Wednesday, March 19, 2014

Warar iyo Faalo; News and Comments.

Oday waayeel ah loo sheegay inuu isku qarxiyay Buulo Barde; DFS waxaa fiicnaan lahayd inay soo bandhigto magacyada dadka isqarxiya deegaanada ay ka yimaadaan; si loo ogaado dadkaas waxya tabanaayaan oo ku kalifaaya inay isqarxiyaan? Xarakada waa sheegtaa mararka qaarkood. Hadday leeyihiin shisheeye aa dalka qabsan raba, waa wax laga wada hadli rabo, laakiin maxay leeyihiin marka la dhaho war xagjirayaashaan aad rabtiin wadanka oo dhan inay qabsadaan, bacdina dhahaan waqtigeedii aa la gaaray? Xor inaad ahaatiin ma rabtiin miyaa? Ma aragtiin miyaa Axmed Godane iyo kooxdiisa waxay wadaan? Maxaa hal dhinac wax idinka tusay?

Warka dadka meesha lagu dilay waxay u badnaayeen reer Hiiraan raba inay gobolkooda aayihiisa ka tashadaan, iyo Jibuutiyaan garab u aha. Meesha Itoobiyaan ma joogin. Marka ma Soomaali aa lagu jihaadaa rabta inay deeganadooda u tashadaan?

Warar waxaa jira sheegaaya in ciidanka DFS iyo AMISOM, MASH, inay gacanta ku dhigeen Fiidow, oo xadka isku xira goblalada shabeelaha DHexe iyo Hiiraan. Marka arintaan, hadday jirto, waxay kala jaraysaa Shebaabka gobolada dhexe jooga iyo koonfurta wadanka kala jooga.

Shebab reports an older man, in his 60s, left Norway to blow himself up in Hiiraan region, killing Somali and Djibouti-an forces who are part of African Union Mission in Somalia.

The most of the dead and wounded were Somalis or Djibouti-ans; the elder thinks he can go to heaven by killing Somalis from Hiiraan working to determine the fate of their region, a misguided elder.

Somali government the world is workng to support people in the areas liberated from the extremist gorup, Shebab.

Some reports suggest SNA and AMISOM have managed to take over Fiidow, a locality that links Hiiraan and Middle Shabelle region. If true, then this effectively separates Shebabs in central Somalia from those in southern part of Somalia.

Qaybtii Afaraad ee Faalaynta Warbixinta Kooxda Kuurkalka

Kormeerkii Xalane kooxda kuurgalka waxay ku ogaatay inay meesha yaaleen hub iyo rasaas ka yimid dalalka Jibuuti iyo Yuganda, kuwaasoo la keenay wadanka ka hor intaan la dhamaystirin dhismaha xarunta sahayda ciidamada ee Xalane. Intee yaaleen hubkaan iyo rasaastaan ka hor intaan Xalane la keenin?  Waa su’aal meesha ku jirta?

Warbixinta kooxda oo lagu soo bandhigay miis, waxaa ugu muhiimsan arimahaan; 1) kun qori oo AK ah oo ka yimid Yuganda; 2) ilaa saddex boqol oo kun oo rasaas ah  ka timid Jibuuti; 3)  shan boqol iyo lixdan qori oo AKM ah, waa AK casriyaysan, iyo sideed boqol oo khasnadood lagu ridi karo qorigaan; 4) ilaa sideed boqol oo bambooyinka gacanta lagu tuuro ah ka timid Jibuuti.

Hubkaan lagu xusay miiskaan ma oolin Xalane, marka laga reebo ilaa 29 PKM, oo ah boobe culus;. Waxaa macquul ah inay yaalaan xarumaha kale ee kaydka DFS, kuwaas oy kooxda tagin.
Waxaa xusid mudan in kooxda sheegtay inay horayumarisay khusayn saaid ah  oo khusaysa in kun qori oo ah AK-47 oo ka yimid Yuganda inay ka baxeen gacanta DFS. Arinaan kooxda waxay sheegtay inay si faahfaasan uga hadli doonto.

