Tuesday, December 4, 2012

Short Report on Somalia; Warbixin Kooban Soomaaliya


Taariikh
Dhimasho
Dhaawac
Meesha
Caynka
Jilaha
Isha
12, 4, 12
?
?
Jowhar, SH/Dhexe
Iska horimaad hubaysan
HSM iyo DF, AMISOM
Jowhar, Hiiraan,
12, 4, 12
1
0
Dayniile, Xamar
Rasaas/Mindi
Lama oga
Soomaalidamaanta, Keyndmedia,
12, 4, 12
1
0
Mandheera, Kenya
Rasaas
Lama oga
Jowhar, Dayniile, Hiiraan.
12, 4, 12
0
1
Muqdisho, Soomaaliya
Lama yaqaan
Askari ka tirsan DF
Hiiraan, Dayniile and Jowhar, Soomaalidamaanta
12, 4, 12
?
?
Dhanaane, Sh/Hoose
Gantaalo
AMISOm iyo HSM
Dhacadooyinka, jowhar.com, Shabelle.net
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

1-       Shabelle waxaad u malaysaa inay dhinac u jeedo ma sheegin odaygii lagu dilay Baardheere, meelay Shabaabka ka taliyaan. Laakiin kuwa kale af-Soomaali iyo af-Ingiriis labadaba waa ku quraan.

2-     Warbaahinta qaar waxay qoreen ninka lagu dilay Mandheera inuu ahaa macalin, qaarna Baadiri.

3-      Dhaawac fudud aa soo gaaray taliyihii taraafikada Xamar, Cali Xirsi Barre,  siduu asaga naftiisa sheegay.

4-     Warar iskhilaafsan aa ka soo baxaaya gantaalo lagu tuuray Meel u dhow Xamar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Qaar waxay leeyihiin shacab aa wax ku noqday, qaarna Shabaab, qaarna midna.

 

Enlighs

Conflict reports have been published by Somali sites on missiles said to have originated from African Union Mission in Somalia basis in Mogadishu; some say missiles destroyed lives and properties of people who live in the area; others missiles have targeted Shebab unites preparing themselves in the area to attack AMISOM and Government basis.

Monday, December 3, 2012

Warbixintii Maanta ee wadanka Soomaaliya



Taariikh
Dhimasho
Dhaawac
Meesha
JIlaha
Caynka
Isha
12, 3, 12
1
0
Baardheere, Gedo
Lama Oga
Rasaas
Jowhar, Dayniile, Soomaalidamaanta
12, 3, 12
1
3
Afgooye, SH/Hoose
Askari Dowladda
rasaas
Dayniile, Somaliweyn, Shabelle.net,
12, 3, 12
?
4-10
Shabeelaha Hoose
Dowladda iyo kooxo hubaysan
rasaas
Hiiraan, Jowhar, Dayniile, Somaliwyen
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Faalo kooban oo ku saabsan dad lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanaayeen Shabaabka oo jidka u galay madax ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Xarakada shabaabka oo mar dhow helaaya say rabaan; ayadoo la ogyahay inay rabaan inay dalkaan xoog ku qabsadaan, bacdina ay rabaan ka suubshaan, ayagoo ku gabanaaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ay maalin walba u dhimanaayaan una dhaawacmaayaan yoolkaas foosha xun ee ah dadka in xoog lagu qabsado bacdina sidii la rabo laga yeelo. Dadka larabo in xoog lagu qabsadana ma rabaan inay dhintaan ama dhaawacmaan, ama hantidooda burburto.

Ogaada dulinomo iyo yasmo ma huraysiin idinka iyo waxa idinka farcami doona; aakhirina xanuun badan aa idin harsan.

