Sunday, December 2, 2012

Qaybo ka Mid ah Horayumarkii Dhacay Isbuucaan ee Soomaaliya


Waxaa hoos dhac ku yimid howlihii Shabaabka ay ka wadeen wadanka Soomaaliya saddexdii isbuuc ee la soo dhaafay; arimahaan waxaa loo fasari karaa siyaabo badan ha ugu waynaatee, howlgalada ka dhanka ah ay wadaan ciidanka nabadsugidda qaranka iyo kuwa gobolada, sida Banadir, Hiiraan, Mudug, Jubada Hoose, Bay iyo Bakool, shiidnimada Shabaabkana waa mid kale.

Waxaa xusid mudan in mar dhow xadka ay ka tilaabi doonaan ciidanka wadanka Itoobiya ee jooga Hiiraan, masiirkaas oo kale aa sugaaya kuwooda kale ee jooga Gedo, Bay iyo Bakool.
Tabarro iyo qalabayn aa ku socota ciidanka wadanka Soomaaliya oy wadaan Soomaalida iyo dalal kale sida Turkiga.

Madaxa nabadsugidda gobolka Banadir, oo la hadlaayay warfaafinta Xamar, 23kii bisha Nofember, 2012,  ka bacdi howgal ay sameeyeen, wuxuu sheegay in laga war helay xayn Shabaab ah oo is abaabulaysay si u weeraraan goobaha Dowladda ee gobolka Banadir; wuxuu soo bandhigay maydka nin madax u ahaa kooxdaas oo iska horimaad ku dhintay, hub farobadan iyo askar nool oo la soo qabtay, gaaraysana 16; askartaan waxaa la soo hor joojiyay warbaahinta.
Hoolgaladaan waa sii socdeen lidka ku ah kuwa caadaystay inay dadka dilaan, dhaawacaan ama hanti burburiyaan si ay u gaaraan ahdaaftooda foosha xun, oo ah inay dalkaan xoog ku qabsadaan, ayagoo leh waxaan hirgalinaynaa shareecada Islaamka.Waa eray fiican oo looga dan leeyahay wax iska burburaaya, kaligii talisnimo.

Madaxa nabadsugidda ee gobolka Banadir wuxuu sheegay in howshaan ay ka saacideen dadka nabadda jecel ee ku dhaqan gobolka.
Magaalada Muqdisho 26kii bisha nofember waxaa si xor ah ugu shiray ururo ka tirsan kuwa bulshada ee gobolka Banadir, kuwaasoo dadka kuu dhiiri galiyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo ciribtiro kuwa dhibka ku haaya dadka.

Waxaa lala socodsiinaa ururada bulshada meelaha ay ku shiraayaan inay ammaankooda adkeeyaan, bacdamaa Shabaabka ay naf la caari joogaan, ayna ogyihiin haddii ay kororto wada shaqaynta shacabka iyo ciidanka inay meesha ka baxaayaan.
Maxaa dhacay dheh, horay ugu jabeen dagaalkii fool ka foolka ahaa, bacdi hadday wadi waayaan kan dhuumaalaysiga, waa ciribtirmaayaan. Wax kale uma harin. Marka isilaaliya.

Waxaa kaloo dhacday isbuucyadaan in la soo qabto kuwo faraha kula jira dhibka shicibka, sida dilka iyo bambo tuurowga lagu tuuraayo goobaha shicibka sida maqaayadaha. Marka iyo Baladwayne waxaaa ka dhacay isbuucaan in la soo qabtay kuwo dilay oday dhaqameed caan ah iyo mid tuuray bambo gacmeed, oo la dhaawacay, bacdina cisbitaalka la geeyay.

Walow la soo wariyay in dad shicib ah la dilay, ayadoo shabakadaha qaarkood ay sheegaayaan in loo dilay aano, bacdama lagu tuhmaayay dilkii odayga caanka ka ahaa Hiiraan, ee dhawaan la dilay.

Arintaan kuwii falay waaa in sharciga la horgeeyaa; waayo, Shabaab waa in sharciga lagula dagaalaa; haddii kale, dad shicib ah haddii la iska dilo ayadoon maxkamad la saarin, ciil aa galaaya, bacdina waxay baadi goobaayaan qaab ay ku aarsan karaan, xattaa waxay galaayaan Shabaab si ay u aarsadaan. Marka falkii la rabay in lagu soo dhameeyo dhibka Shabaabka, wuxuu dhalaa Shabaab cusub. Marka sharciga ha la ismarsiiyo si dhibka u dhamaado.

Isbaarooyinkii magaalada yaalay waa laga qaaday. Arintaan waa in la bogaadiyaa. Waa tilaabo horay looqaaday. Waxaana ammaan mudan dadkii ka shaqeeyay. Dowlad ma jirto hadday ammaanka dalka xaqiijin karin, ammaan lama sugi karo haddi aan lacag la hayn.
Dowladdaa looga fadhiyaa lacagta soo gasha inay galiso ammaanka muwaadiniinta Soomaaliya, si bacdi ay u hesho taageeradooda, taasoo sahlaysa in Shabaabka laga adkaado, dalkana uu noqdo ammaan taam ah.
Arintaan waxay sahlaysaa in shicibka aayahooda ka tashado, bacdina go'aansadaan masiirkooda.
Isha Somaliweyn.

No comments:

Post a Comment