FG, sidaad ka arkaysid meeshaan, adoo fiirinaayaa faahfaahsanaanta warka kooxda kuurgalka, waxaa kuu caddaanaysa in qoladaan howshooda qabsadeen. DFS jawaabteeda waxay ahayd inay saas oo kale tahay, oo laga arko inay yihiin dad howshooda qabsaday. Laakiin illaa hadda ma haayo jawaab faahfaahsan oy DFS ka bixisay arintaan. Waxaa kaloo arintaan ka baranaysaa in Dowladnimada inay u baahantahay shaqo si raysa loo qabsaday, haddii kale Dowladnimo ma jirto.

Kooxda waxaa lagu wargaliyay hub iyo rasaas wadanka yimid 29kii Luuliyo, 2013, oo laga soo iibsaday wadanka Itoobiya; wargalinta waxa lagu sheegay waa ka badanyihiin waxa laga diiwaan galiyay Xalane; waxaa jirta ay tiri kooxda in arintaan ay ku socoto baaritaan; waxaa kaloo jirta in Itoobiya ay wada keenin hubkii iyo rasaastii laga gatay maxaa dhacay dheh waxaa jirtay dayuurad ku gubatay dayuuro dageenka Xamar agoosto, 2013kii.

Kooxda waxay heshay liis sheegaaya hubka iyo rasaasta laga soo raray wadamada Itoobiya iyo Jibuuti oo la keenay wadanka Soomaaliya; liiskaas oo ku mudaysan aminta markay ahayd oktober 3, 2013, waxaa ugu muhiimsan waxa ku quran sidaan; 1) saddex malyan oo rasaas ah oo ka timid Itoobiya, Xalane waxaa laga diiwaan galiyay wax ka yar labo malyan, inta kale aaway waa su’aal DFS u taala; 2) AK nooca loo yaqaan PAR oo dhan saddex kun iyo shan boqol, 3, 500, oo laga keenay wadanka Itoobiya, Xalane waxaa laga diiwaan galiyay wax ka yar labo kun iyo sideed boqol, 2,800; 3)  AK kale oo dhan kun qori, Xalane waxaa laga diiwaan galiyay wax ka yar todobo boqol, 700. Arimo badan oo noocaan ah aa meesha lagu tixay.

The monitoring group has learned the weapons and ammunition in Halena logistical base of SNA were brought to the country before the construction of this logistical base was completed, suggesting the relevant equipment were transported from another warehouse. This point, however, was not pursued.

 
The monitoring group has provided a table indicating consisting of exported military hardware, notified hardware and the hardware that has been logged in Halene logistical base of SNA. The table notes one thousand AK-47 were imported from Uganda by Somalia as well as about three hundred thousand ammunition from Djibouti and things of that nature.  All except one of the imported military hardware was not logged at Halane; it is possible that they were logged elsewhere, the group notes.

 
The monitoring group seems to suspect that the thousand AK-47 imported from Uganda may have fallen into hands of actors outside Somalia’ National Security Forces. The Monitoring Group will discuss this matter later in more details.

 
As you can see the monitoring group provides details and suggests that it takes its work seriously. This is something we Somalis ought to learn. We ought to do our work with due diligence. This particularly applies to the employees of the Somali government. The response to such details ought to be detailed as this report is and ought to suggest more reasonable and prudent approach.

 
The monitoring group notes weapons and ammunition were purchased by Somalia from Ethiopia on 29th of July, 2013; The weapons and ammunition logged in Halane, appear to be smaller than what has been purchased. The group thinks this may be due to an Ethiopian military airline that exploded around Mogadishu International airport in August, 2013. In other words, the military hardware purchased was not delivered to Somalia. In any case, the monitoring group is investigating the matter.