Shareecada lama diidana, walow tan Shabaabka ay tahay fasir kooxdiimeed, ee ma aha Shareecada Islaamka, si walba ha noqotee, waxa la diidanyahay waxaa waaye, dagmadaada aan kuugu imaanaa, bacdina cidda aan rabo madax kaaga dhigaa, markaan rabana waa burinaa; dadka deegaanka, deegaankaas ku dhaqan xaq uma laha inay doortaan madaxdooda sida haddaba ka jirta meeshuu ka yimid Madaxa Shabaabka, Abuu Zubayr.

Dadwaynaha Soomaaliyeed waxaan kula talinaynaa in Shabaabka wadooyinka loo galo, bacdina loo diido inay ku nastaan dhulkay xoogga ku qabsadeen. Dadka lacagta lehna waxaan leeyahay baxsha lacagta daawada iyo masruufka inta dhaawacanta iyo magta inta dhimata. Guud ahaan Dowladda Soomaaliya hala teegeero ilaa Shabaabka ka yealaan in shicibka ku dhaqan bartamana iyo kionfurta Soomaaliya inay aayahooda ka tashadaan, sida kuwa waqooyigaba masiirkooda uga tashadeen

Ninkii askarigii noqon Kara, kii aqoon, kii Dowladda difaaci Kara markay saxsantahay, saxa markay khaldantahay; halkanga wayn oo lagu doonaayo in dadka Soomaaliya ayagoo xor ah aayahooda ka tashadaan, bacdina masiirkooda go'aansadaan, qayb ka noqo. Maantaa fursad aa la haystaa, halaga faaidaysto, ama ha dhooti afka hala  kalo taago, maraan tabar la hayn.

 

 

English

 
Somaliland voting peaceful and transparent, observers stated in a report; they noted, however, lack of safeguards against multiple voting was one the serious concerns in addition to scarcity of indelible ink and absence of voter registration. Those who claim vote fraud may have reasons to do so, even though the voting was generally transparent.

Sunday, December 2, 2012

Qaybo ka Mid ah Horayumarkii Dhacay Isbuucaan ee Soomaaliya


Waxaa hoos dhac ku yimid howlihii Shabaabka ay ka wadeen wadanka Soomaaliya saddexdii isbuuc ee la soo dhaafay; arimahaan waxaa loo fasari karaa siyaabo badan ha ugu waynaatee, howlgalada ka dhanka ah ay wadaan ciidanka nabadsugidda qaranka iyo kuwa gobolada, sida Banadir, Hiiraan, Mudug, Jubada Hoose, Bay iyo Bakool, shiidnimada Shabaabkana waa mid kale.

Waxaa xusid mudan in mar dhow xadka ay ka tilaabi doonaan ciidanka wadanka Itoobiya ee jooga Hiiraan, masiirkaas oo kale aa sugaaya kuwooda kale ee jooga Gedo, Bay iyo Bakool.
Tabarro iyo qalabayn aa ku socota ciidanka wadanka Soomaaliya oy wadaan Soomaalida iyo dalal kale sida Turkiga.

Madaxa nabadsugidda gobolka Banadir, oo la hadlaayay warfaafinta Xamar, 23kii bisha Nofember, 2012,  ka bacdi howgal ay sameeyeen, wuxuu sheegay in laga war helay xayn Shabaab ah oo is abaabulaysay si u weeraraan goobaha Dowladda ee gobolka Banadir; wuxuu soo bandhigay maydka nin madax u ahaa kooxdaas oo iska horimaad ku dhintay, hub farobadan iyo askar nool oo la soo qabtay, gaaraysana 16; askartaan waxaa la soo hor joojiyay warbaahinta.
Hoolgaladaan waa sii socdeen lidka ku ah kuwa caadaystay inay dadka dilaan, dhaawacaan ama hanti burburiyaan si ay u gaaraan ahdaaftooda foosha xun, oo ah inay dalkaan xoog ku qabsadaan, ayagoo leh waxaan hirgalinaynaa shareecada Islaamka.Waa eray fiican oo looga dan leeyahay wax iska burburaaya, kaligii talisnimo.

