ciidamadooda ay kala baxaan koonfurta wadanka Soomaaliya.
Sidaas darteed, in wixii dhacaba dusha laga saaro waa mid meesha ku jirta maadaama ay dan u tahay, kuna dhiirigalinayso inay Kenya kala baxdo ciidamadeeda wadanka Soomaaliya.
Haddana saas oy tahay waxaa jira hirar kale oo ka jira wadanka Kenya sida tuugo rabta inay boobto hantida faraha badan ee taala Islii; xaafadaha Islii ku dhagan qaarkood waxaa dagan dad aa faqri u ah oo indhaha ku haaya inay mar un boobaan hantida taala Islii. Waa macquul, wax caddany ah looma haayo, inay ayagana qayb ka yihiin qaraxyada dhacaaya, si la iskugu dhaco, bacdina tiro badan ay ugu soo weeraraan Islii, bacdina jabsadaan dukaamada bacdina ka maalaystaan boobka. Tan marka waxaa la dhihi karaa waa sababaha dhaqaalaha qaraxyada ka dhaca Islii.
Waxaa kaloo jirta kooxo raba kursiga Kamakuji, kursiga Yusuf Xassan, oo ayagana laleeyahay waxay rabaan inay Islii kursigeeda helaan, Yusufna uu ka hortaaganyahay.

No comments:
Post a Comment