Tuesday, March 18, 2014

Warbixin iyo Falanqayn: News and Analysis of Somalia

Hoteel ku yaala Buulo Barde, dagmo ka tirsan gobolka Hiiraan, oo istaraatiiji, sababtoo ah waxay isku xirtaa gobolo badan oo ka tirsan wadanka Soomaaliya, waxaana ku yaala buundo kor marta wabiga Shabeelle, waxaa weeraray xalay ciidan ka tirsan kuwa xarakada Shebaabka.

Wararka badankood waxay sheegaayaan xarakada inay ku guulaysatay in disho askar Soomaali ah iyo Jibuutiyaan ah, uu ka mid yahay taliyihii ciidanka gobolka Hiiraan, G/D Maxamud Amiin. Warar kala gadisan aa meesha ka soo baxaaya qaar waxay leeyihiin gedigood waa la dilay, qaarna waxay leeyihiin ayagoo nool aa la qabtay, qaar kalena waxay leeyihiin ayagoo nool ay meesha ka tageen, maydkoodana horay ay u sii qaateen. MASH ama AMISOM iyo DFS inay sawirkooda banaanka keenaan ay ahayd si warka u caddaado, hadday warkay sheegaayaan uu run yahay.


Reer Hiiraan iyo guud ahaan Soomaalida rabta inay aayahooda ka tashadaan ayagoo xor ka ah, cid walba, uu ugu horeeyo ninka afka duubtay oo dhimanaaya, sida muuqata, dalkaan inuu Axmed Godane iyo kooxdiisa xoog ku qabsadaan, AMISOM meesha sharci ay ku joogtaa, haba qaab darnaadee, waa inay naf iyo maal u huraan, ama diyaar u noqdaan wuxuu Godane iyo kooxdiisa la damacsanyihiin wadanka.


Taliyaha Dawaawista Buntland oo la dilay, oo howlo ka waday buuraha Golis.
Ciidan ahaan iyo siyaaso ahaan waa in loo midoobaa ninka raba inuu idin khasbo, hadduu qabosho leeyahaye, ama xeero iyo fandhaal kala dhacday hala kalo ordo.

Shebab have claimed the responsibility of attack on Somali government and allies compound  in Buulo Barde, a strategic town recently liberated from the hands of extremist group.

There is conflicting reports regarding the casualties of the attack. Most agree, including official ones that Djiboutian and Somali soldiers were killed and wounded in the attack. Some if not all of the attackers were also reported to have been killed, even though some reports suggest some of the attackers escaped. Most international news agencies did not talk about the casualties sustained by Shebab.
The extremist organization which aims to take Somalia by force and impose itself upon the people of Somalia, have suffered serious of defeats in the hands of its opponents. This happens in the context of lack of popular support due to its commitment to take over Somalia by force, not to mention to its other excess, dagut. The organization recognizes no system of political succession, so that whoever rules now will do so until he dies or something of that nature.
Somali people ought to sacrifice lives and properties to remain free from this tyrannical group, as to AMISOM, it is in the country through legal fashion, and its mandate ends, it would have leave. If some of AMISOM actors choose to impose themselves on Somalia, as Shebab is trying to do, Somalis would have also do the same, sacrifice lives and properties to make Somalia peaceful and free.
It is also incumbent upon all Somalis to develop counter ideology that justifies sacrifices to assure peace and liberty for all Somalis.Shebab has posed serious challenge to all Somalis: we are willing to sacrifice our lives and properties for  our desire to take Somalia by force, can you?

The system has already been developed: let the people choose their fate through the ballot box. So, re-double the efforts of giving back power to the ordinary people; let them decide their fate, by choosing their leaders and what is important to them and let them defend it from all.

Qaybta Saddexaad ee Odoroska Warbixinta Kooxda Kuurgalka


Kooxda kuurgalka waxaa laga codsaday, sida uu sheegaayo qaybta 41aad ee go’aanka 2093 ( 2013), inay ka soo warbixiso awoodda ay u leedahay inay u kuurgasho hubka, qalabka ciidamada iyo taageerada la siiyo Soomaaliya.  Go’aankaan, waxaa xusid mudan, waa isla go’aanka ka khafiifiyay Soomaaliya cunaqabataynta hubka.