Madaxa nabadsugidda ee gobolka Banadir wuxuu sheegay in howshaan ay ka saacideen dadka nabadda jecel ee ku dhaqan gobolka.
Magaalada Muqdisho 26kii bisha nofember waxaa si xor ah ugu shiray ururo ka tirsan kuwa bulshada ee gobolka Banadir, kuwaasoo dadka kuu dhiiri galiyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo ciribtiro kuwa dhibka ku haaya dadka.

Waxaa lala socodsiinaa ururada bulshada meelaha ay ku shiraayaan inay ammaankooda adkeeyaan, bacdamaa Shabaabka ay naf la caari joogaan, ayna ogyihiin haddii ay kororto wada shaqaynta shacabka iyo ciidanka inay meesha ka baxaayaan.
Maxaa dhacay dheh, horay ugu jabeen dagaalkii fool ka foolka ahaa, bacdi hadday wadi waayaan kan dhuumaalaysiga, waa ciribtirmaayaan. Wax kale uma harin. Marka isilaaliya.

Waxaa kaloo dhacday isbuucyadaan in la soo qabto kuwo faraha kula jira dhibka shicibka, sida dilka iyo bambo tuurowga lagu tuuraayo goobaha shicibka sida maqaayadaha. Marka iyo Baladwayne waxaaa ka dhacay isbuucaan in la soo qabtay kuwo dilay oday dhaqameed caan ah iyo mid tuuray bambo gacmeed, oo la dhaawacay, bacdina cisbitaalka la geeyay.

Walow la soo wariyay in dad shicib ah la dilay, ayadoo shabakadaha qaarkood ay sheegaayaan in loo dilay aano, bacdama lagu tuhmaayay dilkii odayga caanka ka ahaa Hiiraan, ee dhawaan la dilay.

Arintaan kuwii falay waaa in sharciga la horgeeyaa; waayo, Shabaab waa in sharciga lagula dagaalaa; haddii kale, dad shicib ah haddii la iska dilo ayadoon maxkamad la saarin, ciil aa galaaya, bacdina waxay baadi goobaayaan qaab ay ku aarsan karaan, xattaa waxay galaayaan Shabaab si ay u aarsadaan. Marka falkii la rabay in lagu soo dhameeyo dhibka Shabaabka, wuxuu dhalaa Shabaab cusub. Marka sharciga ha la ismarsiiyo si dhibka u dhamaado.

Isbaarooyinkii magaalada yaalay waa laga qaaday. Arintaan waa in la bogaadiyaa. Waa tilaabo horay looqaaday. Waxaana ammaan mudan dadkii ka shaqeeyay. Dowlad ma jirto hadday ammaanka dalka xaqiijin karin, ammaan lama sugi karo haddi aan lacag la hayn.
Dowladdaa looga fadhiyaa lacagta soo gasha inay galiso ammaanka muwaadiniinta Soomaaliya, si bacdi ay u hesho taageeradooda, taasoo sahlaysa in Shabaabka laga adkaado, dalkana uu noqdo ammaan taam ah.
Arintaan waxay sahlaysaa in shicibka aayahooda ka tashado, bacdina go'aansadaan masiirkooda.
Isha Somaliweyn.

Week's Highlights of Somalia

General decline of Insurgency operations and substantial increase of effective counter insurgency operations in various parts of the country, including Mogadishu, Hiiraan, Lower Jubba, Mudug, Bay and Bakool ,has been noted in the last three weeks, even though this week insurgent acitvities had picked up again, albiet in limited fashion, devoid of high profile acts.


According to Banadir intelligence chief, who spoke to the media on November 23rd, 2012, one senior commander was killed, whose body was shown to the media, as reported by Mogadisho radio website and others too.

Sixteen others were also apprehended, said to have been on their way to carry out small hit and run attacks on government installations in parts of Banadir Region; their faces were also shown to the public.