Kooxda intay ku jirtay howsha loo igmaday waxay sheegtay in la kulantay dhibaatooyin; labo ay markaan ka xustay; a) kooxda waa awoodi waysay inay gasho bakhaarada Ciidanka Qaranka ee Soomaalida, CXDS; b) kooxda si saboolbimo ah aa loogu wargaliyay ama ma looga wargalin hubka ka yimid dalalka qaybta ka ah howsha Midowga Afrika ee Soomaaliya, MASH.

 
Kooxda Kuurgalka waxay isticmaashay khayraadkeeda si ay u ogaato xaaladda bakhaarada ciidamda qaranka Soomaaliya; waxay kaloo isticmaashay khayraadkeeda si ay u ogaato in hubka la keenay wadanka inay meeshaan soo mareen markay wadanka soo galeen.

 
DFS waxay dhamaysay dhismaha bakhaar ku yaala Xalane, oo ah aag ay nabadiisa sugaan MASH, ama AMISOM, oo u dhow dayuuro dageenka caalamiga ah aa Muqdisho.Meeshaan waa xarunta rasmiga ah ee sahayda ama saadka ciidanka qaranka Soomaaliya.

 
Ka hor inta Xalane ay noqon xarunta rasmiga ah ee sahayda ciidamada, DFS waxay isticmaali jirtay Wasaaradda Gaashaandigga, Villa Baydhabo iyo Villa Soomaaliya, oo geddigood ku yaalla Muqdisho.

 

Janaayo 23keedii, 2014, ay balanta ahayd in meelahaas la kormeero, arintaan waxaa yiri ma dhacayso nin la taliya u ah Madaxwaynaha JFS. Marka meesha kooxda kuurgalka ay kormeereen waa Xalane kaliya.


The monitoring group has been requested to report on its ability to monitor three things: delivery of weapons, military equipment and assistance given to Somalia.

During the course of its mandated task, the monitoring group claims it has experienced difficulties. At this time, it mentions two of these difficulties; a) lack of access to Somali National Army, SNA armories; b) un-notified or poorly notified weapons delivery to Somalia by states participating in the African Union Mission in Somalia, AMISOM.

The monitoring used its own resources to establish two things; a) the status of the armories of Somali National Army; b) it has also used its resources to establish if weapons imported to Somalia were first stored in these armories as they entered the country.

 
FGS has recently finished, we learn, the construction of its official logical base of SNA in Halane, an area located around the Mogadishu International airport, secured by AMISOM.

The monitoring group has identified three armories FGS used before Halane was constructed in 2013; these are former defense ministry, Villa Baidoa (this armory was, according to the monitoring group, the main military logistical base of SNA) and Villa Somalia, the seat of the presidency of Somalia. January 23rd of this year was the day of inspection for these areas, as agreed; however, an advisor to the president cancelled this inspection. As such, according to the monitoring group, only Halane was inspected.

Monday, March 17, 2014

Warar iyo u Kuurgal, News and Analysis of Somalia

Askari la sheegay in lagu dilay Xaafadda Shibis, khaasatan meel u dhow isgoyksa Maanobolyo. Baarit aa arintaan ku socota arintaan.

Deegaan la dhaho Buur Aylo oo soo xigta dhankaan Buur Hakaba, oo la sheegay in laga saaray xarakada Shebaabka;

Mid ka mid ah baalayaasha ku baxa oraxda oo miino lagu qarxiyay.

Dad looga shakisanyahay Shebaabnimo iyo hubkooda oo lagu soo bandhigay magaalada Xamar, xarunta wadanka Soomaaliya.
Warar aan la xaqiijin aa sheegaaya in israsaasayn ay ka dhacday dagmooyinka Heliwa iyo Yaakhsiid, oo ka tirsan Gobolka Banadir; israsaasayntaan a aa la sheegay inay dhexmartay Ciidanka DFS, AMISOM iyo Shebaab.

Maxkmadda qalabka sida ee Xamar askar ay xukuntaa, inta badan, hal Shebab ay xukuntay, inta ay banaanka la timid, inta kale waa askar, wallow dambiga wadanka ka dhaca badankiis ay galaan Shebaab. Arintaan ma aha arin si fiican loo fahmi karo. Sawirka soo baxaaya waa Dowlad u daran askarteeda, u roon Shebaabka; la yaab ma leh marka in Shebaab meesha howlo ka wado.

Gobalada kale, Sida Buntland iyo Somaliland, ama si toos ah aa la isku soo doortaa, sida Somaliland, ama si dadban, sida Butnland, meesha Xamar, wali cidda ku xukumaysa ay doorato ninka madaxda ka ah wadanka.

Labadaan arin waa isku xiran yihiin; dadka markay wax badan talada ku lahayn, waxaa dhacaysa inay dan galin; waxaa dhacaysa inay waayaan kan loo magacaabay cid la xisaabtanta; marka ammaanka hadduu faraha ka baxo cid loo qabto ma jirto. Marka golihii deegaanka ee gobolka Banadir hala soo nooleeyo, oo la sameeyay xiligii Nuur Cadde sharciyad uu leeyahay, laakiin isla kuwii yaan la soo celin, kuwo dadka magaalada ku dhaqan hala yagleelo, bacdina ayaga hala xisaabtameen maamulka gobolka.

Unconfirmed reports report fighting between the government and its allies on one side and Shebab on the other have taken place in Heliwa and Yakhshid districts of Mogadishu.

Banadir local government officer was killed in Shebis, around Maanobolyo intersection, as reported by many sites.

An area around Buur Aylo in Bay region, close to Buur Hakaba was takan over from Shebab by the Somali government and its allies. This is part of general offensive against Shebab going on in full swing. Shebab is losing many towns.

One of the solar lighted street lights in Mogadishu was destroyed after using some explosive stuff.

Numerous suspected people of Shebab with their weapons were apprehended in Mogadishu.

A military court in Puntland region of Somalia sentenced 8 people on jail terms, 20 years each. The convicts were said to have been involved in political violence in Somalia.

The military court in Mogadishu sentences and executes soldiers of the government not Shebab, save one person for almost a year now. While the military court in Puntland courts people suspected of Shebab. This author was not able to explain this phenomena.

In Hiiraan and Bay region, Shebab activities was almost reduced to zero due to lawful prosecution of Shebab agents. Mogadishu must do the same if it wants its residents to enjoy a relative peace.

Mogadishu also lags behind other regions in terms of its leaders still coming and going as wished by whoever is heading the country, and less so by more broad based representatives of relevant communities.

Qaybtii labaad oo labo afle ah ee warbixinta Kooxda Kuurgalka


Kooxda Diiwaangalinta ama u kuur galidda waxay aqoonsadeen mawaadiic iyo arimo khuseeya oo ku saabsan maaraynta hadda ee keydka hubka iyo rasaasata, kuwaasoo farta ku fiiqaaya heer sare oo joogto ah oo ujeedo xun u isticmaalaaya maaraynta iyo qaybinta hubka iyo rasaasta. 

Kooxda diiwaan-kuurgalka waxay qiimaynaysaa in si ku filan sahayda qaybta 9aad ee go’aanka tirsigiisa yahay 2111 (2013) loo yeelin, ayadoo la ixtiraamaayo soo warinta qaab dhismeedka ciidanka, habdhismeedka sahayda iyo qaabka xakamayanta hubka.

 

Qaabka soo warinta hubka la keenay wadanka ma aha mid si ku filan loo faahfaahiyay arintaan waxay ku keentay ku dhiiro halis ah awoodda kooxda ay u leedahay inay diiwaan-kuurgalid ku samayso weecinta hubka ayadoo ay jirto inay DFS kula heshiisay kooxda inay qayb ka tusto keydkeeda hubka iyo rasaasta.