Weapons said to have been owned by these insurgent operatives were also presented to the media.
Operations of this nature were furhter sustained in subsequent days in Mogadishu by Police and local security forces, substantially reducing capacities of Shebab members in Mogadishu to carry out their violent activities. The success has been generally attributed to increased level of cooperation between the security forces and residents of the town.
Civil society groups met freely in Mogadishu, on Monday 26th, 2012, and encouraged people to work with security forces to make the city and Somalia in general more peaceful.

Civil society groups ought to have their own security screening in place whenever they meet, to prevent desperate Shebab operatives from harming them, because their activism appears to have increased cooperation between the government and the people, thereby denying Shebab opportunities to carry out their guerrilla activities, their last ditch, since they have  previously failed to fight conventionally.

If, therefore, they continue to fail miserably to carry out their guerrilla activities, then their existence as a group is in question.

Even suspected elements of Shebab who managed to carry out assassinations of some prominent people, this week, like the chairman of the council of elders in Hiiraan, did not manage to escape, they were apprehended by local security forces. They are now waiting justice.
Civilians, allegedly, were also killed in retaliation to the elder’s death, as reported by sites generally favorable to Shebab, even though the killing of three civilians, right after the elder was killed, was widely reported.
If true, the killers must face the law; doing so will increase chances of successfully ending Shebab insurgency in Somalia. Otherwise, relatives of the harmed civilians may now explore different venues of revenging, including joining Shebab to retaliate. To avoid retaliation and counter retaliation dynamics, strive to fight the insurgency within the bounds of the law, prosecute them.
 
Checkpoints in Mogadishu and in surrounding regions such as lower shabelle region were removed this week. This is a commendable job. It came after the president and the Prime Minister of the federal republic of Somalia made a passionate speech to security officials and district commissioners.
Public transport drivers were happy because they will save money, they did celebrate. They used to pay money as they cross these checkpoints, now they don't.

Some of these checkpoints collected money for people who were risking their life to make the city safe; as a result,  some security forces will lack money needed to cloth and feed themselves in the mean time.

It was unwise for the government to remove these checkpoints without  having an alternative mechanism in place to replace them. Even though they were removed too early than expected by the president himself.
Another challenge raised by the removal of checkpoints is the issue of taxation; who will
collect money? The central government or local government or both; if both, how are they going to share the money. Since the money that goes to the central government is used to support shared projects such as embassies, ministers and the federal parliament, such money ought to not originate from one region alone, to be fair, but it ought to originate from all regions.

If so, national legislation is needed to govern taxation for Banadir, since it has special capital status, and for other regions of Somalia too.


We ought to celebrate, in any case, the work done to allow the government to collect taxations and become the paymaster of all armed forces in the area. This step increases the capacity of the state to provide security to its citizens and by implication earn legitimacy in the eyes of the public.

 Source of the Picture,  Radio Mogadisho, Voice of the Federal Republic of Somalia

Friday, November 30, 2012

Short Report; Warbixin Kooban


Taariikh
Dhimasho
Dhaawac
Meesha
Caynka
Jilaha
Isha
12, 30, 12
?
?
Xudur, Bakool
Iskahorimaad hubaysan
HSM, DF,
Hiiraan, Dayniile, Somaliweyn
12, 30, 12
1
0
Kismaayo, Jubada Hose
Rasaas
Raaskambooni
Shabelle, Dayniile,
12, 30, 12
1
2
Balcad, Shabeelaha Dhexe
Miino ama bambo gacmeed
Lama yaqaan
Shaaciye, Shabeelle.net, Dayniile, Soomaalidamaanta
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

                                                

1-       Ma jirin iskhorimaadyo ma jirin, marka laga reebo kii dhacay Xudur, Bakool; guud ahaan Soomaaliya maanta waa daganayd.

 

English

The situation in Somalia was generally peaceful today, with exception of one reported confrontation in Bakool region.