 

The monitoring group has identified what they call issues and concerns concerning the management of weapons and ammunition stockpiles of Federal Government of Somalia; such concerns point towards high level and systematic use of the management and distribution of weapons and ammunition for bad ends.

 
The monitoring group has assessed that FGS did not comply sufficiently with paragraph 9 provisions of 2111 (2013) resolution, in respect to reporting its military structure, logistical infrastructure and arms control procedure.


The monitoring group claims that two factors pose serious challenge to their ability to monitor diversion of weapons; first, notification procedures for weapons delivery  of weapons to Somalia, they say, insufficiently detailed; what the group means by notification procedures is not clear; by notification procedures, I think, they mean how FGS will notify them if weapons were to be delivered to Somalia; second, FGS did not agree to visibility of its stockpiles by monitoring group, bur rather it has agreed with a partial visibility.

Sunday, March 16, 2014

Warbixin iyo Falanqayn: News and Analysis


 Ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa DFS aa maanta gacanta ku dhigay dagmada Warsheekh, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
DF oo codsatay in gargaar lala gaaro dadka wax ku noqday meelaha laga saaray xarakada Shebaabka; arintaan waa arin fiican laakiin waxaa ka sii fiican DFS inay meesha ayada gargaar gayso;markay wax qabsadaan, aa wax lala qaban karaa.
Maamulkaan la yairi waxaa loo dhisay labada Shabeelle waxa haboon in lagu daro qaybo ka mid ah bariga Galgaduud, sida Ceeldheer, Galcad iwm. Sidaas oo kale maamulkaan waa inuu xarun dhistaa, gole deegaan iwm. Bacdina aqoonsi ka raadsadaa DFS, howlna bilaabaa.
Sidaas oo kale, waxaa raysa in Gobolka Banadir inuu dib u loo soo noqdo golihii deegaanka ee horay loo dhisay xiligii Dowladdii uu warsiirka kowaad ka ahaa Nuur Cadde.

Arintaan waxay sahlaysaa in talada gacanta u gasho dadka Gobolka ku dhaqan, cidday rabaan ha noqdaan; oo laga saaro gacanta qof walba oo madax u noqda dalka; hadda siday arin u taalo waa sidaas.
Talada in la dhex dhigo dadka, aakhirkana madaxa dalka iyo gobolada inay noqdaan kuwo ku yimaada, kuna taga sanduuqa doorashada waa qaabka looga adkaan karo fikir ahaan shebaabka, waayo waxay diidan yihiin shuurada, talada ummadda in la dhex dhego, loogana hortago qolo yar ama qof inuu say ula muuqato inuu wadanka ka sameeyo.

Members of the African Union Mission in Somalia and Somalia's National army have today taken Warsheekh, a coastal district in Middle Shabelle region, along Indian Ocean. A nearby district, Adale, was also left by Shebab, creating vacuum to be filled soon. Shebab appears to be disintegrating, conventionally at least now, having faced numerous fronts while they lack a popular support.

 
The ordering principle of Islamic political life is shura; it says the commands, amar,  with the Islamic community is Shura, that is a consequence of consultations among them; so, it is not consultations among few as some say, but consultations among all; thus, Islam does not allow a group or a leader to issue commands from his pocket. Shebab wants to take public matters and place them in the hands of few. They are essentially anti-Shura.

 
The current government in Somalia ought to bolster its Shuratic credentials by progressively involving people in public matters.

 
Start from Banadir region, re-create the municipal council representing all the people that live in the city. Let them choose a leader. End appointing a leader for the region.

 

New state was created recently around Mogadishu comprising the two Shabelle regions. Parts of Galgaduud region may be combined with this new state, such as Ceeldheer and Galcad, if the people in these regions desire. After all we are guided by what people choose.

Kahda district is said to have been rejected by the new governor of Banadir, its district status. some reports say the governor have refused the name, Kah Shiikhaaleed, the Kah of Shiikaal, carrying the name of a clan, not the district. The governor ought to welcome this new district, not refuse to join the wider Banadir region.